Siyaasi xumadu waa mid ka mida masiibooyinka iyo dhibaatooyinka ku habsada shacab iyo bulsho guulle ku abuuray bogcad ka mida dhulkiisa. Haddaba dhibaatooyinka tirada badan ee ragaadiyay ummadda Soomaaliyeed tan iyo intii ay jirtay, waxa mas’uuliyaddeeda inta badan la saaraa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee siyaasadda ku jiray, xilligii dawladdihii lagu midaysnaa ama waqtigan hadda la joogo ha noqotee.
Sidaas darteed waxaan jecelahay qormadan inaan ku lafo gurno siyaasiga Soomaaliyeed, astaamihiisa. Sidoo kale inaan wax yar ka iftiiminno, waxa siyaasi yahay iyo summadaha wanaagsan ee siyaagisa fiicani leeyahay ama lagu yaqaan.
Waa kuma siyaasi?.
Siyaasigu waa shakhsi si firircoon ugu tacaluqa ama leh xirfadii siyaasadeed, gaar ahaan waxa siyaasi loo yaqaan ama lagu asteeyaa qofka haya xafiis hogaamineed oo siyaasi ah.
Siyaasigu waa shakhsiyad ku qancisa waxay doonayso dadka kale iskuna daya inuu si xirfad iyo xikmad leh oo bilaa turxaana uga guulaysta cidda la tartamaysa.
Siyaasigu waa shakhsi khibrad iyo xirfadba u leh cilmiga siyaasadda, maamulka iyo hanaanka dawladnimo yaqaanana waxa uu qaran yahay.
Siyaasigu waa qof xiiseeya arrimaha siyaasadda yoolkiisuna yahay sidii uu kasban lahaa bulshadiisa taasoo ay u xaqiijinayso xafiiska siyaasadeed ee uu marba hayo.
Astaamaha siyaasiga wanaagsan
Siyaasiga wanaagsani waa shakhsiyad ku sifaysan caalaamadahan dahabiga ah:
Tayo wanaag: tayada wanagasan ee siyaasigu waa mid ay foolaad ka tahay dabeecadiisa dabiiciga ah ee guulle ku galladaysto, halka uu qaar kalena ka kasbado saamaynaha togan ee kaga yimadda deegaanka ku xeeran. Tayada fiican ee siyaasiga waxa badanaa taageera ama xoojiya xirfadaha, khibradaha iyo indheer-garadnimo kuwaasoo dhamaantood gaadhsiiya guulo uu mahadiyo. Tayada ugu waangsan ee siyaasi leeyahay waa daacadnimo iyo alla ka cabsi.
Hawlkarnimo: hawlkarnimada iyo run sheegga siyaasiga waanagsani waa mid dhaxalsiisa ama u horseedda aaminaadda iyo isku hallaynta bulshadiisa. Siyaasiga waanagsani waa shakhsi go’aan qaadasho leh dushana u rita masuuliyadda ficiladiisa iyo tiraabihiisaba. Wuxuu illaaliyaa ballamaha uu qaado, waxa marwalba uu u halgamaa oo maankiisa iyo maskaxdiisaba ka buuxa sidii uu bulshadiisa u caawin lahaa horumarna u gaadhsiin lahaa, taasoo ah calaamadda dhabta ah ee caddaynasa siyaasiga hawlkarka ah. Halka siyaasiga waraaba utaagga ahi ( fake politician) u sameeyo ballamo been abuur ah oo aanu waxba ka fulin, kursigana uu uga faa’iidaysto danihiisa gaarka ah, halkii uu bulshadiisa ugu adeegi lahaa. Siyaasiga wanaagsani wuxuu u hoggaansamaa shuruucda waddankiisa waana astaan u taagan dhaqan gelinta sharciga iyo illaalilntiisaba, waa shakhsiyad ka fog musuqmaasuqa, wax isdaba marinta iyo ku takri falidda awooddaba. Siyaasiga wanaagsani wuxuu utaagan yahay dhisidda iyo soo bandhigidda sifooyinka wanaagsan ee bulshadiisa.
Daacadnimo: Waxa kale oo lagu yaqaan siyaasiga wanagsan oo ka mid ah sifooyinkiisa inuu yahay daacad iyo inuu leeyahay farsamooyinkii uu ku xallin lahaa dhamaan carqaladaha soo wajaha sida dhaqaalaha, siyaasadaha, qorshayaasha, mashaariicda isagoo la yimaadda hindisayaal uu ku kusoo afjaro dhibaatooyinkaas. Siyaasiga wanaagsani wuxuu door muhiima ka qaataa hanaanka maamul, wuxuu bulshadiisa iyo waddankiisaba uga wakiil yahay kumanaan sharci iyo siyaasado, kuwaas oo marwalba uu u taaganyahay xaq-dhawridooda iyo hirgelintoodaba.
Aqoon: Siyaasiga wanaagsani waa shakhsiyad ku hubaysan aqoontii iyo kartidii looga baahnaa qof doonaya ama u ordaya inuu gadhwadeen u noqdo bulshadiisa, waana qof si dhaw uga warhaya siyaasadaha waddamada ku xeeran iyo adduunwaynahaba.
Anshax wanaag: Siyaasiga wanaagsani waa shakhsiyad alla siiyey akhlaaq wanaag iyo anshax suubban, marwalbana u taagan u adeegidda bulshadiisa isagoo tiisa gaara ka horaysiiya tan ummaddiisa.
Afhayeen: Siyaasiga wanaagsani waa ka cod dheer ku sheega wax badan oo bulshadiisu tebayso waana afhayeenka rasmiga ah ee ummaddiisa.
xilkasnimo: xilkasnimadu waa astaan kale oo baadisooc u ah siyaasiga wanaagsan. Siyaasiga wanaaagsani waa mid marwalba u dhaw bulshadiisa lana kulma si uu xogogaal dhaw ugu noqdo dhibaatada bulshadiisa haysata, halka siyaasiga waraaba utaagga ah( fake politicians) ay bulshadu aragto oo keliya marka uu cod ka doonayo. Siyaasiga wanaagsani wuxuu jecelyahay inuu marwalba ka shaqeeyo is dhexgalka, iskaashiga iyo wada jirka muwaadiniintiisa, sida uu waalidka xil uga saaranyahay barista ilmihiisa mabaadiida, dhaqanka wanaagsan, run sheegidda iyo ku kalsoonaanta naftooda. Siyaasiga wanaagsan waa shakhsiyad hogaamintiisa la majeerto oo bulshadiisa u noqda tusaale ay ku hirtaan.
Astaamaha siyaasiga soomaaliyeed
Waxaynu akhristayaal si kooban usoo millicsanay waxa uu siyaasi yahay iyo astaamaha wanaagsan ee lagu yaqaan siyaasiga fiican, waxaan filayaa inaad is waydiiseen markaad dhexmushaaxayseen sumadahaa dahabiga ahaa ee siyaasiga wax garadka ahi leeyahay, inay maskaxdiinu iswaydiinaysay su’aalahan. Waa maxay astaamaha siyaasiga soomaaliyeed? Ma yahay mid ku sifaysan astaamaha siyaaasiga wanaagsan ee aynu kor ku xusnay? mise wuu ka geddisan yahay?
Siyaasiga soomaaliyeed marka aynu eegno astaamihiisa, waxaan odhan karnaa waxa uu ku astaysanyahay caksiga sifooyinkii aynu hore u soo huwinay siyaasaiga fiican. Marka aad bulshada soomaaliyeed la sheekaystid qaybaheeda kala duwan ee aad waxa ka waydiisid waxa uu yahay siyaasiga soomaaliyeed, jawaabtoodu kama baxdo weedhahan kooban oo baadi sooc u noqoday siyaasiga soomaaliyeed:
1. Beenaale
2. Munaafaq
3. Mabda’laawe
4. Tuug ma xishoode ah
5. Danayste
Waxaa halkaa inooga muuqata in siyaasiga soomaaliyeed uu sumad gaar ah u yeeshay sifo intii ugu xumayd ee siyaasi yeesho, walaw ay jiraan siyaasiyiin soomaaliyeed oo fara ku tiris ah oo laga helayo astaamihii suubbanaa ee siyaasiga wanaagsani lahaa, haddana waxa ka xoog batay oo qariyey siyaasigaas ceebaysan ee bulshada soomaaliyeed boogta madaw ku ah, meel kasta oo ay joogaan hormuudka u ah.
Siyaasiga soomaaliyeed waa shakhsiyad ku sifaysan hagardaamaynta bulshadiisa, wuxuu ka shaqeeya kala qoqobka bulshada soomaaliyeed si uu ugaadho dantiisa gaarka ah. Siyaasiga soomaaliyeed waxa uu ku takrifalaa awoodda siyaasadeed ee uu leeyahay xafiiska hoggaamineed ee marba uu masuulka ka yahay. Siyaasiga somaaliyeed hubka ugu muhiimsan ee uu adeegsadaa waa khiyaamo, qaraabokiil, eex iyo qabyaalad aan xishood iyo waxa uu xeerinayaa aanu jirin.
Haddaba akhristayaal waxa isweydiin mudan xaguu ka yimi siyaasigan kusifayn sifooyinka noocan ah ee gurracan? Miyuu iska yimi? Mise meel uu ka shidaal qaato ayaa jirta? Mise waa masiibo illaahay dusha kaga keenay bulshada soomaaliyeed?. Su’aalahan jawaabtooda waxaan ku lafa guri doonnaa qormooyinkeenna danbe haddii allaha awoodda lihi ogolaado.
Sidaas iyo lasocosho wanaagsan.
Qalinkii: Cabdillaahi Maxamed Bile
Email: ambile292@gmail.com
Tell: 0634437634/0659841888
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment