Hargeysa (Himilo)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah guddoomiyaha guddida abaaraha uu u saaray madaxweynuhu haysta gobolada dalka qaarkood iyo weftiga imaaraadka carabta oo uu hogaaminaayey Jumca khamiis oo dhawaan dalka u yimid baaqa abaaraha, ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta qasriga madaxtooyada waxa ay si wada jira shaaca uga qaadeen in la bilaabi doono qaybinta wixii taakulo ah ee loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee gobolada galbeedka iyo waqooyiga dalka.
[gallery ids="22972,22971,22970"]
Jumca khamiis oo hogaaminayey waftiga ka socday waddanka imaaraadka carabta gaar ahaan hay’ada khayriga ah ee al khaliifa foundation ayaa sheegay inuu soo diray madaxweynaha dawlada imaaraadka carabta khaliifa binu saayid al nahyaan.
Si ay u soo indha indheeyaan xaalada abaaraha iyo saamaynta ay dadka ku yeelatay masuulkani ayaa ugu horrayn u mahadnaqay madaxweynaha Jsl Axmed Maxamed Siilaanyo iyo madaxweyne ku xigeenka jsl Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi ismaaciil saylici, Sida wanaagsan ee ay dalka ugu soo dhaweeyeen, Jumca khamiis ayaa sidoo kale sheegay in ay soo kormeereen meelo ka mida dhulka ay abaaruhu saamayeen halkaasi oo ay ku soo arkeen saamaynta xun ee ay abaaruhu ku yeesheen deeganadaasi, waxaanu si rasmiya u shaaciyey in si dhakhsa ah dadkaasi taakulo loola gaadhi doono haddii illaahay yidhaahdo iyaga oo iska kaashanaya guddida abaaraha u xilsaaran.
Madaxweyne ku xigeenka jsl Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi ismaaciil (saylici) oo ah guddoomiyaha guddida loo xilsaaray abaaraha ayaa sheegay in ay si wayn u soo dhaweynayaan waftigani ka socda dawlada imaaraadka carabta ee sida dhakhsaha ah uga soo jawaabay baaqii madaxweynaha qaranka.
Baaqii madaxweynuhu u diray beesha caalamka kaas oo ahaa in la taakuleeyo dadka ay abaaruhu saameyeen, madaxweyne ku xigeenka ayaa ka dhawaajiyey in sida ugu dhakhsaha badan loo bilaabi doono qaybinta gargaarka loo qorsheeyey dadka ay baaruhu wax yeeleeyeen.
Waxa kale oo u sheegay in loo kala horraysiin doono qaybinta gargaarka sida loo kala daran yahay ee abaartu u kala saamaysay dadka iyo xoolahaba.
Gobolada galbeedka iyo waqooyiga dalka ee abaartu saamaysay ayaa waxa hore gargaarkii ugu horreeyey gaadhsiisay xukuumada Somaliland iyadoo u sii marisay Guddida abaaraha oo iyana ku sii wareejiyey guddoomiyeyaasha gobolada abaartu ka jirto.
Ka dibna waxa dalka soo gaadhay weftigan ka socda Imaaraadka carabta oo baaqii madaxweynuhu diray ka soo jawaabay wefti balaadhan u soo diray dalka, weftigaasi oo uu soo dhaweeyey wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta oo isagu muddooyinkii u danbeeyey ka shaqaysiiyey xafiiskii uu ku lahaa imaaraadka xidhiidh wanaagsana u bilowday isaga iyo dawlada imaaraadka carabta weftiyadii kala duwanaa ee dalka soo gaadhayna uu kaga hortagaayey garoonka diyaaradaha ee cigaal International Airport.
Wa-bilaahi tawfiiq
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment