Dhuusa-mareeb, 08 March, 2015-(Himilo)- Sarkaal ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, ayaa la sheegay inuu Shalay isu soo dhiibay Ciidammada dawladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo iska dhiibay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ee dalkaas, ka dib markii uu xidhiidho is-dhiibistiisa la xidhiidha imashadiisa ka hor la sameeyey Masuuliyiin dawladda Federaalka ka tirsan Magaca Sarkaalkan, ayaa lagu sheegay Cabdillaahi Axmed Muxumed, kaasoo Al-shabaab u qaabilsanaa sameynta Miinooyinka iyo Diyaarinta walxaha Qarxa, isla markaana ku sugnaa deegaanka Gal-hareeri ee gobolka Galgaduud. Warku wuxuu intaas ku daray ku daray in Sarkaalkan uu Khamiistii lasoo dhaafay isku soo dhiibay Madaxda dawladda ee magaalada Dhuusa-mareeb ku sugan, iyadoo la sheegay in toddobaad ka hor uu Al-shabaab ka baxsaday.

Madaxa Amniga gobolka Galgaduud ee dawladda Soomaaliya Mahad Khaliif Rooble, ayaa sheegay in Sarkaalkan uu la soo xidhiidhay, isla markaana ay soo dhaweeyeen, waxaanu ku baaqay in Saraakiisha kale ee Al-shabaab ka tirsan ay kasoo goostaan, isla markaana isu soo dhiibaan dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay soodhawayn iyo saamaxaad kala kulmi doonaan sidii uu hore ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddoomiyaha degmada Dhuusa-mareeb Macallin Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geedo-qorow), ayaa isna sheegay in dawladdu ay soo dhaweyneyso dadka kasoo baxaya fikirka Kooxda Al-shabaab. Waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay go’aanka uu ninkani gaadhay, isagoo soo ajiibay baaqii Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya hore ugu sheegay in ciddii Al-Shabaab ka tirsan ee dawladda isu soo dhiibta la cafiyi doono, dalkoodana ay ka shaqaysan doonaan iyagoo aan dembi loo haysan, waxaana Saacadaha soo socda loo gudbin doonaa dhinaca magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Sarkaalkan ka soo goostay Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cabdillaahi Axmed Muxumed oo isna la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay inuu hore tabobbar dhinaca Miinooyinka ah loogu qaaday dalka Yemen, ka hor intaanu bilaabin inuu Miinooyinka geliyo goobo badan oo dalka Soomaaliya ka tirsan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment