Tuesday, April 14, 2015

Gabiley: Tirada dad Cudurka Jadeecada ugu dhintay, inta u jiifta iyo Qaylo-dhaan Masuuliyiinta Gobolka iyo Degmadu u jeediyeen Wasaaradda Caafimaadka

Hargeysa, 14 April, 2015 (Himilo)- Ugu yaraan laba Ruux ayaa u dhintay, dhawr iyo labaatan kalena wuu u soo dhaceen Cudurka Jadeecada oo ka dillaacay deegaannada Koonfurta kaga beegan gobolka Gabiley, waxaanay Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo u baxeen deegaannadaas qaarkood, iyagoo ugu baaqay Wasaaradda Caafimaadka inay gurmad deg-deg ah la gaadho.

Duqa degmada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi, Guddoomiyaha gobolkaas Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Gabiley Ciise Sheekh Muxumed Warsame, ayaa gurmad ku tegay deegaanka Ceel-baxay ee gobolkaas ka tirsan oo ah deegaanka labada qof ugu dhinteen Cudurka Jadeecada oo ka mid ah lixda Cudur ee dilaaga ah, isla markaana sida deg-degga ah u faafa, iyagoo gurmad u fidiyey dad la liita oo uu soo ritay xanuunkaas, kuwaasoo ay soo gaadhsiiyeen Cusbitaalka guud ee magaalada Gabiley.

???????????????????????????????Masuuliyiintan oo Warbaahinta ugu warramay deegaannada uu Xanuunku ka dillaacay, gaar ahaan Ceel-baxay, ayaa sharraxay, tirada dadka u dhintay iyo sidoo kale tirada dadka uu soo ritay ee u jiifa xanuunkaas. Waxaanay baaq u direen Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ay ka dalbadeen inay gurmad deg-deg ah u fidiso dadka u dhimanaya iyo kuwa u jiifa Xanuunka Jadeecada ee ka dillaacay gobolkaas.

“Waxaannu halkan baaq uga diraynaa Wasaaradda Caafimaadka, waxaannu maanta (shalay) joognaa deegaanka Ceel-baxay oo ka mid ah degmada Gabiley, Xanuun ka mid ah Xanuunnada sida deg-degga ah u faafa ee dilaaga ah ee Jadeecada ayaa ka dillaacay deegaankan Ceel-baxay iyo deegaannada ku hareeraysan. Illaa hadda laba qof baa u dhintay oo aannu Xabaashadii joognaa Allaah ha u naxariistee, 4 qof waa la gudbiyey, immikana waxay hawlwadeennada Caafimaadku qaadayaan laba qof oo xaaladdoodu aad u liidato.” Sidaa ayuu yidhi Maayerka Gabiley.

Maayerka degamda Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Annagu gargaar intii awooddayada ahayd maamul ahaan iyo Wasaaradda Caafimaadka ee gobolku waannu la garab-taagannay. Laakiin, waa xaalad u baahan in si deg-deg ah loogu soo gurmado ugu yaraan illaa toban kooxood oo Wasaaradda Caafimaadku si deg-deg ah u soo hawlgeliso.”

Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa sheegay inay mar horeba ahayd inay dawladda laameheeda kala duwan ee hawshan qaabbilsani ka hawl-galaan gurmad u fidinta dadka Cudurka Jadeecada ugu dhimanaya deegaannada gobolka uu Guddoomiyaha ka yahay, balse waxa uu caddeeyey in dayac jiro, isla markaana ay dawlad ahaan iyagu isku canaanan doonaan dayaca la sameeyey ee gurmad la’aanta ah.

Badhasaabka Gabiley Mustafe-Shiine oo arrintaas ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Anigu maalintii la qiimaynayey maan joogin oo dalka waan maqnaa. Laakiin, dayac baa halkan ka muuqda, oo dadka in mar hore loo soo gurmado ayay ahayd, annagaana dawlad ahaan dhexdayada isku canaanan doono. Wasaaradda Caafimaadka waan la hadlay waa laga hawlgalayaa, laakiin Shacabkana waxaannu ka codsanaynaa inay nala soo socodsiiyaan ciddii ay xummad ku arkaan noo soo sheega dawladdu meel walba ma joogto, Shacabka ayaa dawlad ah, immikana Ambalaaskii baa nala socda oo ciddii xummadaysan waannu qaadaynaa.”

Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Gabiley Ciise Sheekh Muxumed Warsame, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu Wasaaradda Caafimaadka ku eedeeyey inay ka dhego-adkaatay baaqyada deegaannada gobolku ugu baahan yihiin in gurmad deg-deg ah ay Wasaaraddu la soo gaadho, isagoo sheegay inaanu laga bilaabo maanta haddii aanay Wasaaraddu ka hawlgelin wax-ka-qabashada Cudurkaas aanu masuul uga ahayn gobolka.

“Masuul dalka u dhashay ee dhex-jooga gobolkiisii runtii damqasho badan buu yeelanayaa haddii laga dhego-cuslaado. Gabiley gobol ahaan wax hallagu siiyo ama maamul degmo wax hallagu siiyo. Xilka la iskuma dhejiyo haddii la iska dhego-adkaado Ciise ahaanna masuul kama ahi laga bilaabo maanta haddii aanay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland gurmad deg-deg ah u soo samaynin dadka Jadeecada ugu dhimanaya gobolka Gabiley.” Sidaa ayuu yidhi Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka u qaabbilsan gobolka Gabiley Ciise Sheekh Muxumed Warsame.

No comments:

Post a Comment