Sunday, August 23, 2015

Aas Qaran oo Berri loo samaynayo Hadhaaga Meydadka 39 Marxuum oo laga helay duleedka magaalada Hargeysa

Hargeysa, 23 August, 2015-(Himilo)- Allaha naxariistii janno ha ugu deeqee hadhaaga Meydadka 39 Marxuum, ayaa laga helay duleedka Tuulada Biyo-shiinaha ee ku taal Waqooyiga magaalada Hargeysa, kuwaasoo Isniinta Aas Qaran loogu samayn doono agagaarka goobtaas.

 
Hadhaaga Meydadka 39-ka Marxuum, ayaa guud ahaan laga soo saaray Xabaal-wadareed ay ku aasnaayeen oo ku taalla agagaarka Kaantarroolka laga galo Tuulada Biyo-shiinaha ee Waqooyiga Hargeysa.
Guddiga dabagalka iyo baadhitaanka Xasuuqyadii loo geystay dadka reer Somaliland xilligii dawladdii Soomaaliya ka tallinaysay gayigan, ayaa sheegay in maalinta Berri ah hadhaaga Meydadkaas si heer Qaran ah loogu Aasi doono goob u dhaw halka laga helay Xabaal-wadareedka, iyadoo guud ahaan hadhaaga Meydadka 39-ka Marxuum si waafaqsan shareecada Islaamka dib loogu kanfayo, isla markaana loogu tukan doono Salaadda Jinaasada.

 
Xabaal-wadareedkan cusub, ayaa ka mid noqon doonto Xabaal-wadareedyo door ah oo hore looga helay goobo kala duwan oo ku kala yaala gobolada, degmooyinka iyo Tuulooyinka dalka Somaliland, kuwaasoo dhammaantood ay ku aasnaayeen dadweyne tiro badan oo si naxariis darro ah dilay oo isugu jiray Waayeel iyo Dhalinyaro Rag iyo Dumarba ahaa oo aan denbi gelin oo ay xasuuqeen Ciidamada dawladdii Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

 
Xabaal-wadareedyada laga helo dalka, ayaa had iyo jeer lagu arkaa calaamado muujinaya in dadkaasi la xasuuqay iyadoo baadhitaan ay ku samayso Guddiga dabagalka iyo baadhista xasuuqa oo kaashanaysa Khubaro caalami ah iyo Arday Somaliland u dhalatay oo Xirfadan loo tabobbaray.
Intaasi ka dibna waxa la filayaa in goobtaasi iyo agagaarkeedaba baadhitaan mug leh oo xooggan dhawaan ay ku sameyn doonaan Guddiga dabagalka iyo baadhitaanka xasuuqa iyo Khubarada ka caawinaysa ama kala qayb-qaadanaysa baadhitaannada Xasuuqa.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment