Saturday, August 22, 2015

“Buuhoodle talo Qaran uma baahna ee waxa talo Qaran u baahan Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Galaydh…”

“Buuhoodle Shaqsi kumaan iman ee talo Qaran iyo Amar Madaxweyne ayaan ku imi oo ku joogaa.. Anigoo Wasiirkii Caafimaadka Somaliland ah ayaa halkan imid, saacad igumay qaadateen inaan Buuhoodle ka saaro Galaydh iyo kooxdiisa, laakiin…” Wasiir Xaglo-toosiye

 
Hargaysa, 22 August 2015-(Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo sheegay inuu Xaglo-toosiye Buuhoodle u tegay si shaqsi ah, halkaasina u baahan tahay talo Qaran, hase-ahaatee, Wasiirku waxa uu sheegay inaanay Buuhoodle talo Qaran u baahnayn ee uu Guddoomiye Ku-xigeen Baashe iyo Kursiga uu ku fadhiyaa u baahan yihiin talo Qaran.

 

 
Dr. Xaglo-toosiye oo tan iyo toddobaadkii hore ku sugan magaalada Buuhoodle waxa uu sheegay inaanu halkaas u tegin si shaqsi ah, balse uu ku tegay talo Qaran iyo Amar Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku faray inuu deegaankaas tago maaddaama oo uu yahay Masuul halkaas u dhashay oo xaaladda ka taagan wax ka qaban kara. Waxaanu ka warramay sida ay Shacabka reer Buuhoodle ugu guulaysteen inay si nabadgelyo ah magaaladooda uga saaraan Hoggaamiyaha Kooxda la baxday Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Kooxdiisa-ba, kuwaasoo u firxaday deegaan kale oo uu Wasiirku sheegay inay halkaasna ka caydhin doonaan.

 

 

 
“Baryahan sida aad la socotaan waxa aan joogay gobolka Buuhoodle gaar ahaan magaalada Buuhoodle, safarkaygu waxa uu la xidhiidhay inaan ka hor tago koox qas-wadayaal ah oo doonayay inay Buuhoodle ku qabsadaan shir, run ahaanna ay waxyeelleeyaan nabadgelyada Buuhoodle oo muddo labada sano iyo Badhka ahayd ee Somaliland joogtay aan wax dhib ahi ka dhicin alle waa igu guuleeyay way bexeen. Laakiin, haddana may fogaanne meel Balacad la yidhaahdo ayey Shirkoodii ula guureen Somaliland-na yeeli mayso cid kasta oo doonaysa inay wax u dhinto nabadgelyada.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.

 

 
Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Khadka Taleefanka shalay ugu warramay Idaacadda Radio Hargaysa, ayaa sheegay inay kooxdaasi ka soo duuleen Xamar, isla markaana ay doonayeen inay carqaladeeyaan nabadda Somaliland, waxaanu yidhi; “Kooxdaasi waxay ka soo duushay magaalada Xamar ee dalka Soomaaliya, waa nasiib-darro in Soomaaliya oo wadahadal innaga dhexeeyaan, isla markaana ay isku dayayso inay nabadda Somaliland carqaladayso, waan cambaaraynayaa Maamulka Xasan Sheekh, waxa ay ka soo duuleen Xamar, waxaanay yimaaddeen Buuhoodle, balse Buuhoodle oo magaalada ugu wayn ah deegaankan waa laga saaray, meelaha ay immika u guureenna waa laga saari doonaa.”

 

 
Wasiir Xag-latoosiye waxa uu ka warramay garoon ku yaal magaalada Buuhoodle oo khatar ku ah nabadgelyada Somaliland, isagoo sheegay inay cid wal oo Somaliland hagardaamo la doonaysaa ka soo degto, waxaanu yidhi; “Garoon ayaa meesha ku yaal, garoonkaasi maamul ma laha, raadaal ma laha, waa garoon halis ku ah nabadgelyada Somaliland, wixii ay diyaaraddaasi siday sida ay Sirdoonka Somaliland noo sheegeen Cali Khaliif wuxuu sitay waa uu la guuray, waanaynu ognahay oo waa inuu Somaliland qaso, waxaanu ula guuray xagga uu immika u baxay.”
“Cali Khaliif waxaan u arkaa, waxa jira xahga dhaqanka Awr la yidhaahdo BAN KA QOOQ, waana Awr aan Geel haysan oo haddana qooqay, kaasi ayuu la mid yahay Cali Khaliif, waa nin wayn, waa Nin da’a meesha uu wax ka raadinayaana waxba uguma jiraan, Cali Khaliif waxa uu doonayaa inuu Dhulbahante ka dhigto Sallaan uu meel sare ku gaadho, isaguna noqon maayo Sallaam meel sare lagu gaadho. Cali Khaliif waxa aan leeyahay iskaga bax arrimahaasi, inaad hub keento iyo inaad nabadda carqaladayso waxba kaagama baxaan, nabadgelyada Bulshada deegaanka ayaa leh.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.

 
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), waxa uu sheegay in uu Buuhoodle u tagay inuu ka saaro kooxda nabad-diidka ah ee uu hoggaaminayo Cali Khaliif Galaydh, kana baxeen guud ahaan Buuhoodle, waxaanu yidhi; “Somaliland mabde’eeda koowaad waa nabadgelyo, anigoo Wasiirkii Caafimaadka Somaliland ah ayaa halkan imid, saacad igumay qaadateen inaan Buuhoodle ka saaro Galaydh iyo kooxdiisa, laakin annagoo nabadda eegayna ayaannu qaadannay Siyaasad uu isagu kaga bixi karo, annagoo tallaabo qaadin ayay dadku fahmeen oo ay iska saareen.”

 

 
Wasiirka Waafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye waxa uu ka jawaabay hadallo maalmihii ugu dambeeyay uu Warbaahinta mariyay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, waxaanu sheegay in Kursiga uu ku fadhiyaa u baahan yahay talo Qaran.
“Runtii waan dhegaystay Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka oo arintaa ka hadlaya imaantinkayga aan Buuhoodle imid, shaqsinnimo kumaan iman ee waxaan ku imi talo Qaran, waxaan ku imid amar Madaxwayne, waxaan hadda ku joogaa talo Qaran iyo amar Madaxwyane, anigu reer Buuhoodle ayaan ahay, way kala duwan tahay marka Madaxweynuhu ii diro iyo markaan shaqsi ahaan ku imaaddo, Buuhoodle waa Somaliland, waadigii arkayey sidii la iigu soo dhaweeyay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.

 

 

 
Waxaanu intaas ku sii ladhay; “Buuhoodle talo Qaran uma baahna ee waxa talo Qaran u baahan Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Somaliland. Jagadaasi ayaa u baahan talo Qaran, waan ka xumahay inuu beeneeyo hadalkii Wasiirka Warfaafinta, waan ka xumahay inuu u hadlo sidii uu yahay Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Somaliland, waan ka xumahay inuu difaaco Cali Khaliif iyo kooxdiisa. Buuhoodle waxa aan u joogaa inaan dadka wacyigeliyo, inaan dadka la tashado, waxa ka go’an deegaanka Buuhoodle inay nabadgelyo hirgaliso, dadkuna waxay diyaar u yihiim midnimo, horumar iyo nabad.”

 

 
“Buuhoodle Umballace-kii ugu horreeyay ayay Somaliland geysay, intaan Wasiirka ahaa waxaan geeyay Umballace-kii ugu horreeyay, waxaan ka hirgaliyay Mac-hadkii Caafimaadka oo hadda dhammays ku dhaw, waxa laga dhisay illaa saddex MCH (xarumo caafimaad), waxaan hadda Widhwidh ka dhisaynaa Dhakhtarkii TB-da (Qaaxada), dhawaanna waxaannu soo dhawaynayaa Tabobbarro badan oo loo samaynayo dadka Caafimaadka Buuhoodle.” ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.

 
“Imika waxa dhakhatarka laascaanood loo ansixiyay laba milyan iyo badh oo sanduuqa horumarinka Somaliland looga ansixiyay, haddii ay tahay horumarinta caafimaadka iyo gaadiidba.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Somaliland, waxaanu dadka reer Somaliland u soo jeediyey inay midnimadooda iyo nabadgelyadooda ilaashadaan si ay horumar u gaadhaan oo ay dunida la aqoonsan yahay uga mid noqoto Somaliland.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment