Saturday, August 22, 2015

Shirkadda SOMA OiL & GAS oo QM ka dalbaday kulan ay kaga jawaabto eedaymo Musuq oo loo haysto

 

London, 22 August 2015-(Himilo)- Shirkadda SOMA OIL & GAS oo dhawaan Heshiisyo la gashay dawladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Baadroolka iyo Khayraadka Macdanta, ayaa dalbatay inay la kulanto Qaramada Midoobay si ay u caddeyso, isla markaana uga jawaabto eedeymo musuqmaasuq iyo wax is-daba-marin la xidhiidha heshiisyada ay Soomaaliya la gashay oo loo jeediyey, muran badanna dhaliyey.

 
Waxa Shirkadda SOMA OIL & GAS Madax ka ah Michael Howard oo hore u soo noqday Madixii Xisbiga Muxaafidka ee Britain; waxaanay Shirkaddaasi waddaa sidii ay bannaanka isaga marin lahayd eedeymaha culus ee loo jeediyey. Waxaanay Shirkaddu gacanta ku dhigi doontaa Kheyraadka Soomaaliya sidii ay u soo saari lahayd haddii ay ka bari noqoto eedaymaha musuqmaasuq ee dawladda Ingiriisku u haysato.

 
Codsigan loo diray Guddoomiyaha Guddiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Rafael Dario Ramariez Carreno, ayaan lagu sheegin inuu Warqada codsiga, kasoo jawaabay iyo in kale, iyadoo warkan lagu shaaciyay ama lagu daabacay bogga Internet-ka ay ku leeyihiin Shirkadda Soma Oil & Gas, waxaana Warkaas lagu xusay inay ka walaacsan yihiin waxay ku sheegeen fahamka qaldan ee Qaramada Midoobay ee ku aaddan Ganacsiga Shidaalka iyo Saaliidda iyo weliba Heshiiska Soomaaliya lala galay.
Maamulka Shirkadda Soma Oil & Gas, ayaa wadda dedaallo ay ku caddeynayaan hawsha ay ka qaban doonaan Soomaaliya ama guud ahaan ganacsigooda, waxaanay doonayaan inay saameyn culus oo wanaagsan inuu leeyahay heshiiska ay la galeen Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka Soomaaliya ay isku Af-garteen qaabka loo wada-shaqeyn karo iyo fursadaha jira oo la filan karo.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment