Thursday, August 20, 2015

Muxuu Wasiir Xirsi ka yidhi Doonistiisa jagada Guddoomiyaha KULMIYE iyo Hankiisa Kursiga Madaxweynaha kaddib Md Siilaanyo?

 

“Nin kaambayn (olole) Guryo kula dhuunta ma ihi ee haddaan kaambayn galayo waan caddeeyaa. Markaan, kaambayn galana Sanqadhaydu aad bay u wayn tahay ee ma ihi dadka sanqadhoodu hoosayso ama saamayntoodu yar tahay…” Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan

Hargeysa, 20 August 2015 (Himilo)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shaaca ka qaaday inaanu wakhtigan u sharraxnayn Jagada Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo dhawaanahan la hadal-hayey inuu olole xooggan ugu jiro sidii uu kursigaas u fadhiisan lahaa marka la qabto Shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbigaas.
Sidoo kale, waxa uu sheegay Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlayey hankiisa Kursiga Madaxweynaha Siilaanyo ka dib, in marka wakhtigaas la gaadho uu Asxaabtiisa, Madaxweynaha iyo cidda ay talo wadaagaan kala tashan doono, ka dibna uu markaas shaacin doono go’aankiisa haddii ILLAAHAY nabadgelyo ku gaadhsiiyo sida uu sheegay.
Wasiir Xirsi oo Saxaafaddu arrimahaas su’aalo ka weydiisay mar uu shalay u sii dhoofayey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo uu kaga horreeyo Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo uu sheegay in markay halkaas isugu tagaan kulammo la yeelan doonaan Masuuliyiin dawladda Federaalka Itoobiya ka tirsan oo ay arrimaha labada dal ka wadahadli doonaan, waxa kale oo uu sheegay inaanu jirin olole uu ka bilaabay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco oo uu xil ku doonayo toona.
“Boqorku wuxuu ka mid yahay Boqorrada Somaliland, markay timaaddo Siyaasad, Siyaasadda Xisbiyo ayaynu u samaysannay ee Xisbiyo ee Reero umaynaan samaysan, Reeruhu waa waxaynu ka guurnay ee aynu ugu talo-galnay inaynu Xisbiyo u samaysanno. Markaa, Fagaarayaasha Siyaasadda ayaa la isku weydiiyaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa la isku hayaa baa la leeyahay. Aniga iyo Maxamuud (Wasiirka Duulista), saaxiib baannu nahay, isma hayno, Guddoomiyaha Xisbiga anigu immika uma sharraxni oo nin u sharraxan ma ihi.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Xirsi oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey hirdanka isaga iyo Maxamuud Xaashi ka dhexeeya ee doonista Guddoomiyennimada Xisbiga KULMIYE.
Wasiirka Madaxtooyada oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inuu han Madaxweyne leeyahay marka uu Madaxweyne Siilaanyo wakhtigu ka dhammaado ka dib, waxa uu yidhi; “Madaxweyne Siilaanyo dabadii haddii Insha Allaahu wakhtigaas aynu gaadhno, waxa la yidhi; ‘laba toddobaad oo Siyaasad ahi waa wakhti dheer’ wax dhici doona ILLAAHAY baa yaqaan, maalintaas wixii jooga markaan la tashado Asxaabtayda iyo Ragga Siyaasadda aannu wadaagno ee Dabcan Madaxweynahayga iyo wixii talo aannu wadaagno la tashanno, waxaan yeeli doono maalintaas ayaan sheegi doonaa.”
Sidoo kale, Wasiir Xirsi oo la weydiiyey inuu magaalooyinka Burco iyo Hargeysa uu ka bilaabay kulammo uu hankiisa Musharraxnimo ku soo bandhigayo Madaxweyne Siilaanyo dabadii, waxa uu ku jawaabay; “Waxaan filayaa reer Somaliland way I yaqaannaan, Nin kaambayn (olole) Guryo kula dhuunta ma ihi ee haddaan kaambayn galayo waan caddeeyaa. Markaan, kaambayn galana Sanqadhaydu aad bay u wayn tahay ee ma ihi dadka sanqadhoodu hoosayso ama saamayntoodu yar tahay.”
Himilomedia/ Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment