Hargeysa August 22, 2015(Himilo)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa Xisbiyada mucaaridka ugu baaqay in ay xukuumada kala hawl galaan Sidii aanay Doorashadu Wakhtigeeda u qabsoomi lahayd.
Wasiir Cukuse waxaa uu Sheegay in xukuumada ay ka go’an tahay in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo, sidoo kalena xisbiyada mucaaridka looga baahanyahay in ay kala doodaan xukuumada Sababta Doorashada Dib u dhigaysa.
Wasiirka warfaafinta oo arimahan ka hadlaya waxaa uu sheegay “Waxaanu leenahay xisbiyada mucaaridka inay nagala hawlgalaan waar doorashadu sideebaanay mar kale dib ugu dhicin, waa intaa laga wada shaqeeyaa, oo ay xisbiyada mucaaridku isyidhaahdaan, tii hore ka kaalayoo maxaad dib u dhigi kara doorashada,imika waa inay ka shaqeeyaan doorashada oo ay ka hadlaan maxaa inaga qabyo ahaa ee dib inoo dhigay” Sidaasi Ayuu Yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment