Saturday, August 22, 2015

Wasiirka Madaxtooyada Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kana Waramay Waxyaalihii Uga Soo Qabsoomay Dalka Itoobiya

Hargeysa (Himilo)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali X Xasan ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhameystay socdaal hawleed oo uu maalmihii ugu danbeeyey ugu maqnaa dalka itoobiya ee aynu jaarka nahay.

Wasiirka oo ka soo degay gegida dayuuradaha ee caasimada Hargeysa ee Cigaal International Air port, isla markaana ay masuuliyiin door ahi ku soo dhaweeyeen ayaa warbaahinta ugu waramay qolka VIP ee madaarka.

[caption id="attachment_23021" align="aligncenter" width="300"]???????????????????????????????????? ????????????????????????????????????[/caption]

Wasiirka ayaa ka warbixiyey safarkii  ugu maqnaaa waddanka Ethopia  iyo shirarkii ay la yeesheen Dawlada Dalkaasi, waxaana uu xusay inay is arkeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Ethopia islamarkaana ay ka wada hadleen sidii loo bilaabi lahaa  Dhismaha Waddada isku Xidhi doonta Berbera iyo Addis Ababa (Berbera Corridor), Waxaana Wasiirka Kulankaasi ku wehelinaayey  Wasiirka Arrimaha Dibada Md:  Maxamed Biixi Yoonis  iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Ethopia Md: Maxamuud Aadan Jaamac,   Wasiir xirsi ayaa xusay inay muhiimad weyn waddadaasi u leedahay  xidhiidhka  ganacsiga iyo isu socodka labada waddan ee Somaliland iyo Ethopia, waxaana uu  hoosta ka xariiqay in waddadaasi  dhawaan la bilaabi doono sidaasna ay isku soo afgarteen masuuliyiintii ay shirarka la yeesheen.

 

Xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiirka Madaxtooyada Somaliland  ayaa ka jawaabay su’aalo ay  saxaafadu waydiisay kuwaasoo la xidhiidhey  eedo ay qaar  ka mida xildhibaanada baarlamaanku usoo jeediyeen xukuumadda kuna dhalliileen  inay dhaxal  wareejinayso Dekada sidoo kalena ku mashquushay Dayactirka  Waddooyinka, Wasiir Xirsi  ayaa dhalliilahaasi  ganafka ku dhuftay  wuxuuna xusay inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo aanay ku koobnayn Dayactirka  waddooyinka balse  ay tahay Xukuumaddii ugu horraysay  yagleeshay waddooyin cusub oo tiro badan sidoo kale wuxuu xusay in Dekada Berbera wakhtigii hore lacagta lagaga  soo qaadi jiray shandad lana keeni jiray Madaxtooyada balse haatan ay  ku dhacdo khasnada dawlada ee Wasaarada Maaliyada, isla markaana aanu jirin wax musuq maasuqi.

 

Si kastaba ha ahaatee Waddada (Berbera Corridor) ayaa sare u qaadi doonta xidhiidhka ganacsiga iyo iskaashiga labada waddan ee Somaliland Iyo Ethopia, iyadoo labada waddan ay yihiin saaxiibo  islamarkaana uu ka dhaxeeyo xidhiidh qoto dheeri oo walaaltinimo iyo deris wanaag kuwada nool, Berbera Corridor waxay noqon doontaa marinka istiraajiayada ganacsiga  iyo horumarka Somaliland iyo Ethopia.

 

Wa bilaahi tawfiiq

 

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment