Saturday, August 22, 2015

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Muxuu ka yidhi Hankiisa Mustaqbalka haddii Madaxweyne Axmed ka fadhiisto doorashada dambe?

 

“Arrintaas Xukuumaddu Qaranka ayay ula siman tahay. Arrinta Baarlamanku waa arrin talo Qaran u baahan, Xildhibaannaduna meel ma tegin ee cabasho uun bay muujiyeen, mar walba jiri jirtay oo la leeyahay saamiga ha loo kordhiyo…” Cabdiraxmaan-Saylici

Hargeysa, 22 August, 2015 (Himilo)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay inaanu ka waynayn talada Xisbiga KULMIYE dhexdiisa lagu gaadho iyo talada Qaranka toona marka laga hadlayo hankiisa doorashada soo socota inuu jagada uu fadhiyo isu sharrixi doono iyo haddii uu Madaxweyne Siilaanyo Musharraxnimada ka tanaasulo inuu han Madaxweyne buuxa leeyahay.

 
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici, waxa uu sidaa ku sheegay mar isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa Jimicihii shalay ka dhoofayeen garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo uu Saxaafadda kula sii hadlay intaanu dhoofin ka hor, waxaanay u ambabaxeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo uu sheegay inay hawl shaqo oo laba maalmood qaadan doonta u tegayaan, isla markaana ay kaga sii horreeyaan Wasiirro Xukuumadda ka tirsan sida Wasiirka arrimaha dibedda iyo Wasiirka Madaxtooyadu.
“Aniga iyo Weftiga aan hoggaaminayaa waxaannu maanta (Shalay) Safar ugu baxaynaa magaalada Addis Ababa.

 

 

Insha Allaah muddo kooban oo laba cisho ah ayaannu ku maqnaan doonnaa. Safarkaasi waa Safar shaqo oo Wasiirro kalena nagaga horreeyaan Addis Ababa ayaannu u soconnaa, iyadoo sidaad ogtihiin Itoobiya tahay dal weyn oo aynu jaar nahay oo wax badani innaga dhexeeyaan, iskaashi badanna aynu ka leenahay dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo ka hadlay ujeeddada socdaalkiisa.

 
Madaxweyne Ku-xigeenka oo wax laga waydiiyay arrinta saami-qaybsiga Golaha Wakiillada tirada gobol kasta laga soo dooran doono ee Xeerka la xidhiidhaa Wakiillada hor-yaallo, isla markaana Xildhibaannada Golaha Wakiilladda kaga jira Awdal iyo Selel ay diideen inay ka xaadiraan Golaha haddii aan wax laga beddelin qodobbada doorashooyinka, ayaa sheegay inay arrintaasi tahay mid Qaran oo u baahan talo Qaran.

 
Md. Cabdiraxmaan-Saylici oo su’aashaas ka jawaabayaa waxa uu yidhi; “Arrintaas Xukuumaddu Qaranka ayay ula siman tahay. Arrinta Baarlamanku waa arrin talo Qaran u baahan, Xildhibaannaduna meel ma tegin ee cabasho uun bay muujiyeen, mar walba jiri jirtay oo la leeyahay saamiga ha loo kordhiyo. Arrintani waxay noqonaysaa talo Qaran oo u taal Goleyaasha Qaranka sidii hawshaas looga gudbi lahaa. Xeerku wuxuu hor-yaal Golaha Wakiillada, markaa marka dooddiisu bilaabanto iyo haddii dusha lagaga wada hadli lahaaba waa arrin maanta qaydhin oo aan laga hor-dhici karin.”

 
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo la weydiiyey haddii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ka tanaasulo Musharraxnimada jagadaas, waxa damiciisu yahay, inuu jagada uu hadda fadhiyo uun isu sharraxayo iyo inuu han ka sarreeya leeyahay maaddaama oo uu Xisbiga KULMIYE loollan adigi dhex-diisa ka socdo, waxa uu ku jawaabay; “Salaadba wakhtigeedaa la tukadaa, doorashada waxa innooga hadhay sannad iyo lix bilood, sidii Xisbigu ku tashado ayuun baan ka mid ahay, Xisbiga sida loogu taliyo iyo talada Qaranka kama wayni.”
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Weftiga uu hoggaaminayo ee Itoobiya u baxay, waxaa dalkaas kaga sii horreeyey oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Addis Ababa Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, kuwaasoo sheegay inay u joogaan sidii Itoobiya ay uga wadahadli lahaayeen hirgelinta Jidka dheer ee isku xidhi doona magaalada Berbera iyo dalka Itoobiya, taasoo muddo badan qaadatay hirgelinteedu iyo qodobbo kale oo ay xuseen inay muhiim u yihiin labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland-ba, isagoo Madaxweyne ku-xigeenku ka qaybgeli doona Arday reer Somaliland ah oo ku qalin-jebinaysa Addis Ababa Munaasibadda ay ku qalin-jebinayaa.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment