Tuesday, August 25, 2015

Daacish oo Burburiyey Dhisme Taariikhi ah oo ku yaallay magaalada Palmyra

Palmyra, 25 August 2015 (Himilo)- Kooxda isku-magacawday Khilaafada dawladda Islaamiga ah ee Daacish/ISIS, ayaa burburisay, isla markaana dhulka la sintay Macbad taariikh facweyn leh oo la odhan jiray Baalshamin oo ku yaallay magaalada Palmyra ee dalka Suuriya, kaasoo la dhisay wakhti laga joogo muddo laba kun oo sannadood ah ka hor.
Daacish, ayaa la wareegtay magaalada Palmyra bishii May ee sannadkan, taasoo sare u qaadday cabsida laga qabay in ISIS ay burburiso mid ka mid ah Xarumaha ugu waa weyn Aathaarta Qadiimiga ah ee dunida, gaar ahaan magaaladaas iyo deegaannada ku xeeran oo uu kan ay Axaddii dumiyeen iyo kuwo kaleba ku yaalleen sida la sheegay.
Kooxdan la baxday dawladda Islaamiga ah ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya oo ay qaybo ka mid ah ka taliyaan, ayaa hore u burburisay Goobo Taariikhi ah oo ku yaallay deegaannada ay gacanta ku dhigeen ee waddamada Ciraaq iyo Suuriya. Madaxa Aathaartii hore ee dalka Suuriya Ma’muun Cabdulkariim, ayaa sheegay in Kooxda Daacish (ISIS) ay qarxisay Macbadka Baalshamin oo ay burburisay, isla markaana dhulka la sintay Axaddii toddobaadkan.
Dadka ku dhaqnaa Deegaankaas, ayaa iskaga cararay oo ka qaxay magaaladaas iyo nawaaxigeeda, kuwaasoo sii yaraanayey marba marka ka dambaysa tan iyo markii ay Daacish gacanta ku dhigtay magaaladaas iyo deegaannada ku dhadhaw qaarkood. Waxaanay dadkaas qaarkood sheegayaan in Kooxda Daacish ay walxa qarxa ku rakibeen dhismaha Macbadkaas, inkastoo ay arrintaasi sameeyeen bil ka hor, sida laga soo xigtay Kooxda u dhaqdhaqaaqda Xuquuqda Aadamaha ee waddanka Suuriya, oo qaylo-dhaan ka suumuujiyey ka dib markii ay Daacish magaaladaas la wareegtay.
Magaalada Palmyra ee waddanka Suuriya, ayaa caan ku ah Goobaha Taariikhiga Qadiimka ah leh ee Giriigga iyo Romaniyiinta. Macbadkan la burburiyey, ayaa la dhisay 2000 oo sano ka hor waqti laga joogo sida ku xusan taariikhda dhismahaas. Waxaa sidoo kale, la sheegayaa in Kooxda Daacish looga cabsi qabo inay cagta mariso oo ay burburiso goobo kale oo Taariikhi ah oo ku yaalla magaaladaas iyo deegaannada ku dhadhaw.
Kooxda la baxday Khilaafada dawladda Islaamiga ah ee ISIS (Daacish), waxay Bishii la soo dhaafay waxa ay soo bandhigtay Sawirro Muujinayey Dagaalyahannadeeda oo burburinaya ama duminaya wax ay ku sheegeen waxyaabo ama dhismayaal Qadiimi ah oo laga bililiqaystay magaaladaas Palmyra.
Burburintan ugu dambaysay ee ay ku kaceen Dagaalyahannada Kooxda Daacish, waxay ku soo beegmaysaa maalmo ka dib markii ay Kooxda ISIS dishay Nin muddo afartan sannadood ka badan ka soo shaqeynayay Goobaha Qadiimiga ah ee magaalada Palmyra, kaasoo aanay wax faahfaahin ah ka bixin sababta ay u dishay iyo dembiga uu geystay toona. Waxay hore u burburisay Kooxda Daacish Goobo kala duwan oo Taariikh Qadiimi ah leh oo ku yaallay deegaanno ka tirsan waddamada Suuriya iyo Ciraaq.

Himilomedia
HargeysaOffice

No comments:

Post a Comment