Wednesday, August 26, 2015

Guddiga Ilaalinta Hantida Qaranka oo sharraxaad ka bixiyey Nuxurka Xog-warran Dhexmaray Wasiirka Ganacsiga

Qorshaha Kala-xadaynta Ganacsiga iyo Xanta Wareejinta Haamaha Shidaalka

Hargeysa, 26 August, 2015 (Himilo)- Guddi-hoosaadka Golaha Wakiillada u qaabilsan Daba-galka Musuq-maasuqa iyo Ilaalinta Hantida Qaranka, ayaa shalay kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgeshiga Caalamiga ah oo uu ugu horeeyo Wasiirka wasaaraddaas Dr Muuse Qaasim, waxaanay guddigu ka xog-waraysteen arrimo khuseeya hawlaha wasaaraddu u xil-saaran tahay.

wsaaraddaMa jiro war  ku saabsan arrimaha lagaga hadlay kulankaas oo wasaaradda Ganacsigu ka hadashay, haseyeeshee waxa qodobbada guddigu kala hadashay madaxda wasaaradda faahfaahin ka bixiyey Xildhibaan Naasir Xaaji Cali oo ka tirsan Guddiga, waxaanu sheegay in waxyaabaha ay wax ka weydiiyeen ugu muhiimsanaayeen laba qodob oo khuseeya qorshaha wasaaradda ee kala-xadaynta Ganacsiga dalka iyo Haamaha Keydka Shidaalka ee magaalada Berbera oo sida la sheegay Shirkado gaar loo leeyahay lagu wareejinayo.

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali waxa uu sheegay in Wasiirka Ganacsiga Somaliland u xaqiijiyey inuu jiro qorshe xukuumaddu Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera ugu wareejinayso Shirkado waddani ah oo gaar loo leeyahay, balse aanu wasiirku u sheegin wakhtiga rasmiga ah ee la fulinayo qorshahaas.

Xildhibaanka oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa kaddib kulanka dhexmaray Wasiirka, waxa uu yidhi, “Waxaanu la kulannay wasiirka Ganacsiga Somaliland, waxaanu kala hadalnay oo immika jira, ahna waxyaabaha aadka loo hadal-hayo; arrinta Haamaha. Waxa la hadal-hayaa in shirkado gaar ah lagu wareejinayo, wuxuu wasiirku noo caddeeyey in arrinkaasi dhab yahay. Waxa kale oo halkaa nooga muuqatay inay ka wasaarad ahaan ay iyagu Haamaha maamulaan oo kaliya wixii maamul ah, laakiin markay noqoto kharashaad iyo lacag aanay wax shaqo ah ku lahayn, kharashaadkaasina ay yihiin qaar saddex-biloodle ah oo ay maamusho wasaaradda maaliyaddu.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Mar aanu hore ula kulannay Maareeyaha Haamaha, waxa noo muuqatay in dakhli culus oo qarankani leeyahay inay u soo xerooto Haamaha. Arrinka ku saabsan Goorma ayaa la wareejinayaa, ilaa iyo hadda noomay caddaanin taasi, wasiirku wuu ka gaabsaday inuu wakhtiga noo sheego, laakiin wuxuu noo sheegay inay yihiin ka-wasaarad-ahaan cidda ku shaqo leh saxeexa u dambeeya inay bixiyaan.”

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dr Cismaan Qaasim oo isagu aan ka hadal arrintan, ayaanu isku daynay inaanu dhinaciisa wax ka weydiinno, haseyeeshee nooma suurta-galin inaanay helno, kaddib markii aanu la kulannay telefoonkiisa gacanta oo xidhnaa.

Dhinaca kale, Xildhibaan Naasir Xaaji Cali waxa uu sheegay inay kala hadleen wasiirka qorsheyaasha wasaarad ahaan uga dejisan kala-xadaynta Ganacsiga, masuuliyiinta wasaaradduna u soo bandhigeen xog-ururin ay ku sameeyeen Liisamada Ganacsiga Jumladleyaasha badeecadaha soo dejiyo iyo Liisamada ganacsatada tafaariiqleyaasha ah, tallaabadaasna ay wasaaraddu dhowaan  ka hawli-gali doonto sidii kala-xadayn loogu samayn lahaa loona qaabayn lahaa nidaamka Ganacsiga dalka.

“Waxaanu aad ugala hadalnay waxyaabo badan oo wasaaraddiisa khuseeya. Waxyaabahaas aanu ka wada-hadalnay, waxa ugu horreeya Kala-xadaynta Ganacsiga, taasna waxay nooga sheegeen inay hadda ku dhex-jiraan, xogna ururinayaan si ay u ogaadaan dadka leh liisamada Jumladleyda ah (Wholesalers) iyo sidii ay dadkaasi ugu koobnaan lahaayeen Jumadladda oo kaliya (Ina Wax soo dejiyaan). Iyo si ay u ogaadaan dadka haysta liisamada tafaariiqleyda. Waxay noo sheegeen inay meel fiican u marayso xogtaasi oo ay Xog-keyd ah (database) u sameeyeen isla markaana ay ku talo-jiraan inay qaadaan tallaabadii u horeysay sidii ganacsiga loo kala xadayn lahaa,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Naasir Xaaji Cali oo ka tirsan Guddi-hoosaadka Golaha Wakiillada u qaabilsan daba-galka Musuq-maasuqa iyo Ilaalinta Hantida Qaranka oo isaga iyo xubno Guddiga ka tirsan kulan la yeesheen wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgeshiga caalamiga ah.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment