Tuesday, August 25, 2015

Saylici iyo Cirro Maxay ka yidhaahdeen Xeerka doorashada Mudanayaasha Wakiillada oo Ajandaha Golahaas laga saaray?

 

Hargeysa, 25 August 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay Xeerka habka loo soo dooranayo Mudanayaasha Golaha Wakiillada oo laga saaray qodobbada Ajandaha Kalfadhiga 28aad ee Golahaas Axaddii toddobaadkan oo ay labadooduba Safar ugu maqnaayeen dalka dibeddiisa.
Madaxweyne Ku-xigeen Saylici iyo Guddoomiye Cirro oo su’aalo Xeerkaas ku saabsan wax laga weydiiyey mar ay shalay Saxaafadda kula hadleen Qolka Nasashada ee Madaarka Hargeysa oo ay ka soo degeen iyagoo ka soo laabtay safarro ay ugu maqnaayeen waddamo dibedda ah, waxay uu Md. Saylici ku dooday in aanu wax dhibaato ah lahayn Xeerkaasi oo haddii Ajandaha laga saaro iyo haddii uu ku jiraba yahay mid Qaranka u yaalla. Halka uu Md. Cirro ku dooday in aanay is-qaban in Xukuumaddu marna isaga iyo Golihiisa ku eedayso inay la habsaameen, marna ay soo dhawayso in Ajandaha Kal-fadhiga 28-aad ee Golaha laga saaro Xeerkaas.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo su’aal laga weydiiyey sida uu u arko Xeerka doorashada Golaha Wakiillada lagu soo dooran doono oo laga saaray Ajandaha Kal-fadhiga Golahaas, ka dib markii ay ka biyo-diideen Mudanayaasha gobollada Awdal iyo Selel, waxa uu ku jawaabay; “Kollay Xeerku waa arrin waddanka u taalla hadduu ku jiro iyo haddaanu ku jirin-ba, laakiinse waxa laga yaabaa habka uu u gudbay markii hore iyo habka la rabaa kala duwanaadeen. Kollay Guddigii ay khusaynaysay hawshu ee Guddiga arrimaha gudaha ayaa loo dhiibay sidaan ku hayo warka, Xeer kasta oo la keenaana intaanu horta Gole-weynaha u iman Guddiga uu khuseeyo ayaa loo dhiibaa. Markaa, Guddigaasaa intay soo naaqishto Golaha weynaha loo soo gudbiyaa. Markastana, waa arrin Qaranka u taal taasi, wax dhibaato ahina ma jiro.”
Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro oo sidoo kale, la weydiiyey in qodobbada Ajandaha Kal-fadhiga 28-aad ee Golaha laga saaray Xeerka doorashooyinka Golahaas oo ay Mudanayaasha Awdal iyo Selel ka biyo-diideen in laga saaro Ajandaha intii uu maqnaa sida uu u arko, ayaa ku jawaabay; “Waxaad ka war qabteen in Xukuumaddu anigoo Guddoomiyaha ah igu eedaysay oo shir-guddoonka ku eedaysay oo Golaha ay ku eedaysay in Xeerkii lagu dooranayay Golaha Wakiillada lala daahay oo Guddoomiyuhu la daahay.”
“Xukumaddu laba isku heli mayso, inay tidhaa xeerkii baa lala daahay iyo inay tidhaa waanu ku faraxsanahay in ajandaha laga saaro xeerka. Arrintaasi waxay muujinaysaa in Xeerka la siyaasadaynayo, waxaannu Xukuumadda uga digaynaa una soo jeedinaynaa inaan Xeerka la siyaasadayn.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro.
Guddoomiyaha ayaa sheegaya inuu taabacsan yahay hab kasta oo lagu dejinayo quluubta xildhibaannada iyo bulshada Awdal ee ka cabanaysa saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada, waxaanu yidhi; “Xildhibaannada gobolka Awdal horena waan u sheegay haddana waan u sheegayaa, xaq bay u leeyihiin inay muujiyaan dareenka Shacabkooda, xal kasta oo lagu xallinayo arrintaasna Gole ahaan iyo shakhsi ahaan iyo Xisbi ahaan-ba waan soo dhawaynayaa. Waxaannu jecelnahay inaannu qayb ka noqonno xal kasta oo arrintaasi lagu furdaaminayo.”
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment