Saturday, August 29, 2015

CABASHADA REER AWDAL EE SAAMI-QAYBSIGA XILDHIBAANNADA GOLAHA WAKIILLADU MA GARBAA MISE WAA SI KALE?

Doorashadii golaha wakiillada ee 2005 markii loo diyaar garoobayey waxa fadhiyadii golaha wakiillada ee waqtigaa socdey gebi ahaanba ka baxay xildhibaannadii ka soo jeedey gobolka Awdal, taasi waxay keentay in cabashadoodii oo ahayd sed ayaa naga maqan laga dhegaysto iyadoo maslaxadda guud la eegayo, kaddibna loo kordhiyo hal kursi iyadoo aan loo eegin gar iyo gardarro ka ay tahay.

Isla maanta oo ay ka soo wareegtey toban sannadood isla tii oo aan waxba ka beddelnayn ayaa dhacday, xildhibaannadii ka soo jeedey gobolka Awdal waxa ay ka dareereen fadhiyadii golaha iyagoo isla dooddii hore qaba.

 

Arrintan waxa khasab ah in sidaa u soo noqnoqonayso una taagnaanayso markasta oo doorasho golahan ahi dhacayso haddii aan go’aan waara iyo xal kama danbays ah laga gaadhin.

Go’aanka laga qaadanayaana waa inuu noqdaa mid xaqiiqda ku dhow oo aan ahayn qancin iyo danta guud halloo eego, waayo waa dhibaato haddii danta guud mar walba cidi sed bursiinyo ku hesho cidna laga sed bursado.

Anigoo ka duulaya arrintaas ayaan isku deyey inaan jawaab u helo cabashada reer Awdal, jawaabtan maaha mid aan leeyahay iyada ayaa sax ah ee halla raaco, mana lihi waa khalad ee halla tuuro, waxay ka mid tahay aragtiyaha muwaadiniinta reer Somaliland iyo jawaabaha arrinta qof waliba aragtidiisa ku salaynayo.

Arrintan marka aan ka hadlayo waxaan ka eegayaa dhinacyada soo socda.

 

  1. Saamigii Degmooyinkii 1960-kii reer Awdal ma waxbaa ku seegay oo kaga maqnaa waqtigaa?

  2. 2005-tii ma waxbaa laga duudsiyey mise sed baa loogu daray Saami-qaybsigii?

  3. Reer Awdal ma waxay u tarmeen si aan dadka kale u tarmin oo waxbaa sidaa kaga maqan?

  4. Mise reer Awdal sed bursiimo ayay doonayaan oo ay filayaan in ay helayaan haddii ay sidan ku adkaystaan?


 

Su’aalahaa jawaabohooda waxaan ku saleeyey

  1. Doorashadii 1960kii ee degmooyinkii waqtigaa oo hadda gobollo ah

  2. Doorashooyinkii Dalka ka dhacay 2002-2012 iyo codadkii gobollada dalka oo dhan xaqiiqo ha ahaadaan codadkaasi ama yay ahaane reer awdal dadka ayuunbay kala mid ahaayeen.

  3. Diiwaan gelintii dalka ka dhacday 2008 oo qiyaas ahaan uun laga qaadan karo, diiwaan gelintaasi may ahayn mid xaqiiqo ah dalkuna wuu wada qabey arrintaase, manay ahayn tiro koob, waayo tirokoobka Muwaadiniinta iyo diiwaan gelinta codbixiyayaashu way kala duwan yihiin.


 

 

GUDO-GALKA FALANQAYNTA SU’AASHA

 

1960-kii dalka waxa loo qaybiyey Lix degmo oo hadda gobollo ah, mid walbana waxa loo qoondeeey kuraas lagaga tartamo, oo ahaa sidan:

  1. Hargeysa 7 kursi. oo kala yaalley: Dacar-budhuq, Baanka, Sheekh Madar, Gebiley, Faraweyne, Sallaxley iyo Cadaadley

  2. Burco 6 kursi. oo kala yaalley: Masjid jaamaca, Sh. Ismaaciil, Laasdhuurre, Duruqsi, Qoryaale iyo Oodweyne

  3. Berbera 5 Kursi. oo kala yaalley: Dekedda, jaamalaaye, Bullaxaar, Mandheera iyo Sheekh.

  4. Boorame 5 kursi. Oo kala yaalley Boorame, Saylac, C/Qaadir, Boon iyo Dila

  5. Ceerigaabo 5 kursi. Oo kala yaalley Ceerigaabo, Xiis Laasqoray, Ceel-Afweyn iyo Jiidali

  6. Laascaanood 5 Kursi. Oo kala yaalley Caynabo, Xuddun, Lascaanood, Widh-widh iyo Taleex


Sidaa ayay u qaybsanaayeen 33kii kursi ee Baarlamaanku.

 

Si kale haddii loo eego waxay ahaayeen 17 xildhibaan oo saddexdii degmo ee galbeedka ka soo baxay iyo 16xildhibaan oo saddexdii Degmo ee bariga ka soo baxayey.

 

Haddaba tirada guud ee dalka oo dhan  ka codaysay waxay ahayd 81,366 oo qof

 

Hargeysa waxay lahayd codad dhan 28,085 cod

Boorame  waxay lahayd 10,561 Cod

Berbera waxay lahayd  10,957 cod.  Fiiro gaar ah. Berbera way ka codad badnayd Boorame

 

Burco waxay lahayd 17,105 Cod.

C/gaabo waxay lahyd 9,183 cod

L/caanood waxay lahayd 5,272 Cod

 

  1. Fiiro gaar ah: Burco waxa jirey kursi aan lagu tartamin waana kursigii yaalley Oodweyne oo uu qaatay qofkii keli ahaa ee ciddii kula taratami weydey, kaas oo ahaa Maxamuud Sh Muuse sidaa darteed codkiisu inta  uu noqon lahaa lama hayo tirada degmadana  kuma jiro waxaana suuro gal ah in ay Burco gaadhi lahayd 20,000 maadaama kursiga ay ku tartamayeen wax ka badan hal qof aan ka soo qaado laba qof inuu midkiiba heli lahaa  1,500 oo cod

  2. L/caanood Laguma tartamin saddexdii sanduuq ee kala yaalley L/caanood, Widhwidh iyo Taleex, oo iyagana ay qaateen saddexdii qof ee ciddii kula tartami weydey kuwaas oo kala ahaa Cali Garaad Jaamac, Cabdalle X. Faarax iyo Cismaan Garaad Maxamuud sidaa darteed codadkoodii halkan kuma jiraan maadaama aan la garanayn waxa ka soo bixi lahaa waxa suuro gal ah midkiiba haddii aynnu ka soo qaadno 2,000 inay noqon lahay L/Caanood 11,000, waayo kursi walba oo meel yaalla waxa ku tartamayey laba qof qaarkoodna saddex qof, markaa celcelis ahaan qofkiiba waxaan ka soo qaaday 1,000 kuraasta aan lagu tartamin inuu ka heli lahaa.


Sidaa darteed Boorame marna may soo gelin kaalinta labaad waxay ku jirtaa kaalinta Afraad ama Shanaad ilaa haddana waa sidii, sida aan xagga danbe ku sheegi doono.

DOORASHADII 2005

Waxa laysla qaatay in saamiga gobollada loogu qaybiyo saamigii 1960kii degmooyinka aan kor ku soo sheegnay oo gobollo loo beddeley, isla markaana mid walba kuraastiisii lagu dhufto 2.5   waxaanay  noqotay

  1. Gobolka Maroodi-jeex 7x2.5 =17.5

  2. Saaxil 5x 2.5 = 12.5

  3. Awdal 5x 2.5 = 12.5

  4. Togdheer 6x 2.5 = 15

  5. Sanaag 5x 2.5 = 12.5

  6. Sool 5x 2.5 = 12.5


Tiro guud  82.

Halkaa iyada oo taagan ayaa cabashooyin gobollada oo dhan ahi soo baxday taas oo gobol waliba leeyahay waannu badannahay oo noo qaybsami mayso, sidaa darteed ayaa gobollada qaar wax laga gooyey, qaarna wax loogu daray, qaarna sidoodii loo daayey, masalan:

Hargeysa: oo lahayd 17.5 waxa loogu daray 2.5 waxaana la siiyey 20

Awdal: oo lahayd 12.5 waxa loogu daray 0.5 waxaana la siiyey 13

Saaxil: oo lahayd 12.5 waxa laga jaray 2.5 waxaana la siiyey 10

Sanaag: iyo Sool waxa laga tuuray midkiiba 0.5 waxaana la siiyey 12

Togdheer: waxna looguma darin waxna lagama jarin

Waxa aan ka hadlayaa maaha ku tidhi-kuteen ee wax aan goob joog ka ahaa

Sidaa darteed ayaa waxa saami qaybsigii noqday oo doorashadii lagu galay sidan:

  1. Gobolka Maroodi-jeex 7x2.5 =17.5+2.5 =            20

  2. Saaxil 5x 2.5 = 12.5  - 2.5   =                      10

  3. Awdal 5x 2.5 = 12.5  - 0.5   =                      13

  4. Togdheer 6x 2.5 = 15                     =                     15

  5. Sanaag 5x 2.5 = 12.5 -   5              =                   12

  6. Sool 5x 2.5 = 12.5  -       5            =                     12


TIRO GUUD                                                   =                     82.

DOORASHOOYINKII DALKA KA DHACAY 2002-2012.

Haddii walaaleheenna Awdal ay ka cabanayaan doorashooyinkii dalka ka dhacay ayaannu tiro badan ku codaynnay sidaa darteed waxbaa naga maqane ha nala siiyo oo taasi ay caddaato waxaan u arkaa inay gar noqonayso meel laga maraana aanay jirin, haddii kalese waa aragti kale, taana ila eega.

AFEEF: Doorashooyinkii dalka ka dhacay waxa lagu galay diwaan gelin la’aan marka laga reebo doorashadii 2010-kii waana doorashada la odhan karo haddii doorasho la raad raaco loo baahan yahay iyadaa ugu dhow, Awdalna waxa ka codeeyey 81,338.sidaa darteed diiwaan gelintaa cid wax iskala hadhay may jirin, gobol walibana wuxuu doonayey inuuTirada ugu badan soo saaro, taasna reer awdal dadka ayay kala mid ahaayeen waa gobolka 65,000-114,000 inta u dhaxaysa marba si looga codaynayey, gobollada kalena waa la mid, waxaanse iyaga carrabka ugu adkaynayaa ama tusaaalaha ugu soo qaadanayaa waa gobolka cabashadiisu taagan tahay ama soo noq-noqoto.

Doorashooyinkiina waa kuwane bal hadda eega:

 





















































DOORASHADII GOLAYAASHA DEEGAANKA 2002
GOBOLKACODADKA%
Maroodi-jeex186,38342%
Awdal100,49523%
Saaxil27,2346%
Togdheer66,59815%
Sanaag53,09612%
Sool6,2612%
Wadadrta guud ee dalka440,067100%

 

Tani waa doorashadii golayaasha deegaanka 2002 ee dalka ka dhacday, doorashadani kama wada dhicin dalka masalan Gobolka Sool waxay ka dhacday Degmada Caynaba oo keliya kama dhicin Degmooyinka L/caanood, Xuddun iyo Taleex sidaa darteed codka gobolka u qorani maaha kii gobolka ee waa degmo ka mid ah oo keliya.

Sidoo kale kama dhicin gobolka sanaag degmooyinka Badhan, Dhahar, Laasqoray iyo qayb ka mid ah Ceerigaabo oo ah qaybta Koonfureed, waxa la mid ah gobolka Togdheer gaar ahaan  Degmada Buuhoodle.. halkaa Haddii aan caddeeyo waxaan uga jeedaa Sool, Sanaag iyo Togdheer midnaba lagama codayn deegaammada Hartigu dego  sidaa darteed codadkii gobolladaasi malaha ku xisaabtan sax ah.

 

 

 
















































DOORASHADII MADAXTOOYADA 2003
GOBOLKACODADKA%
Maroodi-jeex208,86443%
Awdal65,93413%
Saaxil30,5376%
Togdheer115,06424%
Sanaag57,93812%
Sool9,7022%
Wadarta guud ee dalka488,039100%

 

Tani waa doorashadii madaxtooyada 2003.

Doorashadani iyaduna kama wada dhicin dalka masalan Deegaamada aan xagga sare ku soo sheegay kama dhicin codadkoodiina waa maqan yihiin.





















































DOORASHADII GOLAHA WAKIILLADA 2005
GOBOLKACODADKA%
Maroodi-jeex253,22938%
Awdal133,02620%
Saaxil52,4798%
Togdheer121,75118%
Sanaag89,28613%
Sool20,5573%
Wadarta guud ee dalka670,328100%

Doorashadani iyaduna kama wada dhicin dalka masalan Deegaammada aan xagga sare ku soo sheegay kama dhicin codadkoodiina waa maqan yihiin.

 
















































DOORASHADII MADAXTOOYADA 2010
GOBOLKACODADKA%
Maroodi-jeex236,65144%
Awdal81,33815%
Saaxil29,2116%
Togdheer111,65321%
Sanaag58,51511%
Sool20,8784%
Wadarta guud ee dalka538,246100%

Doorashadani iyaduna kama wada dhicin dalka masalan Deegaammada aan xagga sare ku soo sheegay kama dhicin codadkoodiina waa maqan yihiin.

 

























































DOORASHADII GOLAYAASHA DEEGAANKA 2012
 GOBOLKACODADKA%
1Maroodi-jeex314,66339%
2Awdal114,45914%
3Saaxil57,2517%
4Togdheer160,46020%
5Sanaag114,64214%
6Sool49,3836%
 Wadarta guud ee dalka810,858100%

 

Doorashadani iyaduna kama wada dhicin dalka masalan Deegaammada aan xagga sare ku soo sheegay kama dhicin codadkoodiina waa maqan yihiin.

 

Intaa markaan kaga gudbo shaxda doorashooyinkii dalka ka dhacay cid waliba way arkaysaa garaafka gobollada kor u kaca iyo hoos u dhaca joogtada ah ee mid walba ku jira.

Fiiro Gaar ah: aan isu eego GobolkaTogdheer oo Degmada Buuhoodle qayb ka mid ahi ka maqan tahay iyo Gobolka Awdal, waxaynnu arkaynnaa in saddex doorasho gobolka Togdheer ka sarreeyo Gobolka Awdal halka laba doorashana uu Gobolka Awdal sarreeyo, sidoo kale waxaad arkaysaa gobolka sanaag oo hal doorasho ka sarreeya Gobolka Awdal iyadoo aynnu xusuusannahay in Gobolka 50% aanay doorashooyinku ka dhicin, codadkoodiina halkan ka maqan yihiin.


















































WADARTA GUUD EE DALKA SHANTII DOORASHO
1SANNADKA DOORASHADA TIRADA GUUD EE DALKA
12002440,067
22003488,039
32005670,328
42010538,246
52012810,858
 Wadarta guud ee dalka2,947,538

 

Tani waa isugeynta guud ee shantii doorasho ee dalka ka dhacay iyo gobol waliba inta uu ku leeyahay.

 

 

 

 

 





































































WADARTA GUUD EE GOBOL WALIBA KU LEEYAHAY SHANTII DOORASHO
GOBOLKACODADKA 5-tii DOORASHO%TIRADA XIL.
1Maroodi-jeex1,199,79041%33
2Awdal495,25217%14
3Saaxil196,7127%6
4Togdheer575,52620%16
5Sanaag373,47713%10
6Sool106,7814%3
 Wadarta guud ee dalka2,947,538100%82

 

Qaybta noocan ah oo malahayga noqon lahayd ta reer Awdal ku qanci lahaayeen, waa mid aan la qaadan Karin,  waayoTirada faraha badan ee gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Awdal ka muuqataa waa tirada ka maqan gobollada Sanaag sool iyo qayb Togdheer ka mid ah, sidaa darteed maaha mid la qaadan karo.

 

Haddaba xildhibaannada gobolka Awdal waxa dooddoodii ka mid ahayd waxannu nahay gobolka labaad ee xagga tirada dadka ugu badan Gobollada Somaliland,taasi waa sheegasho aan waxba ka jirin sida shaxahani caddaynayaan, waxa dhab ah in gobolka Maroodi jeex uu yahay gobolka Somaliland ugu dadka badan taasna muran kama taagna waxaana caddaynaya tirada ka codaynaysey ilaa 1960 oo mar walba waxa uu noqonayey gobolka ugu dadka badan Somaliland, Gobolka Togdheerana Gobolka labaad.

Hase yeeshee sheegashada Gobolka Awdal ee inuu yahay Goblka labaad waa mid aan marnaba caddayn loo hayn, marka la eego 1960 Berbera ayaa ka cod badnayd, marka la eego doorashooyinka 2002-2012 dhacayna waxa ka horreeya gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer sidoo kale diiwaan gelintii dalka ka dhacday 2008 wax ka horreeyey Gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Sanaag, aragti ahaan waxaan aaminsanahay in gobolka Awdal uu yahay Gobolka Afraad xagga tirada dadka, waxaana ka horreeya Goboolada maroodi jeex, Togdheer iyo Sanaag marka lagu daro 50% aan ka codayn gobolkaa.

 

 

 

 

 

 

CADDAYNTA ARRINTAAS

 

Tirada goobaha codaynta dalka oo ah 1,146 iyo siday gobollada ugu qaybsanaayen













































GobolkaGoobaha CodayntaInta Laga CodeeyeyInta Aan Laga Codayn
Maroodi Jeex337 337 
Awdal153153 
Saaxil9090 
Togdheer20819612
Sanaag21013872 + L/Qoray
Sool14833115 + Taleex

 

Shaxdani waa goobihii loogu talo galay in laga codeeyo, waxaana laga arkayaa inaan laga codayn 199 goobood oo ka mid ah taas oo u dhiganta 17% tirada guud ee goobaha,.

Goobahan aan laga codayn waxa ka maqan laba degmo oo kala ah Degmooyinka Laas-qoray iyo Taleex oo aan iyaga wax goobo ahba loo samayn, haddii aan ka soo qaado in ay lahaan lahaayeen goobo doorasho, goobaha aan laga codayni intan way ka badan lahaayeen, tirada codeeyayaasha ee Sanaag iyo Sool iyaguna intan way ka badnaan lahaayeen, bal aan uga qiyaas qaato degmooyinka la midka ah tirada  goobaha sida Dhahar, Badhan iyo Xuddun oo ah midkiiba 25 goobood shaxdu waxay u dhigmi lahayd sidan:

 

Tirada goobaha codaynta dalka oo noqon lahayd 1,196 iyo siday gobollada ugu qaybsanaayen



















































GobolkaGoobaha CodayntaInta Laga CodeeyeyInta Aan Laga Codayn
Maroodi Jeex337 337-
Awdal153153-
Saaxil9090-
Togdheer20819612
Sanaag23513897
Sool14833140
TOTAL  249

Waxaanay u dhigmi lahayd tirada guud ee goobaha codaynta dalka 21%,tirada goobaha aan laga codayni waxa ay ka badan tahay tirada goobaha laga codeeyey ee gobollada Awdal iyo Saaxil oo laysku daray, miyaan la odhan Karin dadka ka codayn lahaa waxa uu ka badan lahaa dadka ka codeeyey labadaa Gobol, waa la odhan karaa, laakiin waxa ku jiri kara ka badbadin iyo ku talax tag, hase yeeshee haddii lagu adkaysto taas lafteeda lama helayo wax laysku hortaago ama lagu beeniyo, waayo waxa muranku ka taagan yahay oo dhan ayaa ah sheegasho, iyadoo la helo diiwaan gelin iyo tiro koob sax ah mid uun ayaana lagu kala bixi lahaa, taasina way adagtahay.

 

Waxase muuqata oo aan la dafiri Karin inay ku maqan yihiin tiro badan oo ay labadaas gobol ku noqon lahaayeen xagga tirada gobollada dalka lambarrada Saddexaad iyo afraad.

 

Waxanse ku qanacsanahay in Gobolka Awdal uu yahay Gobolka afraad Xagga tirada dadka waxaana ka horreeya oo aanu muran ka taagnayn aragtidayda iyo baadhistayda Gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Sanaag.

 

Aan ka soo qaado in halkii goob doorashaba oo goobaha aan laga codayn ah ay ka codayn lahaayeen ugu yaraan 400 oo qof sow noqon mayso sida 249 x 400 = 99,600 oo cod waa 100,000 ugu yaraan inta gobolladaa ka maqani waxay mid walba goonnidiisa uga badan tahay tirooyin ka codeeyey doorshooyinka qaarkood gobollada Awdal, Saaxil iyo Togdheer

 

Haddii aynnu shaxdaa raacno waxa is beddelaya boqolleyda gobolladu ka helayaan 92-ka xildhibaan,

Aynu eegno oo aynnu ku darno natiijada guud ee dalka shanti doorasho marka laysku daro oo aynu ku darno 249-ka goobood oo midkiiba aynu ka soo qaadno inay ka codeeyeen doorashadiiba 300 oo qof  249x300x5= 375,500 cod.

Waxa is beddelaya codadkii goboolada Togdheer, sanaag iyo Sool, sidoo kale waxa is beddelaya tiradii xildhibaannada gobollada oo noqonaya sidan:

 





































































WADARTA GUUD EE GOBOL WALIBA KU YEELANAYO 5-tii  DOORASHO HADDII SHAXDAN LA RAACO
GOBOLKACODADKA 5-tii DOORASHO%TIRADA XIL.
1Maroodi-jeex1,199,79036%29
2Awdal495,25215%12
3Saaxil196,7126%5
4Togdheer593,52618%15
5Sanaag518,97716%13
6Sool316,7819%8
 Wadarta guud ee dalka3,323,038100%82

 

FIIRO GAAR AH: Gobollada Maroodi jeex iyo Togdheer waxa mid walba dheer 0.6 oo noqonaya hal xildhibaan, sidaa darteed waxaan ku daray gobolka Togdheer maadaama ay sidaa ku noqonayso ay hore u lahayd goobaha ka maqanna aan si dhab ah loo garanayn waxay noqon lahaayeen 15.

 

GEBO-GEBADA FALANQAYNTA.

 

  1. Waxa ii soo baxday in aan wax saami ahi kaga maqanayn reer Awdal saami qaybsigii 1960-kii

  2. Waxa ii soo baxday in doorashadii 2005-tii reer Awdal wax loogu daray gobollana wax laga jaray, taas oo aan ahayn xaq weliba maaxweynaha waqtigaa joogey waxa uu ka soo jeedey gobolka Awdal

  3. Waxa iisoo baxday in reer Awdal dhawr jeer cabashadoodii wax lagu siiyey gar ha haato ama yay ahaane taas oo aan u arkayey markaan sidanoo kale u baadhay in aan waxba ka maqnayan

  4. Wax ii soo baxday in dhammaan gobollada reer somaliland wada cabanayaan una baahan yihiin korodhsiimo.

  5. Waxa ii soo baxaday in haddii reer Awdal tiradoodu korodhay gobollada kale sidaa iyo si ka badan u kordheen.

  6. Waxa ii caddaatay in reer yihiin gobolka Afraad ama shanaad xagga tirada dadka.

  7. Waxa caddatay in aan reer Awdal wax ka maqani jirin, dhinac allaale iyo dhinicii aad ka eegto ama aad raacdaba waxaanay sinaba u dhaafayn 12 xildhibaan inay ka yaraato mooyaane badan karto, laakiin gobolada wax ka maqan yihin ay yihiin goboollada Maroodi jeex iyo Sanaag waa haddii la raaco mala awaalka goobaha maqan, oo aan ka soo qaaday inay ka codeeyeen tirada ugu yar maadaama goobta la geeyo ugu yaraan 800 oo waraaq cod-bixineed waxaan ka dhigay in 300 ka codayse 500 oo waraaqoodna la soo celiyey, haddiise ay soo baxdo tiro intaa ka badani waxa is beddelaya dhammaan saamiyada Gobollada oo hoos u dhac ku imanaya gaar ahaan gobollada Maroodi-jeex, Awdal iyo Togdheer


 

 

Waxa Diyaariyey

C/Kariim Axmed Maxamed (xinnif)

0634240009

0659240009

xinnif04@hotmail.com

 

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment