Saturday, August 22, 2015

Joojinta Bacda Waxa Ka muhiimsan In Dalka Laga Joojiyo Qaadka Iyo Sigaarka

Waxa aynu wada  ognahay  in dalka laga isticmaalo mukhaadaraad fara badan oo uu ka mid yahay qaadka, sigaarka IMW.  oo aanay wax ka qaban dowladihii dalka soo maray ilaa dowladii Siyaad Barre kaddib.  Waxaynu ognahay dhibaatada uu qaadku ku hayo bulshadeena iyo sigaarkuba. Haddii ay tahay mid dhaqaale iyo mid caafimaad iyo mid qoysba, sidaa darteed waxa ka muhiimsan joojinta bacda in la joojiyo jaadka iyo sigaarka oo aynu ognahay khatarta uu bulshadeena ku hayo Kuwaas  oo dhamaantood ay dowladu ay cashuur ka qaadato sida aynu ognahayna ay raalli ka tahay.  Taa macnaheedu waxa weeyi inay dowladu iska indho tirayso dhibaatada uu bulshada ku hayo mukhaadaraadka ku habsatay bulshadeena ee halista ah.  Waxa aanu ka hadlaynaa maaha inaanu ka soo horjeedno joojinta bacda  laakiin waxa  haboon in la keeno  badalkii bacda. Sababtoo ah  bulshdeenu waxay u badan tahay danyar. Sidaynu ognahayna waxay ku adeegtaan bacda oo ay wax ku shubtaan ama ay waxa ku qaataan. Haddaba waxaanu usoo jeedinaynaa dowlada in bacaha laga joojiyo dekeda. badalkeediina ay dowladu keento ama ganacsatada ay usoo bandhigto wixii ku haboon ee aan deegaankeena waxaba yeelayn. Waxa waddanka ka jira sida aynu ognahay duruufo dhaqaale  xumo oo aanay dadku awoodi Karin inay iska bixiyaan  ganaax. Waxaanu  usoo jeedinaynaa dowlada  gaar ahaan wasaarada Deegaanka inay bulshdeeda hoos u eegto.

W/Q Cabdiraxmaan Aadan  Maxamuud

Himilomedia.com

No comments:

Post a Comment