Ganacsade Moore oo socdaalkiisu daba-socdo ballan-qaad uu ka sheegay shirkii Ganacsiga Somaliland ee 14-kii Oct, 2014-kii London ku qabsoomay, waxa uu kulan la qaday Madaxweyne Siilaanyo, isaga oo madaxweynaha guddoonsiiyey buug uu ka qoray xaaladda Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo uu si gaar ah ugu xusay isla markaana qaybo ka mid ah uu kaga hadlay hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo, sida lagu sheegay qoraal Madaxtooyadu kaga hadashay kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo Ganacsada.

Markii uu kulanku dhammaaday waxa warbaahinta si wada-jir ah ula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Ganacsade Moore.
Maxamed Biixi Yoonis oo sharraxayey ujeeddada socdaalka Ninka Ganacsadaha ah iyo waxyaabaha ay ka wada-hadleen, waxa uu yidhi, “Waxaanu halkan ku soo dhawaynay Ganasadaha weyn ee John Moore oo aanu kula kulannay shirkii Ganacsiga ee London, khibraddiisu tahay Ganacsiga Xorta ah (Free Zone) waxaanu halkan noogu yimi isagaa khibrad naga siinayay waxa uu dunida ka qabto iyo hawshiisa, barigii horena ballan-qaaday inuu dalka yimaaddo, aad iyo aadna waanu ugu soo dhawaynaynaa.”
Ganacsade John Moore oo isaguna halkaas ka hadlay, waxa uu sheegay, “Waxaan kulan midho-dhal ah oo muhiimad gaar ah noo leh la yeelanay madaxweyne Siilaanyo, waxaanu socdaalkayagu daba-socdaa shirkii Maal-geshiga ee London. Waxaan ahay ganacsade Maraykan ah, waxaanan indha-indhaynayaa suurta-galnimada Maalgashi aan ka sameeyo Somaliland, gaar ahaan horumarinta Ganacsiga Xorta ah, dowladduna waxay ku howlan tahay sharciyadeedii, si dhowna waanu ula soconnaa,” Sidaas ayuu yidhi Ganacsaduhu, isaga oo intaas raaciyey oo yidhi, “Waxaan rejaynayaa inaan halkan ku soo laabtay iyadoo ay ila socdaan Asxaabtaydu si aanu wax uga geysanno horumarinta ganacsiga Gaarka loo leeyahay, mana aha Maraykanka oo kaliya ee waddamada kalena sidoo kale way ku jiraan, taas oo dowladda Somaliland caawin doonto xagga shaqo-abuurka iyo horumarinta Dhaqaalaha oo aanu u aragno mid muhiimad weyn leh.”
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment