Monday, August 24, 2015

Madaxwayne Siilaanyo Oo Magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Qorsheynta Qaranka.

Hargeysa August 24,2015(Himilo)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa magacaabay Wasiir ku xigeenka wasaarada Qorsheynta Qaran.

 

WARSAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu

digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3515/082018 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. isagoo madaxweynuhu hore warqadii shaqo ka tegista ka aqbalay wasiir ku xigeenkii hore wasaaradda Cabdikariim Axmed Mooge.

Madaxweynaha:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee JSL;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdi Yuusuf Ismaaciil (Cabdi Wadaad), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada ahna ku simaha Afhayeenka Madaxtooyada JSL.

No comments:

Post a Comment