Ilo ku dhaw Safaarada dawladda Itoobiya ee Hargeysa oo Wargeyska Himilo u xaqiijiyey ujeeddada dhaqdhaqaaq Ciidammada Itoobiya ka sameeyeen Somaliland
Buuhoodle, 23 August, 2015-(Himilo)- Maayerka degmada Buuhoodle Cismaan Yuusuf Maxamed, ayaa sheegay in Ciidammo Itoobiyaan ahi markii ay doonaan iska soo galaan Xuduudka Somaliland, oo caado ay u tahay, balse wakhtigan la sheegay inay ka joogaan magaalada Balli-cad oo Xadku maro dhinacooda.
Guddoomiyaha degmada Buuhoodle Cismaan Yuusuf oo Wargeyska Himilo wareysi kula yeeshay khadka taleefanka xalay isagoo ku sugan magaalada Buuhoodle, ayaa sheegay inay dedaal weyn ugu jiraan wacyigelinta bulshada deegaannada dhinacyada ammaanka, meel fiicanna u marayso.
Cismaan oo ugu horreyn la weydiiyey xaaladda gobolka, ayaa ku jawaabay; “Waxaan joognaa magaalada Buuhoodle, oo Caawa (xalay) aan ku soo noqonnay, maanta (shalay), waxaan gaadhnay annaga iyo Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Xagla-toosiye, Shirka Beesha Qori-lugud u socda, kaasoo ay nagula ballameen in xidhitaankiisa Odeyaasha iyo Cuqaasha magaalada Buuhoodle kala soo qeybgalaan. Dawlad iyo kheyrkeedna aan laysku halleyn ee deegaanka aynu xil iska saarno ayaa labada dhinacba lagaga hadlay, waana la ballansan-yahay.”
Maayerka Buuhoodle Mr. Cismaan, ayaa sheegay in Cali Khaliif Galaydh ku sugan yahay magaalada Saax-dheer, wax macno ahna ma hayn, waxaanu yidhi; “Ninkii Cali Khaliif waxa uu joogaa magaalada Saax-dheer, wax macno uu ku hayana ma jirto, waxa lagu xamanayaa boqolkiiba 90% annagu war xaqiiqo ah ma haynee, inuu jiro xidhiidh u dhexeeya Somaliland, ergooyin ayuu dalbaday. Laakiin, waxaan filayaa inaanay jirin cid u tegaysa, halkaasi ayuu go’doon ku yahay ninkaasi.”
Mar la weydiiyey Maayerka haddii uu diyaar yahay, isla markaana hore Somaliland u sheegtay inay wadahadal la gelayso kooxda Khaatumo, waxa uu ku jawaabay; “Waa lays yidhi, haddana kollay wax uun baa laysku diiddan yahay, wuu jiraa wadahadalkaasi sida naloo sheegay, dee isaga xaggiisa ayey wax ku qabyo ahaayeen.”
Sidoo kale, Cismaan oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay jiraan Ciidammo Itoobiyaan ah oo soo galay Xadka Somaliland, waxa uu ku jawaabay; “Way jiraan Ciidammo Itoobiyaan ah oo soo gaadhay dhinaca Itoobiya ee magaalada Balli-cad oo xadka ku taal, inkastoo weli aannaan hayn tafaasiisha ujeeddada socdaalkooda, laakiin waxa la sheegayaa inay jiiddaa xidhi doonaan maalmaha soo socda oo markii ay doonaan way u soo gudbaan xadka Somaliland.”
Xogo Wargeyska Himilo ka helay ilo ku dhawdhaw Safaaradda dawladda Itoobiya ku leedahay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa u xaqiijiyey jiritaanka dhaqdhaqaaq Ciidammo Itoobiyaan ahi sameeyeen, balse ujeeddadiisu ahayd inay fadhiisin cusub ka furtaan deegaanka Somaliland iyo Itoobiya xadka ka waddaagaan ee dhinaca Puntland xiga, maaddaama oo ay jiraan firxad Ciidammada Al-Shabaab ah oo soo gaadhi kara deegaannadaas, balse meesha ka saaray inay jiraan Ciidammo Itoobiyaan ah oo u soo tallaabay xadka Somaliland.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment