Saturday, August 22, 2015

Adduun Caaryaale: “Soomaalidu ninkii qado haystay qado ugu dartaa!”

Waddanka UK ayay ku kacaantay. Hargeysa ayay kulaylahan booqatay. Laba arrimood oo ay Hargeysa kula soo kulantay ayaa isugu xidhmi la' illaa hadda oo ay London ku soo laabatay.

Nin bay aragtay dariiqa barbar jiifa meel biibitooyinah oo lagu hor qayilayo agteeda, dad badanina dhinacyo marayaan, oo doco fadhiyaan. Ninkaas oo dhabarka u jiifa oo luguhu u soo laaban yihiin, oo macawis uu xidhnaa labadiisa bawdo ugu soo laalantay, oo dadku il naxariiseed aanay eegayn oo kuwa fadhiyaa na dan iyo muraad kama lahayn, kuwa sunsumayaana ay iska dhaafayeen ayay ku naxeen.

Waannu isu taagnay. Ina adeerkay oo gaadhiga wadey baa ku idhi walaal jooji bal aynu ninkan eegno eh. Waannu is taagnay oo eegnay. Wuu hiinraagayaa, oo labadiisa indhood na goof ayay ka soo jeedaan. Dadkii meesha ag fadhiyey markii aannu ninka eegayney, ayay nagu soo xoomeen. Nin baa qarraaxadda sigaarka laga shito indhaha ninkii jiifey kaga qabtay. Waxa aannu ogaannay in ninku meesha gaajo kula diiday! Markii inuu gaajoonayo laga tibaax bixiyey, ayaa Islaan dadkii daawashada u yimi ka mid ahi ku tiraabtay oo tidhi “dharaar kasta mid baa meel isku tuura si wax loo siiyo, waar wuu is yeel yeelayaa ee ha u bixina, wuu iska kiciye!

Meel aan goobtaas ka durugsanayn, waxa aannu kula kulannay dameer dhaawac ah oo dhiig jeeni ka da'ayo oo gidaarka gooladda lagu wareego ee faras magaalaha ku tiirsan oo gariiraya, oo dhinacyada laga dhaafayo. Dameerkaas oo aan maalintaas aad uga naxayey, ayaa arrinta ninkanina i xasuusisay oo ladh igu soo kicisay.

Dhinaca kale waxa aan la kulmay arrin kale oo taas axandarro liddigeeda ah. Gaadhiga ina adeerkay baan watey. Shaw ma ogiye baaterigiisu waa diciif. Laamiga badhtamihiisa ayuu gaadhigii ila fadhiistay. Talo ayaa igu caddaatay. Daqiiqad qudaheed ayaa dadkii meesha ka dhowaa gurmad iigu yimaaddeen. Raggii mid ba wax buu la soo booday. Mid gaadhiga eega, mid aniga i eega oo yidhaah sidee wax u dhaceen iwm. Dumarkii dariiqa alaabta la fadhiyey na inta ay igu soo xoomeen ayay igu yidhaahdeen kaalay cadceedda ka hadhso. Muddo yar gudaheed ayaa baaterigii la kiciyey oo la igu yidhi gaadhiga kaxayso. Maalin kale oo gaadhigu meel cammuud ah iga galay na sidaas oo kale ayaa la iigu soo gurmaday, oo dad aanay qof ka garanayni iigu gargaareen.

Inantii oo yaabban ayaa waxa isugu xidhmi waayey arxandarrada badan iyo naxariista badan ee mar qudha dusheeda ku wada kulmaya ee ka dhacaya! Hargeysa yaab badanaa!

London haddii gaadhigu kaa fadhiisto AA in aad dalbataa baa la wada naawilayaa oo cidi kuu joojin mayso, oo il dadnimo cidi kugu eegi mayso. Haddii shinbir garab li'i meel ka cido ama bisad lug lalansanaysaa dariiqa luudi kari waydo inta la isu taago oo il naxariiseed lagu eego ayaa dhooliga loo dalbanayaa.

Fadxiya in fadhiga looga soo kacay Hargeysa markii gaadhigeeda cilladdu gashay, ninkii dariiqa naftu iskaga guraysey na loogu jixinjixi waayey waxa loogu soo ururiyey, si fahamku ugu fududaado: “Soomaalidu ninkii qado haystay qado ugu dartaa”!

Saw innaga huteellada waa weyn kumannaan Dollar ee hantida qaran ah habeen keliya ku martiqaadna qurbajoogga calooshu u tiirsan tahay ee dalxiiska ah ee huteelka dhinacyadiisa gaajada iyo diihaalka kumannaanka qolqoljoogta ahi ku seexanayaan! Fadxiya inta ay mashiiqsatay oo hoos u hogatey ayay tidhi “Wallaahi, that's very sad”!

Adduun Caaryaale!

Maxamed Baashe X. Xasan

Email:mohamedbashe@hotmail.com

Himilomedia.com

No comments:

Post a Comment