Ilaa intee ayaad raali ka noqon kartaa in macalinku karbaasho inankaaga ama inantaada, sida, inu ul la dhaco, inu dhirbaaxo, inu dhegaha maroojiyo, inu qanjiidhiyo, inu laado, inu timaha jiido, inu fasalka hortiisa hadal xun ku yidhaa. Side ayaad ku talin laheyd inu macalinku ganaaxo caruurta?.
Waxa an kormeer u tegey iskuul Hargeisa ku yaal, waxaanan arkey ardey yar oo macalinkii ciqaabayo. Waxa la ii sheegey in ardeygu buugga ku soo dhex ritey sawir reerkooda ah oo uu tustusey ardeyda. Macalinkiina wuxu ku leeyahay waa ciyaala suuq oo sawirka ayuu rabaa inu ka jeexjeexo. Waa ilmo 8 jir ah oo faraxsanaa oo soo qaatey sawir aabihii iyo hooyadii iyo walaaladii oo ardeydii fasalka tustusaya. Inanka yar riyaaq iyo farxad ayay ka tahay, macalinka oo ahaa inan dhalinyaro ah waxa uu ardeydii uuga dhigaya inu inaku ciyaala suuq yahay oo uu dhaqan xun keeney iskuulka. Malkaan ilmihii eegey wejigiisa een argey ilmada iyo baqdinta ku jirta ayaan macalinkii dibedda uugu yeedhey waxaanan geeyey xafiiskii maamulaha. Waxan u sheegey in macalinkani aanu geli karin xiisad danbe ilaa tababar kale iyo dhaqan bedel lagu sameeyo mooyee. Ardeygii ayaan ku noqdey oo sawirkii ayaan xiisad uuga dhigey an u sheegayo. Reerku waxa uu ka koobanyahay oo kolba ilmo weydiinayo hooyadaa ma jeceshahay iyo maxaad u sheegtaa marka ad guriga joogto.
Waxa an ka wadaa, yaa go’aaminaya qaladaka iyo saxa ilmaha lagu ganaaxayo. Yaa go’aaminaya ganaaxa ilmaha la marinayo. Yaa sheegey inu macalinku markasta sax yahay. Macalinka sidiisii kale iskugu buuqsan markuu ul soo qaato yaa xakameynaya waxa uu sameynayo. Waalidka se heshiis miyaa laga heystaa in ilmahooda la karbaashi karo.
Macalinku waxa uu ardeyga u karbaashaa si ilmaha yari u damqado oo uu markaa cabsi u gasho oo uu markasta oo uu isyidhaa wax same uu xanuunkii xusuusto. Faa’iidada karbaashaka iyo xanuujinta caruurtu leedaheyba waa cabsida. Dadka ku takhasusey koritaanka caruurtu, waxa ay kuu sheegayaan in waxa uugu xun ee ilmo yar ku dhici karaa inaaney aheyn nabar lagu dhuftey ee ay tahay inu cabsi ama cuqdad ku koro.
Ilmaha cabsi ama cuqdad ku koraa meel forg kama gaadho nolosha, hoggamiyana ma noqdo, kii noqdaana dhibaato ayuu soo geliyaa. Caruurta waxa lagu koriyaa dhiirigelin, farxad, kalgaceyl. Waa muhiim in ilmaha lagu koriyo inu isaga ama iyada oo aan baqaneyn wax sheego, wax qaldo ciyaaro, qeyliyo oo aayar wax loo sheego haddii ay jiraan wax uu si aan habooneyn u sameynayaa. Wax kasta oo loo sheegayo waa inaaney noqon wax cabsi geliya oo uu ka baqo ama sheeko baqdin leh sida dhagdheer.
Inaga waxa macalimiintu ay ilmaha yar u karbaashaan waa iyaga oo aan aqoon habkale oo ay llmaha ku ganaaxaan. Waxase jira ganaaxyo kale oo ilmaha la marin karo oo aan jidhdil aheyn oo faa’iido badan. Ardeydu waxa ay uugu jeceshahay nuusasaacaha oo fasalka waxa ay ka soo baxaan iyaga oo ad moodo in jeel laga soo daayey oo yaacaya. Waa xiliga ay fursadda u heystaan iney ciyaaraan, asxaabtooda la kulmaan, sheekeeystaan, wax cunaan oo ay dareemaan xoriyad iyo neecow. Ilmaha ad ku xukunto nuusasaacaha ma bixi kartid ee fasalka dhex fadhi oo cuntadaada ku cun waxa ay uuga dhigantahay geeri. Weliba wax aka sii daran marka ad ilmahaa tidhaa daaqadda fadhiiso oo halkaa ka daawo sida ay caruurtu u ciyaarayaan, waxa ay uuga dhigantahay qof ad xabsi daa’in ku xukuntay. Taasi waa ta uugu xun ee ad ilmo ku sameyn karto oo marka ad kala soo quusato ganaaxyada fudfudud ee kale.
Macalimiinteena lama barin habab kale oo wax lagu edbiyo. Takale, wakhtiba uuma hayaan ay arimaha ku maareeyaan oo xiisadda ayuu degdeg ku dhameynayaa, kol hadduu albaabka ka baxana wakhti uuma hayo ardeyda. Islkuulada ma jooga macalimiin la taliyayaal ah oo loo diro ardeyda qalqaaliga ah oo aqoon u leh sida loo waaniyo ama loo ganaaxo. Markaa karbaashku waa habka u dhibta yare e hawsha lagu dhameyn karo.
Haddii macalin loo fasaxo inu karbaash yar oo fudud ilmaha ku dhufto, ma jirto cid qiyaaseysa oo odhaneysa ul qiyaasteedu intaa tahay intaas oo goor ku dhufo. Qof wax karbaashayaa waa qof cadheysan, qof cadheysanina naxariis malaha. Takale, waxa ad arkeysaa arin ardey sameeyey oo macalin ku qosley balse dhici karta in macalin kale ka xanaaqi lahaa oo u karbaashi lahaa ardeygaa.
Gabagabadii, waa muhiim in macalimiinta lagu tababaro, dariiqooyinka caruurta loo dhiirigeliyo, loo caawiyo, loo saxo iyo sida loo ganaaxo iyada oo aan niyadda laga dileyn ama aan la jidh dileyn.
W/Q Maxamed Cali Bile
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment