Hargeysa, 26 August, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo ay weheliyaan madaxweyne ku-xigeenka iyo xubo ka tirsan Golihiisa Wasiirrada, ayaa shalay kulan la qaatay Bahda Garsoorka dalka oo isugu jira Guddiga Cadaaladda iyo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare, kulankaas oo ujeeddadiisu ahayd xog-waraysi iyo warbixinno madaxda laamaha Garsoorka dalku u gudbiyeen madaxweynaha.
[gallery columns="2" ids="23164,23165"]
Xubnaha Bahda Garsoorka dalka ee madaxweynuhu la kulmay, ayaa kala aha Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan iyo xubno ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Sare.
Kulanka oo aanay warbaahintu goob-joog ka ahayn, waxa markii uu soo dhammaaday warbaahinta u faafaahiyey arrimaha madaxweynuhu kala hadlay, guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda ahna guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Aadan Xaaji Cali, waxaanu sheegay
“Madaxweynuhu wuxuu qaabilay Garsooreyaasha Maxkamadda Sare iyo Xubnihii Guddiga Cadaaladda, markaa wuxuu kala hadlay dar-dargelinta cadaaladda iyo sidii arrimaha garsoorka xoogga loo saari lahaa. Runtii madaxweynuhu wuu dhiirri-geliyey, waxaanu ballan-qaaday in wixii baahiyahooda ah uu wax kala qaban doono, markaa aad iyo aad baanu ugu faraxsannahay. Madaxweynuhu ballan-qaadbuu sameeyey, talooyin iyo dhiiri-gelin-na wuu u soo jeediyey. Wuxuu ahaa kulan muhiim ah oo wax ka tari doono xagga cadaaladda,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland.
Waxa madaxweynaha kulanka ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali.
Kulanka oo noqonaya kii u horeeyey noociisa ee madaxweynuhu kula kulmo madaxda hay’adaha Garsoorka dalka, ayaa ku soo beegmaya wakhti ay gol-daloolooyin ka muuqdaan hay’adaha garsoorka dalka, iyadoo madaxweyne Siilaanyo tiraba dhowr jeer hore u ballan-qaaday inuu wax ka qabanayo tabashooyin shacabku ka muujiyaan xil-gudashada hay’adaha Garsoorka iyo sidoo kale gol-daloolooyin wax-ka-qabasho u baahan.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment