Sunday, August 23, 2015

Sheeko Gaaban: Mukur! – M/Q: Rashiid Khadar Jaamac “Halac”

Waa fiid ay dabayl yar oo qaboobi  afarta jiho mid  ka mid ah kasoo bibbanayso,  Tiraba dhawr hablood oo si heer sare ah u labbisan ayaa hor taagan sabbada intarnaytku ku yaallo, si habboon oo habsami leh ayey u sheekeysanayaan, waxaana si toos ah  u haya iftiinka  meheradda ay hortaagan yihiin.  Kobta  ay tuban  yihiin waxa  si qumman uga soo horjeeda sabbad kale oo iyana  tukaanno iyo wax la mid ahi ku yaallaan.  Gabdhuhu way isla maqan yihiin, sheekaduna waxa ay u maraysaa hirrar dhexe,  si baraad la’aan ahna wey isugu fooggan yihiin. In door ah kaddib waxa ay isha ku dhufteen nin gaaban,  buuran oo aad u xoog badan,  oo laye   xaggooda  soo eegaya.  Lays eeg oo la is weydii ninkaas.

_“ naa ma innaga ayuu ina soo eegayaa?”, ayey mid hablihii ka mid ahi  tidhi.

_“ jabnay! Haa  malaha” ayey mid kale ugu jawaabtay.

Wax yar ka dibna waxa ay arkeen ninkii buurnaa oo sida miigga kusoo gannan, xaggoodana usoo ordaya-jagac  markaas ayey middiba meel ka dhacday. Ninkii laftarkiisu wuu  yaabay, haa amakaagay isna weydiiyey:  “tolow hablahaa maxaa ku dhacay”,  kama qasna’e inta uu aadyar iska soo gucleeyey  ayuu meheraddii internaytka daf yidhi, wax yar kaddibna hablihii halkoodii ayey ku soo laabteen iyaga oo hiinraagaya, dabadeed ay bilaabeen in ay ka sheekeystaan wixii eryaday iyo sidii uu u eryaday.

Ninkii ahaa kuu ahaa,  inta  uu is hayn waayey oo uu meheraddii kasoo booday  ayuu ku ydihi  “naa maxaa idin helay ee aad la yaacdeen” midbaa ugu jawaabtay “adigu maxaad naga eryanaysay”  mid kale oo halkan taagan oo  iyana beerka is haysa ayaa  cod hiinraag ah ku tidhi  “Annagu dumar baanu nahayoo ciddii na eryataba waanu ka carrarnaa”  Inta uu yaabay, haddana ka fajacay jawaabteeda fudud ee mukurka miidhan ah oo uu iska dhaqaaqay ayuu sii yidhi “ annaguna rag baanu nahayoo ciddii naga carrartaba waanu eryanaa”.

 

W/Q: Rashiid Khadar Jaamac “Halac”

Email : h-halac@hotmail.com

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment