Waxa uu Md Xuseen Axmed Caydiid sheegay in mar kasta ay jirto cabasho ka timaadda go’aamada maxkamadaha dalka soo baxa ee lagaga garsooro dacwadaha laba dhinac u dhexeeya, taasina ay ku timi caqabado iyo duruufo gasoorka dalku soo maray oo saamayntooda wali jirto, kuwaas oo uu sheegay inay duruufo dhaqaale-la’aaneed iyo agabka yaraan ka mid yihiin, taasina ay sababtay inay garsooreyaashu nolol maalmeedkooda ka raadiyaan laba dhinac ee dacwaddu u dhexayso.

Md Xuseen Axmed Caydiid oo ka hadlayey qaabka lagu waajihi karo xal laga gaadho cabashooyinka bulshadu ka tirsato Garsoorka dalka, waxa uu yidhi, “Meelaha Caddaaladda wax ka taraya waxa ka mid ah, in qofka calafkiisa la kordhiyo oo laga madax-banneeyo dhinacyada uu u garnaqayo, in Aqoontiisa la kordhiyo, in agabkiisa la kordhiyo. Waxa kale oo ka mid noqonaysa qawaaniinta oo wax laga beddelo lana cusboonaysiiyo; cabashooyin waa jiraan oo waanu ka garaabaynaa, laakiiin intaas oo wax laga qabto ayaa wax ka tari karta cabashooyinka cadaaladda.
Mushaharkoodii waa la kordhiyey, Aqoontoodii waa la kordhiyey. Halkii Markii aanu dib-u-habaynta ku samaynaynay garsoorka 2011-dii, garsoorayaashii xilligaas shaqada hayey oo 121 tiradooda lagu qiyaasayey, wax aan tiradoodu toban gaadhin baa lagu tirinayey inay qaateen Aqoon ka sarreysa dugsi sare. Maantana iyagoo boqol iyo todobaatan maraya garsoorayaasha maxkamadaha hoose, siddeed iyo Sagaashan (98) ayaa ah Digrii. Calafkii (Mushaharkii) waxbaa laga kordhiyey oo garsooreyaasha Maxkamadaha Sare waxay la mid yihiin Goleyaasha. Garsooreyaasha Maxkamadaha Hoose wali ma gaadhin halkaanu la hiigsanaynay iyo wax u dhow toona. Marka intaas loo helo Garsoorka, waxa ka dhiman in loo helo adeeggii lagu ilaalin lahaa.”
Waxa kale oo Wasiirka Cadaaladdu ka hadlay Madax-bannaanida Guddiga Cadaaladda ee dalka ka kooban Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Laba Garsoore oo Maxkamadda ka tirsan iyo Xeer ilaalinta Guud, waxaanu soo jeediyey inuu aragti ahaan qabo in la kala saaro Guddiga Cadaaladda iyo Maxkamadda Sare.
Wasiirka oo la weydiiyey kalsoonida lagu qabi karo madax-bannaanida Guddiga Cadaaladda maadaama ay xubnahoodu ka tirsan yihiin Dowladda, waxa uu kaga dhawaajiyey inuu shakhsi ahaan aaminsan yahay isla markaana uu ka garaabyo tabashooyinka laga tirsato Guddiga Cadaaladda, isaga oo sheegay inay habboon abuuritaanka Guddiga madaxi-bannaan oo hab-dhaqanka wanaagsan ku ilaaliya Garsooreyaasha Maxkamadaha dalka oo kuwa Maxakamadda sare ku jiraan.
Isaga oo Arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Guddiga Cadaaladdu waxa cidda hab-dhaqanka garsooreyaasha qaabilsan, iyaguunbaa shaqadka qori kara, iyaguunbaa shaqada ka eryi kara. Waxaanse ka garaabayaa oo runtii aan qabaa in la kala saaro oo la kala madax-banneeyo Guddiga Cadaaladda iyo Maxkamadda sare. Waxaan taa u qabaa, guddiga cadaaladdu waxay leedahay darajooyinkii Racfaanka ayaa yimaadda Maxkamadda Sare, markaa iyadu intii Itaalkeeda ah inay ku saxda aqoontaa xeerarka lagaga go’aan gaadhay inay saxdo halkay dacwaddu ka qalloocatay darajooyinka (maxkamadaha) hoose.
Laakiin tan kale (Guddiga Cadaaladda) hab-dhaqanka Garsooreyaasha; waayo waxaan qabaa garsooreyaasha maxkamadda sare laftoodu inay u baagan yihiin inay Guddiga Cadaaladdu ilaaliso hab-dhaqankooda. Maanta, Garsooreyaasha Maxkamadda sare way ka madax-bannaan yihiin oo (Guddiga Cadaaladdu) ma ilaaliyaan. Guddiga Cadaaladdu waxay u xil-saaran yihiin Garsooreyaasha Maxkamadaha Hoose iyo Xeer-ilaaliye ku-xigeennada.”
No comments:
Post a Comment