Saturday, August 29, 2015

Hooyo Soomaaliyeed oo Markab Dagaal dushii ku Ummushay iyo Ciidammada Badda ee Jarmalka oo ka warramay

Taranto, 29 August 2015 (Himilo)- Shaqaale ka tirsan Ciidanka Badda ee Jarmalka, ayaa caawiyay Haweeney Soomaali ah oo Muhaajirad ah,taasoo ku ummushay Markabka dushiisa saacado ka dib markii laga badbaadiyay Badda Mediterranean-ka, sida ay xaqiijiyeen Ciidammada Badda ee dalka Jarmalku.

SHAQAALE ILMO KA UMMULIYEY HOOYO SOOMAALIYEED OO TAHRIIB AHHooyadan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Raxma, isla markaana 33-jir ah, kana tagtay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, ayaa dhashay Gabadh loo bixiyey Safiya, waxaana xilliga ay ummulaysay ay ku wajahnaayeen dhinaca Xeebta Talyaaniga.

Raxma waxay sheegtay inay shan bilood ku qaadatay inay gaadhto Xeebaha Talyaaniga. Saraakiishu waxay sheegeen in Safiya, oo miisaankeedu ahaa 3-KG markii ay dhalata, ay Caafimaad qabto. Waxaan loo malaynayaa inay noqotay ilmihii ugu horreeyay abid ee ku dhasha dusha Markab dagaal oo Germany laga leeyahay.

Safiya-yar Hooyadeed Raxma, ayaa ka mid ahayd 4,000 (Afar Kun) oo Muhaajiriin oo laga badbaadiyey Badda Mediterranean-ka billawgii toddobaadkan. Waxaa markii hore badbaadiyay Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Britain ka hor intaanu ku wareejin Markabka dagaalka ee Ciidammada Badda Jarmalku wateen.

Markabka, ayaa markii uu ku xidhtay Dekedda magaalada Xeebta leh ee Taranto ee Koonfurta Talyaaniga, waxa Raxma iyo Gabadha yare e ay dhashay loo cararay Cusbitaalka si loo baadho Xaaladdooda Caafimaad.

Midowga Yurub, ayaa ku mashquulsan Xakaymaynta Mawjadaha Muhaajiriinta ama Tahriibayaasha ah ee ka qaxaya colaadda iyo saboolnimada dalalkooda Qaaradda Afrika iyo waddamada Carabta qaarkood ka Tahriibaya.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment