Kismaayo, 23 August, 2015-(Himilo)- Ugu yaraan 15 Ruux oo isugu Jira Askar iyo xubno Al-Shabaab ka tirsan, ayaa ku geeriyooday weerar Is-miidaamin ah oo shalay lala beegsaday Xero uu tabobbar uga socday Ciidammo ka tirsan kuwa dawladda Federaalka Soomaaliya oo ku taalla dulleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Maamul-goboleedka Jubbaland, waxaana ku dhaawacmay 30 qof oo kale.
Weerarkaas ayaa ka dhacay Jaamacadda Kismaayo oo ku taalla duleedka Kismaayo, halkaasoo fadhiisin u ahayd Ciidammo kuwa dawladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan iyo Ciidammada AMISOM ee ka socda dalka Kenya, dhawaanna Ciidammo ka tirsan dawladda Soomaaliya uu Tabobbar uga furay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Gaadhi NOAH ah oo laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa lala beegsaday Xerada oo uu tabobbar ka socday, waxaana halkaa ku dhintay 15 Askari oo isugu jira Ciidan ka tirsan kuwa dawladda Soomaaliya iyo kooxihii weerarka fuliyey. Waxaana ku dhaawacmay 30 qof oo kale.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdisalaan oo ka tirsan Saraakiisha Ciidammada dawladda Soomaaliya oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP markii weerarku dhacay ka dib.
Maxamed Cabdisalaan ayaa intaas ku daray inuu socdo baadhitaan lagu ogaanayo sida uu uga soo gudbay Gaadhiga waxyabaaha Qarxa siday koontarroollada laga galo Xeradaas, oo uu xusay inay ahayd mid ammaankeeda aad loo sugayey, isla markaana Ciidammo gaadhadh kala dambeeya ahi ilaalinayeen.
Goob-jooge ku sugan magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in dhaawacyada Askartii ay waxyeelladu kasoo gaadhay Qaraxa la dhigay Cusbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, halkaasoo lagu daweynayo dhaawacyada oo qaarkood yihiin kuwo culus sida uu xusay goob-joogahaasi.
Wararka Qaarkood aya sheegaya in Ciidammadii ku dhaawacmay weerarkaas qaarkood loo qaaday magaalada Muqdisho, kuwaasoo la xusay in dhaawacyadoodu ay yihiin kuwo aad u culus oo aan waxba lagaga qaban karin Cusbitaalka Kismaayo.
Mas’uuliyadda weerarkaas waxaa sheegatay Malleeshiyada Al-Shabaab, sida lagu caddeeyey Qoraal ay Kooxdaasi Warbaahinta afkeeda ku hadasha ku faafisay. “Askar badan oo kuwa cadawga ka tirsan, ayaa ku dhintay weerarkaas, kaasoo uu fuliyay mid ka mid ah Xoogaggaga Al-Shabaab oo watay Gaadhi waxyabaaha Qaraxa laga buuxiyey, kaasoo isku qarxiyay gudaha Xerada uu tabobbarku ka socday.” Sidaa ayaa lagu yidhi War Qoraal ah oo ay Al-Shabaab Warbaahinta Internet-ka ee afkeeda ku hadasha ku baahisay shalay galab.
Ciidammada AMISOM, ayaa sheegay inay waxyeello kasoo gaadhay Qaraxaas Saraakiil ka tirsan Ciidammadooda Xeradaas ku sugnaa, inkastoo aanay si rasmi ah u sheegin tirada Askarta iyo Saraakiisha AMISOM ahaan kaga waxyeelloobay weerarkaas.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment