Sunday, August 30, 2015
Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka oo Warbixin ka soo saaray Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera, kana digay Shirkado Xukuumaddu ku wareejisay
“Inkasta oo way wax badan oo fiican qabteen, Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalku wuxu ka baaqsaday inay sameeyaan tartan xor ah oo xalaal ah iyo Qandaraasyo furan oo lagu tartamo mashaariicda ay fuliyaan, taasoo si cad u jebinaysa Xeerarka Qandaraasyada waddanka u yaalla..” Warbixin ay soo saartay Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka iyo daba-galka Musumaasuqa ee Golaha Wakiillada Somaliland
Hargeysa, 30 August 2015 (Himilo)- Guddiga ilaalinta iyo daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa soo saaray Warbixin ay ku darseen is-beddelka Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee magaalada Berbera tan iyo intii laga wareejiyey Shirkaddii Total oo muddo dheer gacanta ku haysay Maamulkooda, isla markaana waxa ay sheegeen in Maareeyaha Haamuhu ku kacay Musuqmaasuq baahsan. Waxaanay soo jeediyeen in la laalo heshiis la sheegay in Xukuumadda talada haysaa la gashay Shirkado yar-yar oo gaar loo leeyahay oo ay ku wareejinayso Maamulka Haamaha.
Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada waxa uu Guddoomiyaha Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka iyo daba-galka Musuqmaasuqa ee Golahaasi Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi ka hor-jeediyeen Mudanayaasha ka hor-akhriyey Warbixin dheer, ayaa sheegay in aan wakhtigan loo baahnayn in la wareejiyo Haamaha Kaydka Shiidaalka oo uu sheegay in 18-kii bilood ee u danbeyey ay ka soo baxeen 24 Milyan oo Doollar. Waxa Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi sheegay in dhaqaalaha intaasi leeg Qaranku ka helo Haamaha Shiidalka loona baahnayn in Dad gaar ah ama Shirkado lagu naasnuujiyo, waxa uu ku dooday Guddoomiyuhu oo uu Warbixintaas ku xusay in haddii heshiiskaasi hirgalo oo Shirkado gaar ah lagu wareejiyo Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera la jebinayo Sharciga Ganacsiga Xorta ah iyo weliba Tartanka Xorta ah ee Ganacsatada reer Somaliland, sidaa awgeedna aanu ka turjumayn heshiiska lagu wareejinayo Haamuhu danta Ganacsatada, Tartanka xorta ah ee Ganacsiga iyo weliba Hantida ay dawladdu ka heshaba.
Waxa ay Guddigu soo jeedisay in Golaha Wakiilladu go’aan ka soo saaro wareejinta Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera, isla markaana Goluhu laalo qorshaha Xukuumaddu doonayso inay ku wareejiso Haamaha Shidaalka. Waxay Warbixintu intaas ku dartay in Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalku ku guul-darraysatay inay soo bandhigto hal Qandaraas oo ka mid ah Qandaraasyada ay bixisay, inkastoo lagu xusay warbixinta in Maamulku wax badan oo fiican qabtay, balse aan sida Sharcigu dhigayo la marin Qandaraasyadooda Guddiga Qandaraasyada ee cid gaar ah si aan muuqan loo siiyey, taasina ay tahay musuqmaasuq.
Xildhibaan Obama waxa uu sheegay in 18-kii bilood ee u dambeeyey Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera ay u qabsoomeen wax badan oo fiican, waxaanu yidhi; “18-kii bilood ee u dambeeyey waxaa Maamulka Haamaha Shidaalka u qabsoomay waxyaalahan soo socda:- Dakhliga oo sare u kacay oo 18-kaa bilood ee aannu sheegnay 24 Milyan oo Doollar gaadhaya, in la dayac-tiray dhammaan Haamaha, taasoo aan weligeed hore u dhicin, xarun Shay-baadh oo Badrool iyo Naafato ah oo la hirgeliyey, waddo Laamay ah oo dheer oo laga Galo xarunta Haamaha oo la sameeyey, Dhulkii Haamuhu fadhiyeen oo lagu wareejiyey Xayndaab ama Dayr weyn, Baarkin loo sameeyey Baabuurta iyo Booyadaha Shidaalka oo aan hore u jirin, intaasba waa la sameeyey oo waa wax ku soo kordhay, intii Total haysay lama samayn intii kuwii ka horreeyey hayeenna lama samayn.”
“Haddaba, Guddi ahaan waxaannu qabnaa wareejinta Haamaha Shidaalku inay keeni karto kooto in loo xidho shirkado gaar ah oo kooban, tani waxay meesha ka saaraysaa Suuqa xorta ah ee Dastuurku jideeyey, waxaanay noqonaysaa naas-nuujin ama kooto cid gaar ah loogu xidhay Ganacsiga Shidaalka. Mar haddaan ummadda la soo dhex-dhigin, mar haddaan tartan xor iyo xalaal ahi dhicin oo aan Qandaraas lagu bixin.” Sidaa ayuu Warbixinta uu Golaha ka hor akhriyey ku yidhi Guddoomiyaha Guddigaasi.
Waxa uu Xildhibaan oo Warbixinta sii waday intaas ku ladhay; “Wuxuu keenayaa inaanay shirkadahani u oggolaan Shirkado kale oo Shidaalka keena, tusaale ahaan Shirkadahani waxay keenaan Badroolka, haddiiba Shirkado kale ay keenaan Markab Badrool ah oo kooda ka jaban, xaggee bay ku shubanayaan, marna Shirkadaha lagu wareejiyey ma oggolaanayaan inay Badroolka Shirkado kale oo tartan ka dhexeeyaa Shidaal ku kaydsadaan Haamaha.”
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi waa uu sii waday Warbixintaas Guddi ahaan ay ka soo saareen Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka Somaliland ee magaalada Berbera, waxaanu yidhi; “Waxa cad inaanay Shirkadahan yaryari samayn karin maalgashi u dhigma ka dawladdu ku samayn karto Haamaha, sidaas darteed ma jirto sabab Shirkado yar oo maxalli ah loogu wareejiyo. Dawladdu xaq bay u leedahay haddii ay awoodi waydo maalgalinta Haamaha inay ku wareejiso Shirkad kale oo awoodda, tusaale haddii 4 Milyan oo Doollar ay u baahan yihiin Haamuhu oo aanay dawladdu awoodin shirkad awoodda way ku wareejin kartaa. Laakiin, in Shirkadahan yaryar ee is urursaday dawladdaa ka qanisan-yihiin ma muuqato.”
Xildhibaanka oo Warbixintan kaga hadlaya musuqa Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalku ku kacay, waxa uu yidhi; “Maamulka Haamaha Shidaalku inkasta oo ay wax fara badan qabteen waxa ka muuqata gal-daloolo badan iyo kaantarrool la’aan dhiirrigelin karta Musuqmaasuq aan indhaha laga qarsan karin. Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalku wuxu ka baaqsaday inay sameeyaan tartan xor ah oo xalaal ah iyo Qandaraasyo furan oo lagu tartamo mashaariicda ay fuliyaan, taasoo si cad u jebinaysa Xeerarka Qandaraasyada waddanka u yaalla, keeni kartana musuqmaasuq iyo wax is-daba-marin badan. Horumar badan bay sameeyeen, Laab bay keeneen Shidaalka lagu baadho, Laabka miyeynu garanaynaa cid keentay iyo sida loo keenay? Habkii qandaraasyada lama marin, Waddo ayay dhiseen, waddada Qandaraas lama marin, Guryey dhisteen Qandaraas lama marin.”
“Horumarkaa ay gaadheen mid qandaraas la mariyey haba-yaraatee ma jiro. Miisaaniyadda Haamaha Kaydka Shidaalku kama muuqato Miisaaniyadda Qaranka ee la keeno Golaha Wakiillada, kama muuqato Miisaaniyadda Haamuhu Xisaab-xidhada Xisaabiyaha Qaranku Golaha horkeenay. 13-kaa Milyan, 15-kaa Milyan, 25-kaa Milyan intay doontaba ha ahaatee, waxaa innaga lafteenna inagu ceeb ah in Hay’adda Qaranka Lacagta intaa le’eg u soo hoynaysay afartii sano ee inna dhaafay inaanay ku jirin Miisaaniyadda la inna horkeeno ee aynu gacanta u taagno ee ansixinno.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed.
Mar uu sidoo kale, ka hadlayey in la jebiyey Xeer Madaxweynuhu soo saaray 2011-kii markii Haamaha Shidaalka laga wareejiyey Shirkadda Total, waxa uu yidhi; “Sida Xeerka Madaxweynuhu amrayo ama uu farayo ee 01/31, oo soo baxay 2011-kii, Wasaaradda Ganacsigu waa Hay’adda Qaranka ee Maamusha Haamaha Kaydka Shidaalka, haddana waxaannu ogaannay inaan xidhiidh iyo wada shaqayn joogto ahi aanay ka dhaxaynin. Xeerka Madaxweynuhu wuxuu ku amray 2011-kii markii Total lagala wareegayey in Haamuhu ay hoos-yimaaddaan Wasaaradda Ganacsigu, Xeerkaas waa la jebiyey, wada shaqayn toos ah oo ka dhaxaysaa ma jirto.”
Guddoomiyaha Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka iyo daba-galka Musumaasuqa ee Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu sheegay in Golaha Wakiilladu awood sharci u leeyahay in la horkeeno heshiisyada ay Xukuumaddu cid la gasho sida Shirkado caalami ah iyo kuwo waddani ahba, sidaa awgeedna loo baahan yahay in Goluhu waajibkiisa guto oo ay Xukuumaddu horkeento Heshiisyada ay gasho, Mudanayaashu ka doodaan, ansixiyaan hadday dan waddan u arkaan, haddii kalena laalaan oo aan waddanka dani ugu jirn. Waxaanu intaas ku daray in Guddi ahaan iyaga oo ka duulaya Xogta iyo warbixinnada rasmiga ah ee ay hayaan, warbixintanna ku soo bandhigeen qaarkood, ka dib ay go’aansadeen inay Golaha u soo jeediyaan qodobbo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran.
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo akhriyaya soojeedinta Guddiga uu Guddoomiyaha u yahay, waxa uu yidhi; “Haddii la wareejiyey baynu ka hadlaynaa, Guddi ahaanna aannu qabno in la wareejiyey, xog-ogaalna aannu u nahay in la wareejiyey; Ka dib markaannu aragnay in la baalmaray xeerka qandaraasyada oo faraya in Xukuumaddu hirgeliso tartan xor ah iyo qandaraasyo furan. Wax kasta oo saddex kun ka badan waa in Qandaraas la geliyaa, haddii kale waa musuqmaasuq, haddii kale waa Xeer-jebin, haddii kale waa Xeer-qalloocis, haddii kale waa waxaan waxba ka suurtoobayn, hase-ahaatee, way dhacday oo dalkan wax badan oo sidaas ah baa soo noqnoday, Goluhuna aanu ka hadal, xaqna aynu u leenahay innagoo isku duuban inaynu awoodaha innagu aynu leenahay, in awoodaha dadku innagu soo doortay, in awoodaha aynu halkan u fadhino ku shaqayno oo aynu dadka iyo dalka uga masuul nonno.”
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment