Monday, August 31, 2015

Madaxwayne Siilaanyo Oo Tacsi U Diraya Geerida Ku Timid Marxuum Siciid Cali Giir


31/08/2015


TACSI MADAXWEYNE


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Siciid Cali Giir  oo ku geeriyooday Laascaanood  maanta oo taariikhdu tahay 31/08/2015.



Siciid Cali Giir  waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu horeeyey ee qaybta ka ahaa ciidamada wakhtigii ay Somaliland qaadatay xoriyada 1960kii, isagoo ka mid ahaa 1961kii koox saraakiila oo ka qaybqaatay inqilaabkii fashilmay oo ay doonayeen saraakiishaasi in ay ku soo celiyaan midnimadii lagu hungoobay.



Marxuumka oo Xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland, 1991kiina waxa uu ka mid ahaa hormuudadii kaalin muga leh ka qaatay sidii loo xaqiijin lahaa himiladii ahayd in qaranka dib loola soo noqdo oo ahayd wixii uu ku taamamayey 1961kii kana midho dhaliyey.



Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

No comments:

Post a Comment