Sunday, August 23, 2015

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo fashiliyey Siro culus oo u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya

Muqdisho, 23 August 2015-(Himilo)- Wasiirkii hore Wasaaradda Garsoorka & Dastuurka Soomaaliya Faarax Cabdiqaadir Maxamed oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka, kana mid ah Xubnaha ugu cadcad awood ahaan ee ay Madaxweynaha Saaxiibbada dhaw yihiin, ayaa ka hadlay sababta uu u hakaday wadahadalkii u socday sannadihii u dambeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu fashiliyey xidhiidho badan oo hoose iyo isu soo dhawaansho u dhexeeya Madaxda labada dawladood iyo labada Shacab-ba.

 
Waxa uu Xildhibaan Faarax ku dooday in aanay jirin wadahadallo u dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo is taagay, balse ay jiraan oo keliyi kuwii muuqday ee Turkiga oo hakad galay, hase-yeeshee ay labada dhinac si weyn isugu xidhan yihiin oo ay jiraan xidhiidho u dhaxeeya Madaxda labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya, Ganacsatada iyo Culimada-ba. Faarax waxa uu sheegay in si weyn la isu dhex-galay oo aanay jirin wax labada dhinac u dhaxeeya oo weyni, lana Midoobi doono dhawaan sida uu hadalka u dhigay.
Faarax Cabdiqaadir oo lagu Waraystay Wargayska Xaqiiqo Times oo ka soo baxa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxa wax laga waydiiyey halka ay ku dambeeyeen wadahadalladii u dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo uu mararka qaar ka tirsanaa Ergooyinkii dhinaca dawladda Soomaaliya uga qaybgeli jiray kulammadii Turkiga ku qabsoomay sannadkii hore, waxa uu sheegay in la kala mashquulay oo keliya, qolo walibana ku mashquulsan tahay xaalado gudaheeda ah.

 
Hase-yeeshee, waxa uu xusay in dadku sida kale isugu soo dhawaadeen oo aad isugu xidhan yihiin isaga oo tusaale u soo qaatay Xidhiidhada sii kordhaya ee u dhaxeeya Siyaasiyiinta labada dhinac, Ganacsatada iyo Wadaaddada ama Culimada oo uu sheegay in isku xidhkaasi iyo isu soo dhawaanshahaasi muujinayo rejo uu sheegay in ay qabaan ka maamul ahaan oo ah in Soomaaliya ku Midoobi doonto Xukuumadda Federaalka ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho.
Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir oo la sheego in uu ka mid yahay xubnaha ugu miisaanka culus Maamulka taagta daran ee Muqdisho fadhiya ahna ragga ugu awood badan ee mus-dambeedka u ah Madaxweynaha Villa Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dooday in xidhiidho hoose jiraan kuwaasi oo u dhaxeeya Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland iyo Soomaaliya sida Culimada iyo waliba ururada Bulshada.

 
Waxa uu Faarax Cabdiqaadir xidhiidhadaasi uu ku tilmaamay kuwo muujinaya isu soo dhawaansho aan hore u jirin dhawr iyo labaatankii sano ee ay meesha ka baxday xukuumaddii Kalidii-Taliye Maxamed Siyaad Barre, dhinacoodana arrinkaasi guul ka tilmaamayo maadaama ay u taagan yihiin in ay ka dhabeeyaan hammigooda ah in Soomaaliya mid ahaato.
“Wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya arrimo farsamo ayay u hakadeen. Ma qabo in ay u joogsadeen is af-garansho la’aan iyo khilaaf. Annaga xaggan (Soomaaliya) waxa jira arrimo hoose oo mashquul na geliyay oo aannu ku hawlannahay, iyana (Somaliland) waxaad ka war qabtaa in ay ku jiraan xaalado kala guur ah oo ay doorashooyin ku soo fool leeyihiin oo ay ku mashquulsanaayeen arrimo siyaasi ah oo la xidhiidha doorashooyinka dib u dhacay. Arrimahaasi ayaa keenaya in ay yar hakadaan wadahadalladu.” Sidaa ayuu yidhi Faarax Cabdiqaadir.
Waxa uu Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir oo Siyaasiyiinta Somaliland qaarkood u yaqaanneen Xirsiga Madaxweynaha Soomaaliya, uu intaas ku sii ladhay oo yidhi; “Balse, waxaan kuu sheegayaa ummadda labada dhinac ee Soomaalida ahi aad ayay isaga soo dhawaadeen sidii ay hore u ahaan jireen. Waxaan ogahay in ay isku xidhan yihiin oo ay xidhiidhaan Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta Maamulladu, waxa kale oo isku xidhan Bulshada qaybaheeda kala duwan sida Culimada, Ururrada Bulshada iyo Ganacsatadu, taasina waa arrin tilmaamaysa in uu jiro hilaw iyo isu soo dhawaansho muujinaya in Soomaaliya mar dambe cagaheeda isku taagayso oo ay mid noqonayso.”

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment