Thursday, August 20, 2015

Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadka oo kormeer Qiimayn ah ka Sameeyey Togdheer iyo Kulan dhexmaray Masuuliyiinta Gobolka

 

Burco, 20 August, 2015 (Himilo)- Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadka Somaliland, ayaa magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ka bilaabay olole ka dhan ah Xarumaha Caafimaadka ee Sharci-darrada looga furo magaalada iyo dhakhaatiirta Ajaanibka ah ee aan la xaqijiin aqoontooda Caafimaad.

 
Guddoomiyaha Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadka Dr Axmed Xaashi Oday oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Guddiga oo socdaal ku jooga magaalada Burco, ayaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyey kormeer ay ku qiimaynayaan tayada adeegyada iyo mihnadda hawl-wadeennada ka shaqeeya ku maray Xarumaha Caafimaad ee ku yaala magaalada Burco, waxaana markii kormeerkoodaasi u dhammaaday kulan la yeesheen masuuliyiinta hay’adaha dowladda ee degmada Burco iyo Gobolka Togdheer.
Kulanka oo shalay ku qabsoomay Xarunta maamulka gobolka Togdheer isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen Xeer-ilaalinta gobolka, Maxkamadaha degmada iyo gobolka, Taliska Qaybta Booliska, Wasaaradda Caafimaadka, iyo Dowladda Hoose ee Burco, ayaa ujeeddadiisu ahayd mid ay guddigu masuuliyiinta Gobolka ugu gudbinayaan natiijada kormeer ay ku sameeyeen Xarumaha Caafimaadka ee gobolka, gaar ahaan degmada Burco,
Guddigu waxa ay masuuliyiinta kala hadleen sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka bulshada kaga iman kara Xarumaha Caafimaad ee aan sharciga ka hawshan xukuumadda ee magaalada Burco ka furan iyo dhakhaatiirta Ajaanibka ee ka hawl-gala.

 
Guddoomiyaha Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadka Dr Axmed Xaashi Oday oo ugu horeyn kulanka ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey ujeeddada socdaalka ay ku gaadheen gobolka Togdheer iyo hawl-gallo ay magaalada Burco ka fulinayaan.

 
“Waxaanu ka koobannahay Siddeed qof, waxaanu u nimi in meel kasta oo caafimaadka wixii looga baahan yahay ay qoraan, waxaanu sidannaa Foomam derejooyin kala ah. waxa la qiimeynayaa shaqada ama adeeggga ay qabanayaan sida qofkii, qalabkii iyo meeshiiba, dabadeed waxa la odhanayaa meeshaas ayay ku habboon tahay. Immikana waanu soo wada-marnay goobihii caafimaadka.” ayuu yidhi Axmed Xaashi Oday.
Masuuliyiinta dowladda ee gobolka Togdheer oo iyaguna kulanka ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey qorshaha Guddiga Mihadlayaasha Caafimaadka, waxaanay ballan-qaadeen inay gacan ka siinayaan sidii loo xakamayn lahaa tayada adeegyada Caafimaad iyo Aqoonta hawl-wadeennada ka shaqeeya Xarumaha Caafimaad ee gobolka Togdheer.
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment