Saturday, August 22, 2015

“Nin (Cali Khaliif) Oo kale Ah Oo Halkan Jooga Looma Baahna….Kuwa Halkan ka Qaylinaya Cidna Waxba U Dirsanmayso”Xildhibaan Indho-indho.

Hargeysa August 22,2015(Himilo)-Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo ka tirsan Golaha guurtida Somaliland kana mid ah xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Sanaag Beri Iyo Laascaanood Ayaa Taageeray horumarka wasiirka caafimaadka Somaliland kawad gobolada Beriga.

 

 

Xildhibaan Indho-indho waxaa uu sheegay inay magaalada Hargeysa joogaan Xildhibaano la mid ah Cali Khaliif Galaydh oo kadaba qaylinaya wasiirka Caafimaadka oo magaalada Buuhoodle ka saaray Cali Khaliif Galaydh.
Xildhibaan Indh-indho ayaa sheegay Ciidamada Qaran ku daba jiraan Siyaasiga dibad meerka ah ee Cali Khaliif Imikana ay Kasaarayaan Balli Cabane. “ Magaalada Buuhoodle ayay in carqalad ahi ka jirtay, Ciidamadii qarankuna meel Ballicad la yidhaa ayay eryanayaan Ninkaas Cali Khaliif, Ciidanka qaranka iyo wasiirka Caafimaadka ayaanu arrintaasi ku amaanaynaa, Madaxweynaha iyo xukumaddana waanu ku ammaanaynaa,”Sidaasi Ayuu Yidhi Xildhibaan Indho-indho.
Xildhibaan Indho-indho Waxaa uu sidoo kale sheegay in aan loo baahnayn Masuuliyiin ka daba hadla wasiirka ee loo baahanyahay masuuliyiin ka shaqeeya danta umada iyo sidii ay doorasho uga qabsoomi lahayd gobolada Beriga Somaliland oo uu sheegay in komishanku gaadhay.

 

 

“ Kuwa ka daba qaylinayana waxaanu leenahay adeer mid ka daran Cali Khaliif ka aanu eryanayno oo meelahan iska fadhiya looma baahna. Wadankan in doorasho ka dhacdo oo wixii meelahaas ka yimid ee fidno wada laga eryo ayaa loo baahan yahay ee in la is xasaradeeyo looma baahna. Waxa loo baahan yahay shaqo iyo in nin waliba degaanka uu ka soo jeedo ku filnaado” Ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho.
Masuuliyiinta Kasoo jeeda Gobolada Beriga Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku kala qabsamay sidii doorasho looga qaban lahaa gobolada Beriga oo hore u ahaa is-xambaar.
Wasiirka Caafimaad Somaliland ayaa isagu dadaal wayn ugu jira sidii ay doorasho uga dhici lahayd gobolada Sanaag Beri iyo Sool iyadoo masuuliyiinta kasoo horjeedaana ay saluugsanyihiin in doorasho laga qabto gobolada beriga.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment