Tuesday, August 25, 2015

Hargeysa: Soo-dhaweyn aan Muxaafad iyo Mucaarad loo kala hadhin oo Wasiir Xagla-toosiye loo sameeyey iyo Weedhihii lagu Qaabilay

 

“Cali Khaliif waxaan leeyahay, Abti nin weyn oo da’ ah baad tahay, kii maanta Xabbad qaadan lahaa ma tihid, ma tihid kii mari lahaa nidaamkan yar ee Qaldan, kaalay oo ka qayb-qaado nabadgelyada iyo horumarka” – Wasiir Xaglatoosiye

Hargeysa, 25 June, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo maalmihii u dambeeyey socdaal shaqo ku joogay magaalada Buuhoodle, ayaa shalay ku soo laabtay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana wasiirka duleedka Hargeysa ku soo dhaweeyey masuuliyiin dowladeed iyo shacab tiro badan.
Deegaanka aw-Barkhadle ee Bariga magaalada Hargeysa, waxa wasiir Xagla-toosiye kaga hortagay Wasiirrada Warfaafinta, Kheyraadka Biyaha, Wasiir ku-xigeenno,Maamulka Gobolka, Agaasimeyaal, masuuliyiin ka tirsan xisbil-Xaakimka iyo Xisbiyada Mucaaradka, Xildhibaanno, madax-dhaqameed, shaqaale-weynaha wasaaradda Caafimaadka iyo dadweyne watay gaadiid tiro badan.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac (Geel-jire) oo ugu horeyn ka hadlay soo-dhaweynta loo sameeyey Wasiir Xagla-toosiye, ayaa ku bogaadiyey Wasiir Caafimaadka socdaalka uu ku tagay magaalada Buuhoodle iyo sida uu shacabka deegaankaas u kasbaday quluubtooda, waxaanu ku tilmaamay inuu yahay masuul Qaran oo ka shaqaynaya isu-soo-dhawaynta iyo mideynta shacabka walaalaha ah.
Waxa kale oo halkaas ka hadlay salaadiin, boqorro iyo cuqaal, waxaanay wasiir ku ammaaneen sida uu u xil-gudashiisa qaran uga soo baxay iyo guusha uu kala soo noqday safarkiisa magaalada Buuhoodle. Waxa ay madax-dhaqameedkani baaq u jeediyeen xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiillada Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyey hadallo salka ku haya khilaaf siyaasadeed warbaahinta u marinayey wasiirka Caafimaadka, waxaanay u soo jeediyeen inay xag-xagashada ka daayaan wasiir maadaama oo uu xil-gudasho qaran ku jiro.
Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa wasiir Xagla-toosiye ku ammaanay isu-soo-dhawaynta shacabka iyo sidii gobolka Buuhoodle dib ugu soo noqon lahaa gacanta Dowladda Somaliland.
“Wasiir Xagla-toosiye isagoo siyaasaddaa ku shaqaynaya waxa uu ka lib-keenay oo uu ku guulaysatay dedaal uu u galay in gobolka Buuhoodle nabaddiisu sugnaato, dadkana lagu soo dabbaalo inay horumarka iyo nabad-gelyada ka wada-shaqaystaan. Wuxuu dedaal ugu jiraa inuu ka dhex-saaro sheydaanki iyo tashuushkii ku dhex-jiray shacabka oo uu maalinba in ka qaado, Illaahayna wuu ku soo guuleeyey,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Maxamed Dahir Cukuse.
Wasiirka Kheyraadka Biyaha Somaliland oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Wasiirku Shaqo weyn ayuu soo qabtay, qof kasta oo xilkiisa gudanaya in la soo dhaweeyo ayuu mudan yahay.”
Wasiirka Xidhiidhka Golaheyaasha Somaliland Cali Xaamud Jibriil oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Waanu ku ammaanaynaa sida uu uga shaqeeyay gobolka iyo siyaasadda dowladda ee ku wejahan in dhammaan shacbiga Somaliland dhinac kasta la mideeyo. Waxaanu leenahay waa ku-dasho fiican iyo wax-qabad fiican oo dhinac kasta iyo inay dadku isku jiho noqdaan, waana wax aad dadkaaga, dalkaaga iyo diintaada u gashay.”
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doorto gobolka Sool oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Umadda Somaliland way aragtay iyo sida qof kasta oo qarankan u naxaya u doonayo sida uu Buuhoodle hawshaas uga qabtay wasiirku, aad iyo aad ayaanu uga mahad-celinaynaa, annaguna waanu ku faraxsanahay, cid kasta oo Somaliland ahna dan bay u tahay. Waxa uu Wasiirku qabtay waa arrin Qaran, maaha dan gaar ah.”
Xildhinaan Cabdiqaadir Indho-indho oo isaguna ka mid ah mudaneyaasha Golaha Guurtida ugu jira gobolka Sool, ayaa sheegay in shacabka Somaliland dhaqan u leeyihiin soo-dhawaynta iyo qaddarinta masuul kasta oo xil-gudashadiisu qanciso, sidaa awgeedna Wasiir Xagla-toosiye muteystay soo-dhawaynta loo sameeyey shalay. “Qofkii wanaagsan ee wax qabta inay bulshada Somaliland soo dhawayso dhaqan bay inoo ahayd. Buuhoodle waxa nabad ugu horeysay maalintii uu yimi, inuu dhan-gad la dhaco Cali Khaliif iyo wasiirka duulista u qaabilsan Soomaaliya waanu ku faraxsannahay,” ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid iyo ku-simaha Xog-hayaha Guud ee Xisbiga UCID Khaalid Jaamac Qodax oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa wasiirku ku bogaadiyey wax-qabadkiisa iyo guusha uu kala soo laabtay socdaalkiisa Buuhoodle.
Ugu dambayntii, waxa halkaas ka hadlay wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Xagla-toosiye oo ka dareen-celiyey soo-dhawaynta masuuliyiinta iyo shacabka reer Hargeysa, waxaanu yidhi, “Waxaan idiinka mahadcelinayaa sida sharafta leh ee aad ii soo dhawayseen. Waxaan ku maqnaa safar shaqo oo Illaahay igu soo guuleeyey. Somaliland midnimadeedu waa muqaddas, Somaliland waxa iska leh reer Somaliland, feker qaldan oo lagu kala qaybinayona ma oggolin, nabadgelyadu waa muhiim, cid kasta oo nabadgelyada Somaliland wax u dhimaysana, Somaliland u adkeysan mayso.”
Wasiir Xagla-toosiye waxa uu farriin u diray Cali Khaliif iyo Kooxdiisa oo fadhiisin ka dhigtay deegaanka Balicad oo ka tirsan gobolka Sool, waxaanu yidhi, “Waxaan uga digayaa Qolyaha immika Buuhoodle ka tagay ee fadhiya meesha la yidhaahdo Balicad ee qaska iyo nabadgelyo-darrada wadda inay ka waan-toobaan waxa ay ku sugan yihiin. Cali Khaliif waxaan leeyahay, Abti nin weyn oo da’ ah baad tahay, kii nabadda dhalin lahaa baad tahay, kii maanta Xabbad qaadan lahaa ma tihid, ma tihid kii mari lahaa nidaamkan yar ee Qaldan, kaalay oo ka qayb-qaado nabadgelyada iyo horumarka.”

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment