Hargeysa, 27 August 2015 (Himilo)- Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa soo jeediyey in baadhitaan dhammaystiran lagu sameeyo Lafaha 42 Qof oo la Xasuuqay 1988-kii oo ahaa dad Shacab ah, isla markaana toddobaadkan Aas Qaran Qalfoofkooda loogu sameeyey Deegaanka Biyo-Shiinaha oo ku yaalla Duleedka Waqooyi ee magaalada Hargeysa, ka dib markii Xabaal-wadareed markii la xasuuqay lagu aasay laga helay toddobaadkii hore.

“Horta in meesha xasuuq ka dhacay oo dad badan la gumaaday la isma weydiin karo oo waa la ogyahay oo dad aan garanayo ayaa ku dhintay oo ay dawladdii hore (dawladduu Maxamed Siyaad Barre) xasuuqday.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Cabdi Ismaaciil Samatar oo isagoo ku sugan waddanka Maraykanka u warramayey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.
Waxaanu Prof: Samatar intaas ku sii ladhay oo uu yidhi; “Dadka dhintay ee la helay haddii xurmadii Meydka la siiyay waa Allaah mahadii. Haddii arrintan la doonayo inay taariikhda si quman u gasho in loo yeedho dad Khobaro ah si loo ogaado ma rasaas ayaa lala dhacay iyagoo jiifa? Iyo Ma qoortaa laga gooyay? Waana la ogaan karaa oo waa la faqay, immikana waa la fiqi karaa.”
Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay in dadka la xasuqay ahaayeen Dumar iyo Carruur sida ay sheegeen dadkii Lafahaas soo qoday, waxaanu ku taliyay in baadhis lagu sameeyo oo la hubiyo sida loo dilay iyo sida loo aasay markii la xasuuqay ka dib, si taariikhda loo geliyo oo aanay dib ugu dhicin in dad Shacab sidaas oo kale la isaga xasuuqo sabab la’aan. “Kuwii Jariimaddaas geystay maalinta qiyaamaha ayey hor-taallaa Maxkamadda ugu weyni.” ayuu yidhi Pr. Cabdi Ismaaciil Samatar.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment