Sunday, March 8, 2015

Guddida DAWGA-CAD Oo Kormeeray Wejiga Labaad ee Dhismaha Jidkaasi iyo Dardar-gelinta Dhammaystirkiisa

Ceel-Sheekh, 08 March, 2015-(Himilo)- Guddida Dhismaha Jidka DAWGA-CAD, ayaa shalay Kormeer ku soo maray jidkaasi ilaa deegaanka Ceel Sheekh oo uu ka socdo wejiga labaad dhismaha Jidka isku xidhaya Hargeysa, DAWGA-CAD illaa Ceel Sheekh. Guddida oo ay wehelinayeen Xubno ka mid ah

[gallery columns="4" ids="16728,16727,16726,16725"]

Qurba-joogga gacanta ka geysta dhismaha jidkaasi, ayaa markii ay gaadheen Ceel Sheekh waxay baaq u soo jeediyeen Shacabka reer Somaliland, kaasoo ku wajahnaa inay gacan ka geystaan dhammaystirka jidkaas oo muhiim u ah guud ahaan isu socodka Somaliland. Jaamac Yuusuf Kaahin oo ka mid ah Xubnaha Qurba-joogta ah oo halkaasi ka hadlay, ayaa yidhi; “Waxaannu joognaa Ceel-sheekh, annaga oo soo marnay DAWGA-CAD oo aad iyo aad loo hagaajiyey, waxaanannu soo soconnay wakhti aan Saacad dhammayn Hargeysa illaa Ceel Sheekh, Mahaddaana waxa iska leh ILAAHAY iyo Guddiga. Waxa kale oo aan leeyahay Guddigu lacag kuma qaataan ee dar ILAAHAY ayay u shaqeeyaan ee innaguna (dadweynaha) aynu dar ILLAAHAY Sadaqada aynu ula baxno. Qurba-joogta waxaan leeyahay aad u soo dedaala, dadka kalena dhiirri-geliya.” Xubin kale oo ka mid ah Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD oo isna halkaasi ka hadlay, waxaanu yidhi; “Waxaan baaq u dirayaa dhallinyarada Jaadka Cunta ee Hargeysa, waxaan leeyahay Walaallayaal maalin kaliya qaadka ka Sooma oo jidka ugu Tabaruca. Waayo? Waddada Ceel Sheekh oo ah 105KM waa la banneeyay, laakiin waxa hadhay biriijyadii iyo hawshii ugu cuslayd, markaa waxaannu leenahay halla soo dedaallo ayaan leeyahay way dhammaanaysaaye.”
Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac oo isaguna ka mid ah Guddida, ayaa sheegay inay hawsha Jidkaasi meel aad u fiican marayso, isla markaana ay Allaah ka baryayaan inuu ku garab-galo illaa dhammaystirkeeda, sidoo kalena loo baahan yahay inay Bulshadu ka qayb-qaadato Kharashka ku baxaya dhismaha Jidkaas, waxaanu yidhi; “Waxaannu ILLAAHAY ka baryeynaa inuu innoo dhammaystiro jidka inta noo hadhsan.”
Guddoomiyaha Guddiga Dhismaha Jidka DAWGA-CAD Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo gabogabadii halkaas ka hadlay, ayaa xusay in hawl weyn oo dhismaha Jidkaas ahi dhammaatay, hasa-yeeshee ay weli dhiman tahay hawl culus. “Waxaannu halkan u nimid inaannu soo indha-indheyno Waddada DAWGA-CAD, waxa qabsoomay iyo waxa aan weli qabsoomin, hawsha laga qabteyna aad iyo aad bay u badan tahay, hawsha hadhayna aad iyo aad ayay u badan tahay. Waxaannu doonaynaa in meeliba meeshay ka adag tahay aannu wax ka qabanno, haddii waxa aannu haynaa noo saamaxo, idinka iyo ILLAAHAY-na waannu la kaashaneynaa.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

[gallery columns="4" ids="16728,16727,16726,16725"]

No comments:

Post a Comment