Kampala, 01 April, 2015 (Himilo)- Haweenay hormuudka ka aheyd kiis ay ku lug-lahaayeen 13 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, ayaa lagu toogtay gudaha Caasimadda dalka Uganda ee Kampala.
Afhayeen u hadlay Booliska Uganda, ayaa sheegay in Dacwad-ooge Joan Kagezi ay toogteen Dabley hubeysan oo saarnaa dhugdhugley ama Mooto xilli ay ku sii jeedday ama u socotay dhinaca gurigeeda oo ku yaallay isla Kampala. Waxaanay dhimatay intii loo sii waday Cusbitaalka ugu wayn dalkaas.
Taliyayaasha Ciidammada Booliska iyo Millateriga dalka Uganda, ayaa gaadhay goobta uu dilku ka dhacay ee magaalada Kampala si ay dusha ugala socdaan baadhitaanka dilka Haweenaydaas Dacawad-oogaha ahayd.
Mrs Kagezi waxa ay hogaaminaysay Laanta la-dagaalanka argagixisada ee Xafiiska Dacwad-oogaha Uganda. Dadweynaha Uganda ayaa hadda is weydiinaya in ilaalo ku filan ay lahayd iyo in kale. Waxa ay hormuud u ahayd ololaha Maxkamdeynta Rag ku eedaysnaa in ay ka qeyb-qaateen qaraxyo ay kooxda Al-shabaab ka gaystay Caasimadda Uganda ee Kampala 2010-kii, qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen 70 qof.
Dilka Haweenaydan, ayaa yimi ka dib markii Safaaradaha Mareykanka iyo Britain ee Kampala ay soo saareen digniino weerrarro argagixiso oo ka dhan ah danaha Reer Galbeedka ee dalkaas Uganda. Dawladda Uganda ayaa ka mid ah dawladaha Safka hore ee Ciidammada Midawga Afrika (AMISOM) ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya oo ay kula dagaallamaan Kooxda Al-Shabaab.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment