Saturday, August 22, 2015

Muhaajiriinta ku qul-qulaysa Yurub oo fal-celintii ugu foosha-xumayd kala kulmay Macedonia iyo hay’adaha Xuquuqda Dadka oo xaaladda ka deyriyey

 
Skopje, 22 August, 2015 (Himilo)- Ciidamada Dalka Macedonia ee Qaaradda Yurub, ayaa xoog iyo rasaasta dadka kaga ilmaysiisa u adeegsaday laba Kun muhaajiriin ah oo doonayey inay dalkaas ka soo galaan xuduudka Giriigga oo ay sku sugnaayeen, waxaana halkaas ku dhaawacmay 10 qof, waxaanay tallaabadani kor u qaadday xiisadda ka taagan siyaasadda Muhaajiriinta oo dalalka Midowga Yurub ku kala qaybsan yihiin.
Arrintan ayaa ku soo beegantay maalin kaddib markii dalka Macedonia xaalad degdeg ah ku soo rogtay laba gobol oo ku yaala xudduuda u dhexeeya dalka Giriigaa si wax looga qabto qulqulka muhaajiriinta oo intooda badan ka timid Bariga Dhexe.
Tira badan oo ka mid ah dadkaasi ayaa habeenkii waxa ay ku qaateen soohdinta koonfureed ee Macedonia iyagoo subaxiina isku dhacay booliska.
Ciidamado wata gaadiidka gaashaaman, ayaa loo diray xuduudka si ay xidhaaan xuduudka looga gudbo Macedonia maalinii Khamiista wax loogu yeedhay hawl-gal dib-u-habayn ah oo lagu sugayo ammaanka xuduudka dalkaas.
Waddankan ku yaal gobolka Balkanska ee Bariga Qaaradda Yurub, ayaa noqday marinka ugu weyn ee ay soo maraan muhaajiriinta iyagoo isku dayaya in ay gaadhaan waqooyiga qaaradda Yurub.
Ku dhawaad 44,000 oo qof ayaa lagu soo warramayaa in ay labadii bilood ee la soo dhaafay ay ka gudbeen dalka Macedonia.
Qaramada Midoobay ayaa waxa ay qiyaasaysaa in Giriiga laf ahaantiisa ay tan iyo bishii Janaayo soo gaareen ku dhawaad 160,000 oo qof oo ka soo degay xeebaha dalkaasi, iyadoo 50,000 oo qof dadkaasi ka mid ahna ay halkaasi yimaadeen bishii la soo dhaafay oo kaliya.
Hay’adda Xuquuqda banni’aadamka u doodda ee Amnesty International, ayaa tallaabada ciidamada Macedonia ku tilmaamay mid halis sii galisay xaaladda muhaajiriinta firxadka ah ee dalalkooda uga cararay xasilooni-darrada.
“Waddan kasta wuxuu awood iyo xaqba u leeyahay inuu ilaaliyo xuduudkiisa, laakiin tallaabadan ciidanka loo adeegsaday maaha mid la aqbali karo waxaanay meel-ka-dhac ku tahay shuruucda caalamiga ah,” Sidaa waxa yidhi Gauri Van Gulik, Agaasime ku-xigeenka Amnesty ee Qaaradda Yurub.
Tallaabada ay ku kaceen ciidamada dalka Macedonia, ayaa ka mid noqoaysa hawl-gallo jawaabo u ah kor-u-kaca tirada muhaajiriinta doonaya inay gaadhaan dalka Galbeedka Yurub iyagoo soo maray marinka dhulka ee gobolka Balkan-ka.
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment