Sunday, August 30, 2015

Wasiirka Madaxtooyada oo Wax-qabadka ugu weyn ee Xukuumadda ku sheegay Abaabulka Shacabka

 

Hargeysa, 30 August, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in wax-qabadka ugu weyn ee Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo tahay inay Shacabka u abaabushay dhiiri-gelinta sidii ay wax u qabsan lahaayeen, xukuuumadduna ugala kaashan lahaayeen wixii wax-qabad ee ay uga baahdaan.
Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu sheegay inay xukuumadda waajib ku tahay isla markaana xaq loogu leeyahay wax-ka-qabashada tabashooyinka ay ka tirsato bulshada qaybaheeda kala duwan, mucaarad iyo muxaafad kay doonaan ha ahaadaane, balse aanay haboonayn in si qaloocan loo dhigo.
“Tabashada laga hadlay maaha lanaga baryayo oo aanu ku laaluushayno, waa xaqooda dastuuriga ah ee ay dawladda ku leeyihiin, ka mucaaridka ah iyo ka muxaafidka ahna way u siman yihiin laakiin waxa aan leeyahay ha loo dhigo sida saxda ah, aynu isku kaashano horumarka. Horumarka waxa uu muuqanayaa marka bulshadda iyo dawladdu iskaashadaan ee hadba wixii baahi ah ee deegaamadu qabaan siday u kala muhiimsan yihiin loo kala horaysiiyo ayuu hano qaadayaa,” Sidaas waxa uu Wasiir Xirsi ka sheegay shir lagu soo gabogabeeyay tuullada Qaloocan ee degmadda Dhoqoshay ee gobolka Togdheer oo bulshadda deegaankaasi kaga arrinsanayeen danahooda gaarka ah.
Wasiirka oo ka hadlayey doorka xukuumaddu ku leedahay dhiirigelinta wax-qabadka bulshada, waxa uu yidhi, “Xukuumaddu waxqabadka ugu weyn ee ay qabatay waxa kow ka ah inaanu dadka u abaabulno inay wax-qabsadaan ka dib dawladda ula yimaadaan wixii lala qabanayo, diyaar ayaanu u nahay in aanu wax idinla qabano.”
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment