Thursday, August 27, 2015

Dawladda Hoose Maxay wax uga qaban wayday Godadka daadku fadhiistay ee Ballayga noqday?

Sida aynu lawada socono waxa dooxa hargeysa markii labaad ku dhintay laba wiil oo ku dabaalanayey meel biyo fadhiisteen oo  ka danbaysa hotel Hadhwanaag iyada oo  wiilka hore bishii ramadaan uu ka horreeyey halka ka labaad uu shalay oo taariikhdu ahayd 25/8/2015 uu ku dhintay.

Haddaba iyada oo ay sidaa tahay, waxa shacabku ay u doorteen masuuliyadda ah daryeelka arrimaha bulshada ee caasimadda iyo in meelaha ku keenaya carruurteena iyo dadwaynahaba dhibaatooyinka in Dawlada Hoose wax ka qabato oo ay aasto dadkana u shaqayso.

Laakiin, waxa ka muuqda maamulka dowlada Hoose dayacaad ay dadkii doortay dayaceen adeegoodii. Markaa waxaan ugu baaqayaa Maayarka iyo maamulka sare ee Dowladda Hoose inay si daacad ugu shaqeeyaan dadkii aaminay ee codkooda ku soo doortay.

Wabbilaahi Towfiiq.

By Cabdi Cali Haybe

TEL: 4482491

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment