“Dadkayaga waa la isku dul-qabsanayaa oo Dumbuluq bay ka bilaabantay in halkaa (madaxa) xabbad lagaga dhufto ninkii Somaliland diida, illaa Berbera iyo Burco ayay socotay…” Xildhibaan Cabdiqaadir Indha-indho
Hargeysa, 23 August, 2015-(Himilo):- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indha-indho) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida, ayaa shaaca ka qaaday inay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa joogaan Rag ka daran Cali Khaliif Galaydh oo gudaha dalka Xasarad iyo xumaan Somaliland-diidnimo ah ka wada, isla markaana loo baahan yahay in kuwaas waddanka laga sifeeyo.
Xildhibaan Indha-indho oo shalay Saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in ay Xaafadda Dumbuluq ee magaalada Hargeysa ka bilaabantay in ninkii Somaliland diida wejiga xabbad lagaga dhufto, ka gudubtay oo ay Berbera illaa Burco socotay, haatanna Buuhoodle iyo deegaannada la midka ah ee Bariga Somaliland marayso. Sidaa awgeedna, aan loo baahnayn Rag la mid ah Cali Khaliif oo gudaha Caasimadda dhibaatada deegaannada Bariga ka taagan ka abaabula.
Xildhibaan Cabdiqaadir Indha-indho waxa uu sheegay in Ciidanka qaranka Somaliland nabad diid Cali Khaliif Galaydh ka sii saarayaan degmada Balli-cad oo uu gaadhay ka dib markii Wasiir Xaglo-toosiye ka saaray magaalada Buuhoodle, waxaanu yidhi; “Magaalada Buuhoodle ayay in carqalad ahi ka jirtay, Ciidamadii qarankuna meel Ballicad la yidhaa ayay eryanayaan Ninkaas (Cali Khaliif), Ciidanka qaranka iyo wasiirka Caafimaadka ayaanu arrintaasi ku ammaanaynaa, Madaxweynaha iyo xukuumaddana waanu ku ammaanaynaa.”
“Kuwa ka daba qaylinayana waxaanu leenahay adeer mid ka daran Cali Khaliif ka aanu eryanayno oo meelahan iska fadhiya looma baahna. Waddankan in doorasho ka dhacdo oo wixii meelahaas ka yimid ee fidno wada laga eryo ayaa loo baahan yahay ee in la is xasaradeeyo looma baahna. Waxa loo baahan yahay shaqo iyo in nin waliba degaanka uu ka soo jeedo ku filnaado.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Indha-indho.
Cabdiqaadir Indho-indho oo la weydiiyey miyaanay deel-qaaf ahayn in Masuuliyiinta gobollada Bariga ka soo jeeda ee uu isagu ka midka yahay ku tilmaamo kuwo dhibaataynaya dawladnimada Somaliland, waxa uu ku jawaabay; “Aniga deelqaaf iguma aha ee Adeer Cali Khaliif kale oo halkan Edeb-darro la wareega looma baahna, nin Cali Khaliif eryada ayaa loo baahan yahay. Cali Khaliifka halkaas jooga mid ka daran oo halkan jooga oo ninkii wax qabanayay eryada looma baahna. Anigaa ku leh ee Siyaasiyiinna maaha ee waa saaqidiin, waxaan dibindaabyo ahayn lama joogaan.”
Xildhibaan Indha-indho oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay la habboon tahay in dadka ay Masuuliyiinta u yihiin maalin walba la isku dul-qabsado, waxa uu yidhi; “Dadkayaga waa la isku dul-qabsanayaa oo Dumbuluq bay ka bilaabantay in halkaa (madaxa) xabbad lagaga dhufto ninkii Somaliland diida, illaa Berbera iyo Burco ayay socotay, waxay Somaliland Boorama ku heshiisay in ninkii Somaliland ka hor-yimaadda in gacanta la wada saaro ayey ahayd, annagu uma baahnin wax halkan xasarad la fadhiya wax Ragga dalka soo weeraraya wax ka qabtaa loo baahan yahay.”
Waxa uu Xildhibaan Indha-indho sheegay inuu taageersan yahay sida uu wax u wado Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo fulinaya Amarka Madaxweynuhu faray sida uu sheegay, waxaanu intaas ku daray in Ragga Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta ah ee xag-xaganaya Wasiir Xaglo-toosiye yihiin kuwo ka soo horjeeda danta Qaranka Somaliland oo wax ka qabasho u baahan.
Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiillada oo labadooduba ka soo jeeda gobolka Sool, ayaa ka soo horjeeday Siyaasadda uu Wasiir Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo amarka Madaxweynaha Somaliland fulinayaa sida uu sheegay Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo la baxday Cali Khaliif Galaydh kaga saaray magaalada Buuhoodle toddobaadkii hore.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment