Tuesday, August 25, 2015

Boqor Raabbi iyo Suldaan Cadda-gude oo Sheegay inaan waxba ka jirin go’aan Suldaan Maxamed ku kala diray Guddiga Beesha Ciidagale

Hargeysa, 25 August 2015 (Himilo)- Boqor Raabbi Yuusuf Xiiray iyo Suldaan Axmed Cismaan Cadda-gude oo ka tirsan Madaxda Dhaqanka Beesha Ciidagale, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin go’aan ay sheegeen in Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir sheegay inuu ku kala diray Guddiga horumarinta Beesha oo bilo ka hor la ansixiyey Guddinnimadooda, ka dib markii uu horraantii sannadkan Suldaanku kala diray Guddigii hore ee Beeshaas oo wakhtigu ka dhammaaday.

ODAYAALSuldaan Axmed Cadda-gude iyo Boqor Raabbi oo Isniintii shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxay sheegeen inaanay Beeshu aqbali karin go’aanka Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ay u arkaan mid qaldan oo ka hor-imanaya codsigii uu ula yimi ee Madaxda Dhaqanka iyo Beeshu ku ansixiyeen Shir Duco ahaa oo ay dhawr bilood ka hor Beeshu ku yeelatay Deegaanka Halleya ee Bariga Caasimadda Hargeysa.
Boqor Raabbi oo arrimahaas ka hadlayaa, waxa uu yidhi; “Hadalkii ka soo yeedhay ina Cabdiqaadir (Suldaan Maxamed) ee ahaa Guddigii uu noo keenay isagu ee uu soo doortay, ee isagu uu na yidhi haddaannu nahay Salaaddiintii Reerka iyo Boqorkii Reerkaba uu yidhi; ‘Nimankaa qaata, ila ansixiya, nimankii hore ee wakhtigoodu dhammaaday waan eryey, ee igu taageera,’ ee aannu ku taageernay ee uu noola yimi ee aannaan wax cod ah ku lahayn, ayaa waxa haddana warbixinuhu nagu soo gaadhayaan inuu yidhi waan kala diray. Waxaad maqli doontaa wax dhegahaagu aad uga murugoodaan haddaad ka waantoobi waydo oo dib u fadhiisan waydo oo aad Beesha xaal siin waydo.”
“Waxba kama jiraan kala diristiisa, awoodna uma laha, kana aqbali mayno, wax dambe oo laga yeelayana maaha (Suldaan Maxamed). Guddiguna sidaas bay sharci ku tahay aannu ku ansixinnay ee Shirweynihii Ducada Beesha Ciidagale ku ansixisay ee Salaaddiinta iyo dhammaan aannu ku ansixinnay ayay ansax ku tahay, kuma hadli karo afka beesha, afka reerka qofka ku hadli karaa waa qofka danta reerka iyo waxay reerku doonayaan ku hadlaya.” Sidaa ayuu yidhi Boqor Raabbi.
Sidoo kale, Suldaan Axmed Cismaan Cadda-gude, ayaa isaguna shirkaas Jaraa’id ka hadlay, waxaanu yidhi; “Markii uu naga codsaday Suldaan Maxamed waannu la ansixinnay, Warqaddaannu la saxeexnay, Shirweynihii Ducada ahaa ee Halleeya ayaannu wada-tagnay, sidaasay ansax ku noqotay. Awood maanta gacanta ugu jirta Suldaan Maxamed oo uu u isticmaali karo oo odhan karo waan kala diray Guddiga maba jirta-ba.”
“Haddaad awood u leedahay inaad wax kala dirto shalay maxaad u ansixin weyday keligaa ee aad noola beryeysay? Masuuliyaddu waxay tahay wixii qayrul-masuulnimo keeni kara in meesha laga saaro, taasoo ah shalay baan magacaabay, maantana waan kala diray, waabberyaba waxbaan la soo kacayaa maaha hoggaamin iyo masuuliyad.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Axmed Cismaan Cadda-gude.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment