Hargeysa, 08 March, 2015-(Himilo)- Xarunta Xuquuqal-insaanka ee HRC, fadhigeeduna yahay magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay in Haweenka Somaliland la kulmaan tacaddiyo kala duwan oo isugu jira gudniinka Fircooniga ah, Kufsiga iyo kuwo kale. War-Saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal-insaanka ee HRC Mr. Guuleed Axmed Jaamac, waxa uu ku sheegay in Madax-dhaqameedku caqabad ku yihiin caddaalad ay haleen Haweenka Somaliland, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

Sannad walba waxa laga xusaa dunida oo dhan 8 March maalinta Caalamiga ah ee Haweenka. Haweenka Somaliland uma dabbaal-degayaan guul. Caqabado badan ayaa ka hortaagan inay helaan xorriyadaha iyo Xuquuqaha aasaasiga ah ee Dastuurka Somaliland iyo Xeerarka caalamiga ahi siiyeen.
Haween bay dhibaato ka soo gaadhaa gudniin, garaacis, kufsi iyo tacaddiyo kale. Xarunta Xuquuqal-Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladda Somaliland inay la dagaallanto tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka. Hoggaamiyayaasha qabiillada ayaa ku ah caqabad in Haweenku helaan caddaalad. Waa inaan loo oggolaan in hoggaamiyayaasha qabiilladu inay faro-geliyaan dacwadaha ciqaabta ah ee lagu soo oogo dadka gala tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.
Hal-ku-dhegga sannadkan (2015) waa “Dumarka oo la awoodeeyaa waa bani’aadantinnimada oo la awood siiyay: Bal Sawiro”. Xarunta Xuquuqal-insaanku waxay ka codsanaysaa Xisbiyada Siyaasadda, Baarlamaanka iyo dawladda inay kor u qaadaan ka qabygalka Haweenku ku leeyihiin Siyaasadda. Haweenku aad bay ugu yar yihiin Saraakiisha sar-sare ee dawladda iyo Shaqaalaha, ha noqdaan kuwa dawladda iyo goobaha gaarka loo leeyahayba.” Sidaa ayaa lagu soo gabagabeeyey War-Saxaafadeedkan ka soo baxay Xarunta Xuquuqda Aadamaha HRC ee Hargeysa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment