Sunday, August 23, 2015

Togdheer: Shir-dhaqameed Beesha San-buur uga furmay Qaloocan

Qaloocan, 23 August 2015-(Himilo)- Beesha Ibraahim sh. Isaxaaq (San-buur), ayaa Shir-dhaqameed uga furmay Deegaanka Qalloocan oo ka tirsan Gobolka Togdheer, halkaasoo uu jimcihii si rasmiya uga furmay shirweynaha beeshaas.
Shirka oo ah mid dhaqan oo sida la sheegay aan wax siyaasad ah ku lug lahyn, ayaa Ergooyinka ka qayb-gelayaa waxay halkaas gaadheen Maalmihii Arbacada iyo Khamiista, waxaana ka qayb-galay Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee Bulshada ee Beeshaas.

 
Shirka ayaa furitaankii oo Jimcihii ahayd waxa lagu doortay Shir-guddoonka daadihin doona inta socdo, waxaanu Maanta oo sabti ah galay maalintii labaada oo uu si habsamiya u socdo, sidaas waxa Gobanimonews u sheegay xubno kamida ka qayb-galeyaasha Shirka oo khadka telefoonka nagula soo xidhiidhay.
Waxay intaas ku dareen in Shirku si qurux badan u furmay, kuna suganyihiin dhamaan qaybihii Hormuudka Beesha. Ergooyinka Shirka ka qayb-gelaya ayaa sida ay qabanqaabiyeyaashu sheegeen ka kala yimi Gobollada Beeshu deegaamada ku leedahay, sida Togdheer, Sanaag iyo Gobollada Galbeedka.

 
Qodobbada Shirka lagaga hadlay, waxa ugu muhiimsan arrimaha dhaqan ee Beesha gudaheeda, horumarinta Deegaamada Beesha iyo qodobo kale oo aan saxaafadda loo soo bandhigin, balse ku salaysan xagga dhaqanka.
Ilo-wareedyo ku dhadhow shirka ayaa sidoo kale tibaaxay in Shirka lagu dooran doono Suldaan Guud oo ay Beeshu yeellan doonto, laakiinse Ajandaha ugu weyn ee Beeshu ka shirayso waxa ay Guddida qabanqaabada Shirku ku tilmaameen Shir dhaqan oo Maslaxada Beesha u gaara. Shirka ayaa socon doona illaa 25-ka bishan.
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment