Tuesday, August 25, 2015
“Kuwaa Hargeysa ka soo diraya Xaglo-toosiye Riwaayad buu meesha u yimaaddaa, iyaguna Riwaayaddaas bay…”
Buuhoodle, 25 August 2015 (Himilo)- Siyaasiga Prof: Cali Khaliif Galaydh oo hoggaamiye u ah Kooxda Somaliland-diidka ah ee Khaatumo la baxday, ayaa sheegay in Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo dawladda uu metalaaba Riwaayad jilayaan, isla markaana tegista Buuhoodle wax kaga dhaca mooyee wax ugu kordhaa jirin. Waxaanu ku dooday in Wasiir Xaglo-toosiye caado ka dhigtay markasta oo uu Galaydh ahaan Buuhoodle yimaaddo inuu isaguna halkaas tago.
Cali Khaliif waxa uu sheegay in uu yahay nin reer Buuhoodle ah, isla markaana hanti ku leh magaaladaas, Ehelkiisa oo Hooyadii ugu horreysaana deggan yihiin, sidaa awgeedna uu imanayo goor alla goorta uu isagu doono isagoon cidna uga fasax qaadanaynaynin, kuna iman karo si shaqsi ah iyo isagoo Madaxweynaha Khaatumo ah-ba sida uu ku dooday.
Cali Khaliif Galaydh oo su’aal laga weydiiyey waxa Maamulka uu sheegto inuu hoggaamiyo ee Khaatumo la baxay uga meel-yaalla Masuuliyiinta Somaliland ka tega ee Buuhoodle taga mar uu u warramayey TV-ga Somnews shalay, waxaanu ku jawaabay; “Wallaahi dadkaas hor-galayaasha ahi markay yimaaddaan wax kaga dhaco mooyee wax ugu kordhayaa ma jirto. Maalmahan ma aqaan inuu ka tegay Wasiirkii Caafimaadka Maamulka Somaliland baa jooga, oo aad mooddo inuu caado ka dhigtay markaan anigu magaaladaa tega-ba inuu yimaaddo. Hadda anigu reer Buuhoodle ayaan ahay, hadda Hanti baan ku leeyahay, hadda Eheladaydii oo dhan baa joogta ha ugu horreyso Islaanta Hooyaday ah, mar allaala markaan doono anoon cidna uga fasax qaadan baan tegayaa, anigoo shaqsi ah iyo anigoo Madaxweynaha Khaatumo ah-ba. Dadka magaaladaas ku nool ama aaggaas ku noolina Boqolkiiba Sagaashan iyo wax la jiraa waa Khaatumo.”
Prof: Galaydh waxa uu shuruud ku xidhay tegista Buuhoodle ee Masuuliyiinta ka tirsan Somaliland iyo Puntland ee deegaannadaas u dhashay, waxaanu yidhi; “Hadduu yimaaddo ninkaas (Xaglo-toosiye) iyo qolyo Puntland ka yimaadda dhulka waa u dhasheen oo cidina ka celin mayso. Waxaanse aamminsanahay hadday labadoodu wada shaqeeyaan siday haddaba u wada shaqaynayaan oo Baabuurta Xaglo-toosiye ka hor-timi iyo Shacabka ka hor-yimi dad reer Somaliland ah maaha waa Shacabka reer Buuhoodle iyo Khaatumo, waa inay arkaan Somaliland iyo Puntland inay Dameer iyo labadiisii daan yihiin, waana dhacday, mar allala marka ay hor-yimaaddaan wax kaga dhaca mooyee wax ay kaga faa’iidaan-na ma jiro.”
“Ma nihin niman annagu odhanaya Fiise ayaannu weydiinaynaa, ha soo galaan iyo xabbad kala hor-tegaya ma nihin, waa dhulkoodii. Hadday yimaaddaan oo dan la ogyahay oo faa’iido ah oo Mashaariic ah u wadaan ahlan wasahlan, Gaala-ba waa laga qaadanayaa. Laakiin, hadday fadqalallo iyo inay yeelaan waxaan dadkaa dantooda ahayn dadkaaban u dul-qaadanayn.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Galaydh.
Mar uu Cali Khaliif ka hadlayey qaddiyadda Shacabka reer Buuhoodle iyo taageerada ay Kooxdiisa u hayaan, waxa uu yidhi; “Bishan Ogos 1-deedii waa la ogaa wixii ka dhacay magaalada Buuhoodle, dad ku abtirsanaya Puntland oo Saldhigyo Boolis iyo meelahaa Riwaayado loo dhigo waxaan u malaynayaa Mashuur baaba laga dhigtaa kuwa Puntland iyo kuwa Somaliland’e, dadka Shacabka ayaa cagta mariyey waanay ogyihiin, Saxaafadduna waa baahisay. Waa ognahay Riwaayadahan ay dhigayaan Ninkaa Hargeysa ka imanaya (Xaglo-toosiye).”
Cali Khaliif Galaydh waxa uu ku dooday in Wasiir Xaglo-toosiye iyo dawladda Somaliland-ba wadaan Riwaayad, waxaanu yidhi; “Waxa jiray qolyaha dalka Polland waagii Shuuciyaddu xukumaysay waxay odhan jireen; ‘Annaguna waxaannu iska dhignaa dad shaqaynaya, dawladduna waxay iska dhigtaa inay Mushahar iyo xuquuqdayada na siiso. Markaa, haddaba waxaan u malaynayaa kuwaa Hargeysa ka soo diraya Xaglo-toosiye isaguna Riwaayad buu meesha u yimaaddaa, iyaguna Riwaayaddaas bay rabaan inay daawadaan oo dadkooda u dhigaan, markaa bal Riwaayaddoodaa ha wateen, laakiin wax dhib ah oo ay annaga nagu haysaa ma jiro.”
Prof: Galaydh waxa uu sheegay inay wadahadallo kala duwan oo hore yeesheen isagoo Hoggaamiyaha Khaatumo ah iyo Masuuliyiinta dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isla markaana ay dawladdu u oggolaatay Khaatumo inay taageerto, isla markaana sida Maamullada kale ee Soomaaliya ka jira oo kale siiso saamiga ay xaqa u leeyihiin ee Mucaawinooyinka ay dawladdu hesho ah, waxaanu intaas ku daray in Maamullada iyo Shacabka Soomaalida ka jira in badan oo ka mid ahi taageersan yihiin Maamulkiisa oo ay aamminsan yihiin inuu Midnimada Soomaaliyeed u halgamayo. Waxaanu sheegay in Maamulkiisu guulaysan doono, isla markaana kuwa halganka ka soo horjeedaana guul-darraysan doonaan, taariikhduna qori doonto sida uu hadalka u dhigay Cali Khaliif.
Toddobaadkii hore, ayuu Cali Khaliif Galaydh yimi magaalada Buuhoodle, hase-yeeshee, markii uu hal habeen ku sugnaa, waxa halkaas gaadhay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), kaasoo ay taageero xooggan u muujiyeen Shacabka reer Buuhoodle, isla markaana saacado u qabtay in Prof: Galaydh iyo cidda Kooxdiisa kala socotaa kaga baxaan gudaha Buuhoodle, halkaasoo uu ka baxay markii Shacabka magaaladaasi ka hor-yimaaddeen, una cararay Balli-cad deegaan la yidhaahdo oo ka tirsan isla gobolka Cayn, lamana sheegin goobta rasmiga ah ee marka uu Waraysigan gaarka ah bixinayey Cali Khaliif Galaydh kaga sugnaa gobolka Cayn ee xaruntiisu tahay Buuhoodle.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment