Ankara August 22, 2015(Himilo)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay in 01-da November ee soo socota ay dalkaas ka dhici doonto doorashooyin Baarlamaanka, kadib markii Xisbiyada dalkaas ay ku guul-darreysteen inay Xukuumad wadaag ah soo dhisaan.
Recap Erdogan ayaa sheegay in arrintan uu kala hadli doono Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkiisa. Iyadoo tallaabadan lagu sheegay in awooddiisa gaarka ah uu adeegsaday Erdoğan, isagoo soo af-jaray walaac iyo shaki badan oo ka jiray dalkaas.
Waddanka Turkiga ayaa Waxaa sii maamuli doonta Xukuumadda Hadda jirta taasoo ay ka qayb qaadanayaan dhammaan Asxaabta Kuraasta ku leh Baarlamaanka Waddankaas ka jira hadda.
Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa marar hore ugu baaqay Axsaabta Dalkaas Dhismaha Xukuumad loo dhan yahay inta aanay dhamaan xilligii Dastuuriga ahaa ee loogu talo-galay dhismaha Xukuumadda.
Davutoglu ayaa salaadadii lasoo dhaafay ku dhawaaqay inuu ku guul-dareystay dhismaha Xukuumad wadaag ah, Tallaabadan ayaa imanaysa kadib markii xisbiga Erdoğan ee AK uu lumiyay inta badan kuraastii Baarlamaanka dalkaas doorashadii dhacday bishii Juun ee sannadkan, waa markii ugu horreysay oo guul-darro noocan ah ay soo gaadhto xisbigaas tan iyo 2001-kii.
Baarlamaanka Turkiga ayaa waxaa dhici karta inuu u coddeeyo in xukuumadda hadda jirta ay Shaqadeeda sii wadato inta doorashada dhaceyso, balse arinkaas waxaa ku gacan saydhay mid ka mid ah Asxaabta Mucaaradka.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment