Waa maalin Isniina,bishu waa 3, 8,2015 Waxaanu ku jirnaa hawlmaalmeedka shaqo, Waxaanu bookhanay mid ka mida shirkad isgaadhsiineed oo dalka ku cusub, Waxaanu ahayn aniga iyo laba wiil oo ila socday,shirkada aanu u soconay waa mid kamida shirkadaha bixiya adeega internet-ka oo dalka wali aan wada gaadhin.
Markii aanu gaadhnay xafiiska shirkadaasi ku leedahay magaalada hargeysa ee aanu marayno albaabka laga galo ayaa waxaa sidii cadaadada ahayd albaabka hore ee dhismaha shirkada ku sugnaa mid kamida askarta gaadhka, oo u diyaar garoobay inuu albaabada u xidho gaydhka hore ee shirkada oo wakhtigii shaqadu dhamaaday isla markaana magaalada hargeysa laga maqlayo eedaanka salaada duhur.
Waxaanu u diyaar garownay in aanu hawsha uu hayo askarigu u fudeydino si uu u guto waajibkiisa oo ah inuu na baadho markaanu albaabka kasoo galayno, hore ayaan uga soo gudbay albaabkii askarigu taagnaa wakhtigaa si uu gudaha iigu baadho isla markaana aan gudaha u galo si aan usoo fushado hawshii aan u imid goobtan.
Markii aan inyar albaabka dhaafay ee aan is idhi hore usoco askarigiina wax baadhis ah aanu nagu samayn waayay, ayaa waxaanu isku daynay inaan hore u sii socono maadaaama wakhtigu nagu yaraa oo salaada duhur fooda nagu haysay, isla markii aan askariga dhaafay waxaanu maqalnay qaylo dheer askarigii igu waydiiyay anagoo Wakhti hor taagan “Xageed ku socotaan”Waxaanu ugu jawaabnay hawl ayaanu uga baahanahay xafiiska ee adigu miyaad na baadhid si aanu hawsha usoo qabsano.
Askarigii waxaa uu noogu jawaabey dib usoo baxa,dabadeed waanu yaabnay amarkiisiina waanu fulinay, waxaanu ku nidhi adigu ma tihid (Reception)ee shaqadaadu waa (Security)ee na baadh wakhtigana hanaga lumin askarigii oo aad u cadheysan ayaa inta si aada u qaylyay waxaa uu nagu yidhi “Waar tuug ayaa tihiin ee nasoo dhaafa”Yaab iyo amakaag ayaa na qabsaday waanu waydiinay sababta uu ku keenay aflagaadada waxaaba noo raacday cay , tuur tuur iyo cagajuglayn.
Waxaanu isku daynay inaanu ku qancino inaan hore usii socono laakiin nooma suurta galin inaanu hore usii socona sababtoo ah waxaa uu adeegsaday awooda aanu isagu lahayn oo ahayd Direyska ciidamada ee uu gashanyahay, nama qadarin albaabkii ayuu naga soo tuuray sidii uu noo soo waday,markii aanu dibada nimid ayaa hadana waxaanu goosanay inaanu dajino si aanu dantayada u dhamaysano, Haba la hadlin lahaydaa waxaa uu dhaar ku maray inaanu albaabka naga furayn iska daa inaanu imika galnee. Markii dambe waxaanu goosanay inaanu iska tagno si aanu markale usoo noqono hadii Alle Yidhaa.
Waxaan la yaabay ee igu kalifay inaan sheekadan qoro Askarteenii waxaad moodaa in aanay aqoonsan shaqada ay umada u hayaan oo ah inay ilaaliyaan nabada iyo wixii khalkhal abuuri kara. Halka ayaa maanta kaga fooganyihiin in iyagu ay kusiiyaan jawaab walba oo aad u baahantahay in aad hawshaada kusoo fushato, Waxay noqotay carqalad bulshada hortaagan dhaqanada askarta bileyska qaarkood.
Kaaga sii daran ee goobta uu askarigan waxan oo hanjabaada ku sameynayaa waxaa xarunta Shirkada Somcable oo iyadu ganacsi u furan isla markaana u baahan inay dad badan hanato si adeega internet-ka ee ay bixinaysaa bulshada u wada gaadho,Marka ay howshani dhacaysaa shirkada askarigu waxaa uu la shaqaynayay mudo kooban oo ay shirkadu furantahay.
Markii Dambe ee aan dabagal kusameeyay askarigaasi waxaan soo ogaaday in mid ka mida madaxda sare ee shirkadu xigaalo yihiin sidaasina uu u samaynayo dhaqamadan aan waafaqsanayn sharciga bileyska somaliland.
Waxaan isweydiiyay markaad shirkadaha kale adeeg ka doonayso waxaad arkaysaa ciidanka ilaalinaya iyagaa kusoo dhaweynaya oo kuu sheegaya meesha aad u baahantahay isla markaana si qurux badan kuula hadlaya laakiin askarigan iskumuu haysan inuu ilaalo ka yahay shirkad ganacsi loo furay ee waxaa uu u haystay in lagu dhaqmo dhaqanada bileyska ee saldhigyada oo aad u adag marka ay hawli kaa gasho.
Gabagabadii, waxaan leeyahay shirkada Somcable ee adeega curdinka ah dalka ka wada inay hoos u eegto shaqaalaha ay ugu talo gashay (Security) si aanay shacabku kala kulmin fadeexad iyo niyad jab halkii ay doonayeen in ay shirkada macmiil la noqdaan.
Wabilaahi Tawfiiq
W/Q:Ilyas Abdi Ali
Mobile: 0634504324
Ilyasdable1994@Gmail.com
No comments:
Post a Comment