

Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa oo Warbixintaas ka hor-akhriyey Mudanayaasha qaar ka mid ah qodobbada Xeer-hoosaadka ee ay wax-ka-beddelka iyo kaabista ku sameeyeen Guddi ahaan. Waxaanu sheegay in ay soo kordhiyeen qodobka Saacadaha shaqada oo dhigaya in Mudanayaasha Goluhu shaqeeyaan siddeed saacadood oo xidhiidh ah.
“Qaybta labaad waxaan kaga hadlaynaa, Guddiga Joogtada ah iyo anshaxu qodobbo ay ku soo dartay oo ay u aragtay muhiim kuwaas oo ku saabsan dardar-gelinta hawlaha shaqo ee Golaha kana hadlaya xaadirka Mudanayaasha ee fadhiyada Golaha iyo tallaabooyinka anshax-marineed ee ka dhalanaya ka maqnaanshaha fadhiyada Golaha fasax la’aan iyo fasaxyada ay Mudanayaashu soo dalban karaan inta ay socdaan fadhiyada Goluhu.”
“Xaadirka iyo ka qaybgalka fadhiyada Golaha waxa muhiim in: 1. Xildhibaan kasta waxa waajib ku ah inuu soo xaadiro kana qaybgalo fadhiyada Golaha, waxaynu aragnay in Xildhibaannadu iyaga oo jooga magaalada, fasaxna qaadan ay haddana ka maqnaadaan fadhiyada Golaha, qodobkaas ayaa xaaraantimaynaya.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa.
Xildhibaan Buubbaa oo sii watay sharraxaaddiisa waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “2. Saacadaha shaqada ee Goluhu waxay noqonayaan 8-da subaxnimo illaa 2:30 duhurnimo, waa siddeed saacadood oo shaqo ah, haddii aynu innagu u bilaabi wayno in Jamhuuriyadda Somaliland shaqaalaheedu 8 saacadood shaqeeyaan, Wasaaradaheenna iyo dadkeena kalena siddeed saacadood oo ay shaqaynayaan ma jiraan.”
Muddo toban sano ah oo ay Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee shanta sano iyo dheeraadka muddo-kordhinta ku fadhiyaa xilka hayeen hal mar, ayaa la isku dayey in wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyo Xeer-hoosaadka Golahaas. Hase-yeeshee, wax-ka-beddelka iyo kaabistaas oo dabayaaqada sannadkii 2013-kii la sameeyey ma noqon mid hirgalay ama ansaxay, ka dib markii uu khilaaf Cirka isku shareeray ka dhashay qodobbo qaarkood.
Qodobbadaas khilaafka dhaliyey, waxa ka mid ahaa qodob dhigayey in saddexda Xubnood ee Shir-guddoonku kala maamuus noqonayaan oo Guddoomiyuhu Kursiga sare ku fadhiisto, labada ku-xigeenna halka ay dhinacyada ka fadhiistaan ku fadhiisan doonaan Kuraas kiisa ka hooseeya, waxaanu khilaafkaasi keenay in la hakiyo oo aanu hirgelin inta badan wax-ka-beddelkaas iyo kaabistaasi Ergo dhex-dhexaadin ka gashay khilaafkaas oo illaa badhtamihii sannadkii hore soo jiitamayey dartii una dhexeeyey laba Garab oo ay kala hoggaaminayeen Guddoomiya iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad oo uu weheliyey Ku-xigeenka labaad ee Golahaasi. Lamana garan karo in wax-ka-beddelka iyo kaabistan shalay Guddiga Joogtada ee Golahaasi shaacisay noqon doonto tallaabo hirgesha iyo in kale iyo in khilaaf ka dhalan doono iyo in kale toona.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment