Sunday, August 30, 2015
Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Sababta uu Xubinta UCID ee Komishanka ugu magacaabo Shaqsi ay Isku Beel yihiin & Qurbeejoogga u soo shaqo-taga Dalka
Hargeysa, 30 August, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa markii u horeysay ka hadlay sababta uu xubin Xisbiyada UCID ugu jirta Guddiga Doorashooyinka ugu magacaabo masuul ay Isku deegaan ka soo jeedaan.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu aragtidiisa ka hadlay oo wax laga weydiiyey sababta ay masuuliyiinta Qaranka ee xilalka haya intooda badan ama siyaasiyiinta dalka badankooda oo isagu ka mid yahay u noqdaan siyaasiyiin Qurbejoog ah, balse ay u noqon waayeen siyaasiyiin Qol-qoljoog ah oo dalka gudihiisa ku barbaaaray.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu arrimahan kaga hadlay Madal uu telefishanka HCTV soo qaban-qaabiyey oo dhalinyarada Jaamacadaha magaalada Hargeysa su’aalo kala duwan ku weydiiyeen
Faysal Cali Waraabe oo madashaas lagu weydiiyey su’aal u dhignayd, “Guddoomiye inta badan waxaad ka hadashaa qabyaalladda oo waxaad tidhaahdaa aynu la dagaalanno qabyaaladda. Ilaa Afar jeer baad Komishneer u soo magacowday Komishanka Doorashooyinka. Afartoodaba Isku-deegaanbaad ka soo wada-jeeddaan. Sideebay markaa u noqonaysaa inaad qabyaaladda la dagaalamayso?”
Waxa uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo su’aashaas ka jawaabayey yidhi, “Barigii u horaysay labada Mucaaradkaba anigaa soo magacaabay, markaa waxaan soo gudbiyay Dr Edna Aadan Ismaaciil iyo Barofesoor. Guuleed oo jaamacadda Camuud haysta, markaasay labadiiba iga cudur-daarteen oo Edni tidhi Dhakhtar baan dhisayaa, Prof-kuna jaamacaddii baan hayaa buu yidhi. Markaasaan soo magacaabay Inantii Hay’adda Candlelight haysatay ee Shukri Baandare iyo Inankii u sareeyay daladda ururrada aan Dawliga ahayn oo reer Boorama ahaa. Markii aan doonayay inaan Cabdiraxmaan ka dhigo guddoomiyaha Baarlamaanka, ayaan arkay Shukri oo naga ololaynaysa, hadda waa Inantaan soo magacaabay; maalintaas baan idhi Naw! Waar wallaahi waxay Soomaalidu sheegi jirtay waxbaa ka jiree, nin ehelkaa ah uun magacow kaasaad aaminaysaaye, halkaas ayaan ka beddelay siyaasaddii.”
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo sidoo kale ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sababta ay Qurbeejoogu ugu bateen xilalka xukuumadda iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda dalka ee muhiimadda looga siiyey dhalinyarada aqoonyahannada ah ee waxbarashooda ku qaatay dalka gudhiisa, waxa uu ku jawaabay, “Dadkayaga Dibadda ka yimi laba qolo ayaanu nahay; aniga iyo Bulxaniyo waxaanu nahay dadkii soo orday ee is-idhi dalka wax u qabta. Qolada kale waa qolo la soo eryey, waa qolooyinka intay halkaa waxba ka qaban kari waayeen inoo soo lacag doontay. Laakiin Qolooyinkinan immika jooga, waa ta hadda bilaabantahay oo Aadan Xaaji Cali loo dhiibay Maxkamadda ee horto wax barta,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment