Saturday, August 22, 2015
“Waxa muuqatay in halka ugu haboon ee hooyada u ah W. Kalluumaysigu tahay Berbera, waana halka uu joogo Kalluunlaha saxda ahi”
Kulan lagu gorfeeyey Mashaariicda Horumarinta Kalluumaysiga oo Berbera ku qabsoomay
Berbera, 22 August, 2015 (Himilo)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga oo ay weheliyaan hay’adaha la shaqeeyo oo todobaadkii hore socdaal ku tagay degmada Berbera ee gobolka Saaxil, ayaa kulan la yeeshay Ururrada Kalluumaysata oo ay is-xog-waraysi kala yeesheen hab-sami u socodka mashaariicda Kalluumaysata lagu taageero.
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Somaliland ayaa sannadkii afar kulan u qabata, kalluumaysatada, daneeyayaasha horumarinta khayraadka badda iyo hay’addaha la shaqeeya wasaaradda, kulamadaas oo lagu gorfeeyo habsami u socodka hawlaha kalluumaysi ee dalka iyo is-xogweraysi dhinacyada hawshani khusayso, waxaanu kulankani noqonayaa kii shanaad ee horumarinta kalluumaysiga lagu gorfeeyo.
Kulan oo dorraad ka dhacay Hotelka Maansoor ee magaalada Berbera, waxa ka qayb-galay masuuliyiinta ugu sareysa wasaaradda kalluumaysiga, shirkadaha kalluumaysatada ah, jaamacadda culuumta badda ee Berbera, hay’addaha Oxfam iyo FOA. Sidoo kale waxa kulankaas ka qaybgalay maamulka gobolka Saaxil iyo masuuliyiinta degmada magaalada Berbera, waxaana kulankaas la isku waydaarsaday macluumaadkii saddexdii bilood ee u dambeeyay qabsoomay, waxyaabihii laga bartay kulamadii hore iyo isku xidhka ururrada iyo kalluumaysatada kala duwan si loo helo waxqabad isku mid ah.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo weheliyaan agaasimaha guud ee wasaaraddaas Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey) iyo masuuliyiinta waaxyaha ee wasaaraddaas, ayaa xog-waran iyo macluumaad ka dhegaystay dhinacyadii ka qaybgalay shirkaas.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo furitaankii kulankaas ka hadlay ujeedada shirkaas, waxaanu yidhi, “Siyaasadda kalluumaysiga ee ay leedahay xukuumadda uu hogaaminayo Axmed Maxamed Siilaanyo ujeedadeedu waxa weeye inaynu ka midho-dhalino oo aynu gaadhsiino halka aynu ku hamiyayno. Sidaa darteed waxa muuqatay in halka ugu haboon ee hooyada u ah wasaaradda kalluumaysigu inay tahay Berbera, waana halka uu joogo kalluunlaha saxda ahi. Waxaynu u baahanahay inay kor u qaadno tayada iyo tirada khayraadka badda ee aynu soo saarayno oo aanay shirarkeenu noqon qaar aynu isugu nimaadno oo aynu haddana kala tagno, waa inuu ka duwanaado shirkeenani kii ka horeeyay, wixii uu kaga duwanaana aynu aragno. Waxa kale oo ujeedada shirkani ay tahay inaynu koritaanka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka kaalinta aynu kaga jirno aynu ka muuqano oo aynu noqono wasaarad wax soo saar,” sidaas ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiir ku-xigeenku waxa kale oo uu mahad-naq ujeediyay masuuliyiinta xukuumadda oo uu sheegay inay wasaarad wada-shaqayn fiican la leeyihiin, gaar ahaan wasiiradaha Maaliyadda, Madaxtooyada, Qorsheynta iyo Warfaafinta.
Waxa kale oo ka hadlay shirkaas agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey), waxaanu sheegay in looga baahan yahay shirku uu noqdo mid midho-dhal ah.
Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, isagoo ku bogaadiyay wasaaraddu inay shirkaas ku qabato xarunta gobolka Saaxil oo uu tilmaamay inay tahay halka ugu haboon hawsha kalluumaysi ka socoto.
Maayarka maagalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), waxaanu sheegay isla markaana uu ugu baaqay dhinacyadii shirkaas ka qayb galay in lagu booriyo bulshadu inay bartaan khayraadka ku duugan baddeena.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment