“Xeerkani si cad u qeexi maayo baahiyaha ay ummaddu Waxbarasho uga baahan tahay. Kolkaa Golaha Wakiilladu dib ha ugu celiyo ciddii soo qortay..” Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan
Hargeysa, 23 August 2015-(Himilo)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare dib ugu celiyey qabyo-qoraalka Xeerka Waxbarashada dalka oo ay sheegeen inuu yahay Xeer aan ka jawaabaynin baahiyaha looga baahan yahay inuu ka jawaabo Xeerku, isla markaana aan ka turjumaynin siyaasadda Waxbarasho ee waddanka.
Fadhigii shalay ee Wakiillada oo uu guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golahaas Baashe Maxamed Faarax, waxay Xildhibaannada ka soo xaadiray kaga doodeen qabyo-qoraalka Xeerka Waxbarashada Somaliland, kaasoo ay dhalliileen qodobbada ku jira qaarkood, isla markaana muujiyeen qodobbo badan oo muhiim ahi inaanay ka muuqan, sidaa awgeedna ay soo jeediyeen in dib loogu celiyo Wasaaradda si ay u soo samayso Xeer ka jawaabi kara baahiyaha looga baahan yahay Xeerkaasi inuu yeesho.
Xildhibaan Naasir Xaaji Cali oo Xildhibaannada ka dooday qabyo-qoraalka Xeerka Waxbarashada, waxa uu ku dooday; “Maaddaama oo looga baahan yahay Xeerka qodobbo muujinaya anshax-xumada iyo Qaadka iyo Sigaarka in lagu soo daro, ujeeddooyinkii Manhajku meesha kama muuqato. Waxa la leeyahay hallaga dhaafo Manhajka, Manhajna waannu samaysannay, halka qodobka 42-aad si cad u sheegayo in dhammaan Dugsiyada lagu dhigayo Manhajka Somaliland. Sidaa awgeed, waxaan soo jeedin lahaa kol haddii qodobbadaas muhiimka ahi ka maqan yihiin in Xeerkan sidiisa lagu celiyo.”
Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan oo ka mid ahaa Mudanayaashii Xeerkaas Waxbarashada dooddooda ka dhiibtay shalay, waxa uu yidhi; “Xeerkani si cad u qeexi maayo baahida ay ummaddu Waxbarasho uga baahan tahay. kolkaa, maaddaama oo aanu Xeerkani si cad uga jawaabaynin, waxay ila tahay Golaha Wakiilladu inuu dib ugu celiyo Xeerkan ciddii soo qortay.”
Mudanayaal kale oo iyaguna dooddooda fadhigaa shalay ka dhiibtay, ayaa sheegay inaan Xeerkaas lagu soo qorin Siyaasadda guud ee Somaliland ay Waxbarashada ka leedahay, iyagoo xusay in loo baahan yahay in la soo saaro dad bisil oo Waxbarashada ay dalka gudihiisa ku bartaan ugu shaqo tegi kara waddamada kale ee caalamka, sidaa awgeedna waxay soo jeediyeen in dib loo celiyo Xeerkaas maaddaama oo aanu dhammaystirnayn.
Waxaanay Golaha Wakiilladu qabyo-qoraalka Xeerkaas isla shalay-ba dib ugu celiyeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, maaddaama oo sida ay Mudanayaashu inta badan ku doodeen, soona jeediyeen in gal-daloolooyin badani ka muuqdaan Xeerkaas, wax badan oo Waxbarashada muhiim u ahina ka maqan yihiin.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment