Sunday, August 23, 2015

Wada Hadal u Furmey labada Kuuriya oo lagu Qaboojinayo Xiisada Colaadeed

 

Washinton August 23, 2015(Himilo)-Wada hadal ayaa markii labaad maanta oo Axad ah la filaya in ay yeeshaan ergo ka kala socota Kuuriyada Koonfureed iyo Waqooyi.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii xiisad colaadeed oo u dhaxeysa labada wadan ay gaadhtay meeshii u dambeysay maalmihii lasoo dhaafey, iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay heegankii u dambeeyay gelisay ciidankeeda.

Wada hadaladan ayaa lagu doonaya in lagu qaboojiyo xiisadaan isla markaana lagaga hortago in dagaal u dhexmaro labada wadan ee deriska ah.

Kulankii koowaad ayaa ka dhacay tuulo la yidhaahdo Panmunjom oo ku taalla xuduuda labada wadan kaas oo socdey mudo toban saacadood.

Labada Kuuriyo ayaa xabbad joojin ku heshiiyey sanadkii 1956 dagaalkii Kuuriyada, laakiin labada dal marna maysan wada saxeexan heshiis nabadeed.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment